23 August, 2008

DANTA DALKA IYO TAN AWDALBA WAA SAYLICI IYO KULMIYE


Waxa la sheegayaa in tartankii Madaxweyne xigeenka ee kulmiye Mujaahidkii liqi waayey in qof kale matalo bulshaweynta Awdal. Waxa Walaalkeen Cabdirahmaan Aw Cali arki waayey xaalka xun ee dalku ku sugan yahay iyo sida hurdadau ku jirto ee uu ula socdo, isagoo marna hawl waxtar ah u yeelan Awdal amba meel kale oo Soomaliland ah, isagoo aamus ku bedelay inuu dhaliisha ay mudantay ku ntuuro dawladda.
Waxa lagu xusuustaa Ina Aw Cali inuu xisbiga Kulmiye waxtar u lahayn cidda is-tidhaa waxtarna uu ka horjoogo. Waxaa taas daliil u ah doorashadii barlamaanka halkuu joogay? Ma rumeysan kartaa inuu ka hawl galay meel aan qof ahaan mooyee een waxale looga aqoon. Waxuu Awdal ku doorsaday Sanaag!. Ujeedadu waxay ahayd mas'uuliyada ka carar iyo ciiro isku qaran.
Ma tahay in nin lix sanno hordu ku jiray oo sanqadha tartanka ku toosay in mar kale uu hodo xisbiga mustaqabalka Soomaliland ee Kulmiye. Ma ogtahay inuu Ina Aw Cali xubin ka yahay Guurtida. Maxuu ka qabtay, weli ma ka hadlau golaha, ma ka damqaday dhibta saaran dalkeena.
Shaki badan ayaa saaran Mujaahidka oo waxa la leeyahay arrintu caajis iyo qaadiro qaad ka fog. Haddaba waxa u eega inuu garto in maanta la fahmay oo ummadda Awdal iyo tan goballada kaleba arkeen wax qabadkiisa, iyo kan dawlddda ayna rabaan isb edel dhab ah oo ku yimaadab dalka, si loo badbaadiyo Somaliland.
Reer Kulmiye inta wax dooranaysa xilbaa saaran ha ogaadaan cidda cod soo hoyn karta, hana u guntadaa guusha isbiga. Laba nin oo Jibriil Yoonis ah waa Riyaale iyo Ina Aw Cali ah ee, ma u tartami mkaraan labada boos ee hoggaanka qaranka mar labaad? Yaa se kolkaas codka helaaya? Miyey dhici kartaa in laba nin oo Isla Habar ka soo jeeda reer Sh.Isaxaaq inay sidaas oo klae ka dhacdo/ Maxaa Samaroon meel looga dhacayaa? Anigu waxaan reer ahaan ahay Makaahiil oo Ina Aw Cali ayaa ii dhow, bal se wax walba waxa ka weyn hadafka aan leeyhaya ee ah in Ina Riyaale dalka laga qabto. Cidda cod kulmiye ku biirin kartaa waa Cabdirahmaan SAYLICI.
Hanjabaad iyo cadhada Ina Aw Cali waa habaas isku qarain iyo badbaadinta Ina Riyaale, Isaaq ha ka koro caadifadda uu ku soo jiito iyo ilmada yaxaas. Waxa Xisbigu rabaa COD ee yaa haya? Su'aashaas is weydiiya, yeyna saaxiibada jecel inay waligood ahaadaan Mucaarid ee guusha xisbiga minjo xaabinaaya idin afduubin. MAANTA WAA YAA COD HAYA. WEYNA CADAHAY CIDDA HAYSAA.
U CODEE SAYLICI OO XAQIIJI GUUSHA XISBIGA KULMIYE.
Ahmed Abdi Geedismaris


No comments: