18 June, 2008

MAAMUL-XUMADA 3

MAAMUL-XUMADA SOMALILAND MAXKAMADAHA KA KOW AH (Q3)

AHMED ARWO

Annagoo labadi maqaal ee hore ku soo qaadnay arrimaha Maxkamadda Sare iyo Kuwa Hoose iyo Xeer Ilaalinta, manta waxaynu falanqayn doonaa kaalinta Bolisku kaga jiro cadaaladda iyo dhismaha qaran sharcigu taliyo. Boliska dal dimuquraadi ihi leeyahay, waxaa hogaamiya distoorka, waxaanu ku shaqeeya sifo sharci oo ay dejiyaan Golayaasha Sharci dejintu. Waxuu u xil saran yahay laba hawlood: 1- Xakameynta dambiyada, daba galka iyo sugidda ammaanka guud. Dacwad isku dubaridka, dacwad oogidda iyo xabiska dembiilayaasha. 2- Dhexdhexaadinta muran bulsho, mid jaar iwm. Sidoo kale hagidda iyo nidaaminta socodka gaadiidka. Iyo taakulinta arrimaha degdega ah.

Haddaba si bolisku u fuliyaan waajibaadkooda waxaa hagaaya mabaa'diida soo socda oon looga maarmin nidaamka dimuquraadiga ah: • Waxa sal u ah mabdaa ilaalinta sharafta muwaadinka (Respectful of human dignity) kana fogaado inuu dhabta saaro ilaalinta rabitaanka hogaamiye xoog badan amba xisbi garab marsan sharciga dalka. • Waxa bolisku ku sameynayaa farogelinta nolasha muwaadinka si aad u xadidan oo si taxadir leh loo dabray xataa marka uu wajibka distooriga ah gudanaayo. • Hawl kasta oo bolisku fulinaayo waxay tahay mid hoos imanaysa xisabtan muuqda oo madax-banaan. (Publicly Accountable). •

Sidoo kale waxa sal u ah wax qabadka boliska Mabaadida Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadmiga. ( Universal Declaration of Human Rights). Sida xaqiiqda ah Bolisku waa tiir dhisi kara amba dumin kara nidaamka dimuquraadiga ah. Hadday ay noqdaan qaar ku shaqeeya sharciyada barlamaanku fuliyo si madax banana waa qaar si toos ah u dhisaaya nidaamak dawladnimo ee ku salaysan dimuquraadiyadda, hadday se noqdaan qaar fuliya amarka waaxda fulinta ee dawladda iyagoo baal marsan sharciyada dalka, waxay noqonayaan qaar fure u ah nidaam digtaytarnimo lidna ku ah xoriyadda muwaadinka ee Qaramada Midoobay iyo Qarankuba sharciyeeyey.

Hab maamul xumida ku aroorta cadaalad darro iyo xukun-keli-talis waxaa loo maraa boliska oo loo isticmaalo daafaca inta talada haysa iyo xisbigooda, iyadoo loo isticmaalo basaasidda mucaaradka, iyo eedeyntooda wax kasta oo qalad ah oo dhaca. Sidoo kale dhismo dacwad been ah oo lid ku ah mucaaradka. Waxa bolisku noqdaa dar si toos ah ugu xidhma cidda kursiga ku fadhida, iyagoo lumiya dhexdhexaadnimadii looga baahnaa si loo dhisho qaran sharcigu hogaamiyo, oo xaqa muwaadinku yahay lama taabtaan. Waxana loo yaqaan habka noocan ah dawlad bolis amba Police State. Waxay noqdaan qaar loo isticmaalo minjo xaabinta cid kasta oo dawladda iyo xisbigeed farta ugu fiiqaan. Waxuu noqdaa taliska bolisku mid xoog iyo musuqmaasuq hogaamiyo, waxuuna lumiyaa ixtiraamka shacbiga iyo karaamadii lagu qadarin jiray. Waxaana la waayaa wada shaqaynta bulshada oo keenta in nabaddu khalkhal gasho. Taas oo u faa'ideysa dambiilaha. Waxaana la gaadhaa marxalad bolisku noqdaan dambiilyaal kuwa ugu weyn. Waxayna ku xidhmaan tuug dhaqaale iyo dar siyaasadeedba. Waxay hoy u noqdaan nooc kasta oo dambiile ah. Musuqa iyagaa koriya hormoodna u noqda eexda iyo cadaalad darada bulshada curyaamisa.

Dhinaca kale marka bolisku noqdo mid sharcigu xakameeyo waxuu noqonayaa mid muwaadinku ku hirto, xisbiyadu u sinaadaan, bulshada ka hela maamuus iyo qadarin.Waxuu noqonayaa mid u hiiliya xaq, dulmanahuna ku kalsoonaado. Waxuu noqdaa tiir-dhexaadka cadaaladda. Hawshiisana waxa u fududeeya bulshada oon kaga bakhaylin war iyo wacaal ay fal kasta oo dembi ka hayaan. Waxa gabad waaya dembiile, nabadduna waxay noqotaa mid bulshadoo dham la ilaaliso boliska. Waxaa taas xaqiijin kara marba nidaamka iyo qaab-dhismeedka loo dhiso iyo sharciga dalka lagu maamulo. Haddaba inagoo arrimahaas ka duulayna bal aan eegno dalkeena iyo boliskeena.

Waxa ku cad distoorka qodobkan oo khaas u ah Boliska iyo Ciidaanka Asluubta. Waa mid aad u kooban balse noqon kara unug laga tidco xeer, siyaasad maamul oo la xidhiidha: shaqo-qorista, wajibaadka, iyo nidaam shaqo oo dhammeystiran oo loo dhiso boliska qaranka. Distoorka Qodobka 124aad

1- Ciidanka Bolisku waxuu u xilsaaran yahay ilaalinta nabadgelyada iyo dhaqan-gelinta xeerarka; qaab-dhismeedkiisa iyo waajibaadkooda xeer ayaa qeexayaa.

2- Ciidanaka Asluubtu waxuu u xilsaaran yahay haynta iyo toosinta akhlaaqda maxaabiista; qaab-dhismeedkiisa iyo waajibaadkoodana xeer ayaa nidaaminaaya.

Waxa loo baahan yahay in la helo xeer si qoto-dheer u tilmaama dhismaha, mabaadida, iyo waajibkooda, salna u tahay madaxbanaani, iyo xuquuqda muwaadinka iyo xuquuqda aadmiga ee Qaramada Midoobay ansixiyey. Waxa manta cad in Taliska bolisku yahay mid magacaabista, eriga, iyo bedelkaba hoos taga Golaha Fulinta. Waxa ay tahay in la darso qaab dhismeed ku dhisan talis guud, amba ciidamo gobal oo taliskoodu gooni u yahay. Iyadoo la ogyahay in Taliska Guud inaano dhaafin Hargeysa.

Dawladaha Hoose oo nidaam ahaan ka masuul ah nabadda degmooyinkooda, sida ku cad distoorka, waa in la waafajiyaa hogaanka degmo ee talsika boliska. Waxa cad in canaanta loo jeediyo Golayaasha Barlamaanka ay ntahay mid ay leeyihiin bolisku. Waxa dad yidhaahdaan maxuu xeerku u shaqayn la' yahay. Sida distoorka ku cad, dhaqan gelinta xeerarka waxa u xil saran boliska. Waxa se looga fadhiyaa Barlamaanku inuu dejiyo xeer ay bolisku waajibkooda ku gudan karaan, iyagoo ka madax banana hay'adaha kale ee dawladda.

Guud ahaan waxa muuqata in waaxda cadaaladu u baahantay dhismo leyska kaashado dawlad iyo barlamaanba., si muranka maalin kasta taagan looga baxo. Kolka la helo garsoor iyo boliis madaxbanaan, waxa la helayaa meel lagu af-jaro muran kasta oo dhasha. Waxa cadaaladda muftaax u ah kalsooni maxkamadahu iyo bolisku ka helaan muwaadinka ugu tamar yar, oon marna ka baqin in xaqiisa la duudsiyo. Waxaan ku soo xidhi doonaa maqaaladan la xidhiidha Waaxda Garsoorka, maqaal aan mataal u soo qaadan doono dhacdooyin ka dhacay dalalka dimuquraadi ah oo ku dayasho leh dhawaanahan, xusuustooduna idiin sawiri doonto dhacdooyin u dhigma oo dalkeena ka dhacay.

Guul iyo Mahad Allah.

Ahmed Arwo

Cardiff, U.K

samotalis@gmail.com



No comments: