19 August, 2008

Afhayeenka Madaxtooyada oo Been-abuur ku tilmaamay war lagu sheegay in xilka laga qaaday Wasiirka Maaliyadda






Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxtooyada Somaliland ayaa beenisey war galabta faafiyey oo sheegayey in mudane Riyaale uu xilka ka qaaday Wasiirkiisa Maaliyadda, mudane Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo lagu tilmaamo wasiirka ugu awoodda badan, uguna dhowdhow Madaxtooyada.

Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Caddaani Mooge ayaa warsaxaafadeed uu galabta soo saaray, wax yar uun kadib markii saxaafaddu heshay warka xil-ka-qaadista oo E-mail loogu kala diray saxaafadda madaxa bannaan qaarkood, waxa uu ku tilmaamay warkaas mid aanay waxba ka jirin oo laga been abuuray xafiiskiisa, isla markaana la baadhayo ciddii samaysay falkaas.

Afhayeenka Daahir Riyaale, waxa uu warsaxaafadeedka ku sheegay in been abuur lagu sameeyey E-mailka Riyaad Maxamed Yuusuf oo ah inan ka shaqeeya Madaxtooyada, kaas oo warsaxaafadeedyada Madaxtooyada uu ugu diro warbaahinta, isaga oo sheegay in E-mailka rasmiga ah ee Riyaad uu yahay riyaad123@hotmail.com, isla markaana E-mailka been abuurka ah ee warkan lagu diray uu yahay riyaad123@hotmail.co.uk.

Waxana uu ku tilmaamay warkaas mid loogu talagalay in lagu khalkhalgeliyo nabadgelyada, laguna abuuro iska horkeen.

"Warkaasi oo ujeedada looga dan leeyahay ay tahay in lagu khalkhaliyo nabadgelyada iyo xasiloonida shacbiga reer Somaliland ay ku caana maaleen, isla markaana fawdad iyo iska hor keen lagu abuuro ummada, waxa aanu leenahay in daba gal lagu samayn doono dadka warkaasi beenta ah qoray, lagana hadhi maayo ilaa inta la ogaanayo cida ay yihiin iyo meesha ay ka socdaan," ayuu yidhi warsaxaafadeedka Afhayeenku.

Waxana uu uga digey saxaafadda madaxa bannaan inay iska ilaaliyaan arrintan oo kale, isaga oo sheegay in aanay ahayn markii u horreysey ee ay dhacdo.

"Mana aha markii ugu horeysay ee arrimaha noocan oo kale ah ay dhacaan , waxase aanu uga digaynaa saxaafada Somaliland in ay iska ilaaliyaan waxyaabaha noocaas oo kale ah ee qaran dumiska ah , had iyo jeerna wararka ay qorayaan ay xog rasmi ah u raadiyaan, anaga oo diyaar u ah in aanu wada shaqayn fiican la yeelano Saxaafada qaybaheeda kala duwan," ayuu yidhi warsaxaafadeedku.

Afhayeenku ma sheegin falka noocan oo kale ah ee hore u dhacay.

Soo bixitaanka warka iyo dareemada jirey:

Warka oo la sheegay in Madaxtooyadu ku baraarugtey, kadib markii tifatirayaasha wargeysyada ka soo baxa qaarkood ay la xidhiidheen Afhayeenka Madaxtooyada, si ay uga xaqiijiyaan warka ku saabsan xil-ka-qaadista Wasiirka Maaliyadda, galabta markii ay heleen E-mailka, waxa uu ahaa mid kedis iyo lama filaan ah oo cid kasta oo maqashay hore uga degi waayey. Balse, waxa uu ku soo beegmay iyada oo ay jirto fashilaad ku timi miisaaniyadda dowladda ee 2008, isla markaana la sheegayo in xukuumaddu musaleftey, kadib markii hoos u dhac weyni ku yimi dhakhligii la filayey, taas oo la sheegay inay waxoogaa ismaandhaaf ah ka dhex abuurtay Daahir Riyaale iyo Cawil. Waxa kale oo maalmihii la soo dhaafay la ogaadey Guddi 8 wasiir ah oo Daahir Riyaale u magacaabay dib u habaynta maaliyadda iyo dakhliga, taas oo iyana saamaynaysa masuuliyadda Wasiirka.

Wasiirka Maaliyadda, mudane Cawil ayaa lagu tilmaamaa la taliyaha ugu weyn ee Daahir Riyaale ee dhinaca siyaasadda gudaha. Balse, waxa la sheegay in beryahan dambe damac kaga jiro in Daahir Riyaale u qaato Musharraxa Madaxweynekuxigeenka xisbiga UDUB, doorashada Madaxtooyada ee qorshaysan March 29, 2009 ama inuu ku wareejiyo guddoomiyenimada xisbiga, kadib marka Daahir Riyaale mar kale isu taago musharraxa Madaxweynaha.


No comments: