18 June, 2008

MAAMUL-XUMADA 2

MAAMUL XUMADA S/L MAXKAMADAHA KA KOW AH (Q2)

Ahmed Arwo

Waxa xaqiiq ah in dastuurka Somaliland yahay mid aan u dhisnayn hab kala soocaaya waaxda garsoorka iyo tan fulinta, sida waajib ku ah nidaamka dimuquraadiga ah. Maqaalkii hore. Sidaas waxaynu ku sumadnay maqaalkii magaca kan la wadaagay oo noqonaaya:, taxanahan aynu ku eegayno Waaxda Garsoorka ee Somaliland.

Waxa aynu ku qaawinay sida dastuurku u dabraayo Maxkamadda Sare, oo uu ka dhigaayo xukaamta qaar aan ka madaxbanaanayn Madaxtooyada. Waana arrinta kowaad ee u baahan in la saxo. Haddaba bal aan eego maxkamadaha kale, iyo qaybaha kale ee garsoorka la shaqeeya. Habka loo dejiyey Maxkamadaha kale, waxay tahay mid ka hab maamul wacan, una eeg mid in door ah ka madax banaan farogelinta dawladda. Waxa se ayaan darro ah inaan lagu dhiqin Maxkamadaha hoose sida wacan ee distoorku u dhigay.

Maamulka maxkamadda sare waa mid distoorku si gurac ah hoggaan iyo dabar ugu dhiibay Madaxtooyada , loona baahan yahay in la helo sharci lagu daboolo gol daloolada lidka ku ah nidaamka dimuquraadiga ah ee ku dhisan dabar iyo miisan (Check and balance) si looga badbaado in seddexda waaxood ee dawladnimo midnina yeelato awood aan la –xisaabtan lahayn . Dhinaca kale Maxkamadaha hoose waxay la bukaan, xorriyadda iyo madaxbanaanida distoorku u ogal yahay oon lagu dhaqmin. Waxay keliyoo ay u baahan yihiin in habka distoorku u dhigay lagu dhaqo. Weliba iyagaa isu haya. Waxay xukun ka soo saari karaan cidda isku dayeysa inay maamulkooda si sharci darro ah u soo farogelisa..

Aan u daadago halka arrintu ka xumaatay. Waxa distoorku qabaa in Maamulka Maxkamadaha hoose (Degmooyinka, Goballada iyo Racfaanka) inuu hoos tegaayo si toos ah GUDDIGA CADAALADDA. Egg qodabadan distoorka:

QODOBKA 108AAD

  1. Guddiga Cadaaladdu waxay u xil saran tahay Shaqo-siinta, Xil-ka-qaadista Dalacaadda, Hoos-u-dhigidda, Bedelaadda iyo Anshax-marinta Garsoorayaasha Maxkamadaha Hoose.( Racfaanka, Gobbalada, iyo Degmooyinka), iyo Ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud.
  2. Lama xidhi karo garsoore ama Ku-xigeen Xeer-ilaaliye Guud, haddii aanay Guddiga Cadaaladdu oggolaanin, ilaa marka la qabto isagoo dembi gacmaha kula jira.

Haddaba waxa la yaab leh sida maalin walba loo gees maro labadan qodob iyo qaar kale oon u dhaafay inta danaysa, sida Garsoorayaasha, Xeer-Ilaaliyaasha, Barlamaanka, Gar-yaqaanada, iyo Guddiga Cadaaladda.. Waxa aynu maqalnaa in Madaxweynahu amba Wasiirka Cadaaladdu, garsoorayaal eryey, qaar dalacsiiyey, qaarna bedelay. Waxayba ahayd talaabadii ugu horreysay ee Madaxweynahu qaaday markii xilka loo dhaariyey waxay ahyd inuu eryey tiro badan oo Garsoorayaal ah. Inta ka dibna waxaba erigooda loo dhaafay Wasiirka . Tani waxay ka dhigtay inay noqdaan qaar la mid noqday shaqaalihii kale ee Wasaaradda Cadaaladda. Waxay lumiyeen Madax-banaanidii distoorku u qoray. Taasina waxay ka dhigtay inaan xukunkooda lagu qancin. Waxay lumiyeen kalsoonidii dadweynaha. Tilmaan uma baahna in sida ku dhaqanka distoorku u saxaayo qaladkan ka dhigay cadaaladda dalkeena mid lumisay ixtiraamkii iyo kalsoonidii ay ku hawl geli lahayd.

Waxa la gudboon cidda ay khusayso ood odhan karto waaba dadkoo dhan in loo guntadu sidii arrintan si degdeg ah loo dhaqan gelin lahaa. Waa inay Garsoorayaashu horseed ka noqdaan si ay ula soo noqdaan maamuska uu distoorku siiyey. Sidoo kale waa in Barlamanku isku barbar taagaa si ay ugu dhaqmaan sharciyadii ay dejiyeen iyagu Barlamaan ahaan, iyadoo la xaqiijinaayo madaxbanaanida waaxda Garsoorka oo ah muftaaxa keliya ee lagu hanto cadaaladda. Cadaaladduna waa tiirka kaliya ee ay ku taagantay nabaddu.

Waa inoo socdaa maqaalada aynu ku eegayno Waaxda Garsoorka iyo cadaaladda, ee aan idiinka tego inaydun booqataan distoorka iyo qodobkaan kor ku xusay, haydiin noqoto mid aydun laabta iyo maskaxda u raaridaan, intaynaan qaybo kale siyaaran. Soo koobidda maqaalka iyo fududayntiisuba waa ula kac, ujeedadeedu tahay in dadweynahu dhammaan fahmi karo, heer kasta oo aqoontiisu gaadhsiisan tahay. Waana mid aan ugu talo-galay inay dhaliso dood bulsho aan xisibiyeesnayn, oo loo galo sidii loo dhisi lahaa cadaaladda aynu dhammaan u baahanay si loo helo qaran taas uga gudba horumarinta bulshada. Waxa se weli ina horjooga arrintii bilowga dhismaha dawladnimo oo ah cadaaladda.

WAA INOO KULAN DAMBE IYO DHISMAHA QARAN KU DHISAN CADAALAD IYO SINAAN . INSHA ALLAH.


Ahmed Arwo

Cardiff, U.K




No comments: