FAALO MA LEH -1
Ahmed Arwo
Iyadoo aynu Ramadaan ku jirno ayaan ka gaabsaday qoraalada siyaasiga ah. Waxay haddana noqotay inaan hawl adduun laga hadhin, ood mooda inay arrimaha dalkeena shaydaan hurinaayo oo bishan laba derder-geliyey. Si aan u dhowro xurmada bishan barakaysan, ayey ila noqotay inaan ku koobnaado baraarujin iyo xusuusin. Haddaba anigoon faalo galeen ayaan soo qaadanayaa arrimo u baahan in la xusuusto, waana mid aan ka soo guurinaayo sida loo qoray iyo sida loo yidhi oon xaraf iyo eraytoona laga jarin laguna kordhin. Waa fariin toos aan ugu gudbinaayo dadweynah. Waa qof iyo garaadkii. Waa arrimo u baahan in maskaxda iyo maanka lala kaashado, in lagu eego maskax furan oon cidi kula lahayn, waa arrimo doonaaya garsoor xaq ah. Waa mustaqbalkii dalka iyo dadka Soomaliland oo gacantaada ku jira. Waa halkaad digtaa.
Horaan u qoray maqaaladii YAAN CODKAAGU CADOW KUGU NOQON oon dadka uga digay inayna qoomamayn doorashada dabadeed , maantana waa YAAN MAR LABAAD LAGU DAGIN. Gartan ood xaqeeda marisaa, waxay kuu fududeen doontaa inaad ummaddaada u horseedo mustaqbal wacan. Hubsiimo halbaa la siistaa, ee wax hubso, sheeko kasta miisaan, ha noqon nin la buuxsado, ha noqon nin danta guud laga indho iyo dhego xidho. Ha eedsan afkaaga, gacantaada, lugtaada iyo maskaxdaada. Adigoo xor ah ayaad dhalatay, maantana adoo xor ah ayaad jirtaa ee si xornimo leh u dhaqan. Cidna xuquuqdaada howga habran, naftaada ka ilaali waxii ceeb iyo nuqsaan u soo jiidaaya. Ogsoonow aadmiga haddaad khiyaanto, inayna suurgal kuu ahayn inaad ka gabato xisaabta Illaahay. Geeri waa loo noolyahay ee aakhiro wanaagsan ku iibsom camal wacan. Gartaad qaado xaqeeda mari. Iyadaa muftaax u ah camalka wacan. Cibaadada Eebbe iyo cadaalad aad wax walba ku go,aamiso ayaa kuu horseedi tubta toosan. Illaahay hayna waafajiyo dariiqa toosan.
Waxaan eegayaa garta ina dul taagan ee la xidhiidha go'aamadii ka soo baxay Guddigii Dhexdhexaadinta Golyaasha Dawladda Soomaaliland.
GUDDIGA DHEXDHEXAADINTA IYO HALKAY KU DAMBAYSAY
Bal maxaa inooga yaal arrinta Guddiga Dhexdhexaadinta. Ugu horreyn maxay ahaayeen go'aamadoodii la soo saaray. Waa kuwane qodob qodob u akhri oo maankaaga si wacan ugu sajil.
Hargeysa (Warsaxaafadeed) 20/08/07 Ergadii dhexdhexaadinta khilaafaadka Golayaasha iyo kuwa siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa caawa goor dhoweyd ku dhawaaqday go'aamo ay ka gaadheen arrimihii khilaafku ka taagnaa.
Guddidu waxay soo saareen go'aamo saddex qodob ah iyo soo jeedimo ay caawa kaga dhawaaqeen kulan lagu qabtay Madaxtooyada.
- Go'aamadaasi, waxay kala yihiin:
- In Golaha Wakiillada mar labaad la horgeeyo labadii xubnood ee Guurtidu Komishanka u soo magacawday oo loo codeeyo.
- In Miisaaniyadda loogu dhaqmo sidii Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen.
- iyo In saddexdii siyaasi ee la xidhay la sii daayo, xorriyadoodii siyaasadeedna la siiyo, arrinka ay ku doodayaanna lala eego, iyagoo debedda jooga. Waxaa iyagana laga rabaa in aanay gelin abaabul nabadgelyada wax yeela.
Guddidu waxa kale oo ay soo jeediyeen arrimahan:
- Waa in xukuumaddu horgeeyo Golaha Wakiillada heshiisyada ay waddamada iyo sharkadaha caalamiga ah la gasho.
- Xukuumaddu waa inay xisaab-xidhka wakhtigiisa u soo gudbiso Golaha Wakiillada.
- Xukuumaddu waa inay Golaha Wakiillada u soo gudbiso barnaamujkeeda siyaasadeed wakhtiga ku haboon.
- Madaxweynuhu waa in uu Golaha ka akhriyo qudbadda Distooriga ah ee sannadka.
- Qofkii la xidhayo waa in loo maro sifo sharci ah.
- Guud ahaanba waa in cid walba lagu ixtiraamo awoodda Dastuurku siiyey.
Magacyada xubnaha Guddida:
- Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)
- Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
- Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)
- Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre
- Sheekh Yuusuf Aadan Maxamed
- Maxamed Siciid Gees
- Prof. Saleebaan Axmed Guuleed
- Dr. Aadan Yuusuf Abokor
- Siciid Axmed Maxamuud
Go'aanadan waxa uu guddidu soo saaray kadib markii ay dhegeysteen dood fool-ka-fool ah oo maanta ay arrimahaas ka yeesheen Guddoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah, Shirguddoonada labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada iyo Madaxweyne Riyaale, kulankaas oo ka dambeeyey kulamo gaar gaar ah oo ay la yeesheen dhinacyada oo dhan.
Sidee loo aqbalay Go'aamadaas:
Guddida dhexdhexaadinta oo hawshooda bilowday horraantii bishan, waxay dhinacyada oo dhami siiyeen kalsooni buuxda inay aqbalayaan wixii ay soo saaraan.
Isla markaana, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo xafladdii caawa lagaga dhawaaqay go'aamada ka hadlay ayaa sheegay in dhinacyada oo dhami ay aqbaleen go'aanka, laguna guuleystey dhexdhexaadintii. Waxana uu sheegay in go'aamadaas intii aan la shaacin ka hor caawa la soo dhexdhigay dhinacyada oo dhan, si buuxdana ay isula qaateen.
"Dhinacyadii kale ee aanu dhexdhexaadinayney inay si raganimo leh, isku kalsooni ku jirto, daacadnimo ku jirto inay go'aamadii nooga aqbaleen, " ayuu yidhi Hadraawi.
"In la is wada salaamay oo si kal iyo laab ah oo loo wada aqbalay, turxaan badan oo jirtey ay baxday laga bilaabo caawa oo is afgarad, wada shaqayn iyo wada ilaalin danta guud ee dalka iyo dadka in sidaa lagu heshiiyey uun baan doonaynaa inaan caawa idiin sheegno, " ayuu raaciyey Hadraawi.
- Markay Golahi wakiiladu fuliyeen qodobkii looga baahnaa, dhinaca xukuumaddana ka fuliweyday labadii qodob iyo soo-jeedimadii, ayey Guddigi qabteen shir ay ku cadeeyeen inay ka baxeen dhexdhexaadintii. Waxa taas xigtay in Guddoomiyahii Guddiga Abwaan Hadraawi iyo Abwaan Gaariye qabteen shir ja'araaid. Waxa taas soo raacday banaanbaxyo xooggan oo ka dhacay Hargeysa iyo Burco lana xidhiidha arrintan iyo xadhiga hoggaamiyaasha ururka Qaran. Idaacadda VOA waxay ka qortay sidan:
Mudaaharaadyo lagu Diidan Yahay Xarigga Siyaasiyiinta Qaran oo Hargaysa, Burco ka Dhacay | |
By Shadiya Mohamed Roble |
Boqolaal dad ah oo ka dhiidhinaya xariga loo geystay xubno ka tirsan xisbiga mucraadka ah ee Qaran ee maamulka Somaliland ayaa Arbacadii mudaaharaadyo ka dhigay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, iyagoo dalbanaya in maxaabiista siyaasadeed si dhakhso ah loo sii daayo. Dadkii horkacayey mudaaharaadka Hargaysa waxaa kamid ahaa Axmed Max'ed Max'ud Siilaanyo oo guddoomiye u ah xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye.
Baashe Cabdi Gaboobe oo xisbiga Qaran u qaabilsan abaabulka iyo wacyi galinta yaa VOA u sheegay ineey u qorsheysneyd ineey hadda ka hor mudaaraahdkan qabanqaabiyeen, hase yeeshee eey hakisay go'aamadii guddiga dhexdhexaadinta. Baashe ayaa intaas ku daray in qaar kamid ah taagerayaashooda bannaanbaxa maanta lagu xirxiray.
Dadkii mudaaharaadka ka hadlay waxaa kamid ahaa Siilaanyo. "Waxaan leenahay dadkaa xirxiran in xorriyaddoodii iyadoo taam ah
loo soo celshaa," ayuu yiri.
Guddiga dhexdhexaadinta
Bannaanbaxan ayaa ka dambeeyey kadib markii labada abwaan ee caanka ah, Max'ed
Ibraahim Warsame Hadraawi oo ahaa guddoomiyaha guddiga dhexdhexaadinta ee sheegay in howshoodii ay soo afjareen, iyo Max'ed Xaaji Dhamac Gaarriye oo guddigaas kamdi ahaa, ay Arbacadii qabteen shir jaraa'id.
Labadan abwaan ayaa sheegay in labadii dhinac ee ay dhexdhexaadinayeen uu dhinac kaliya ahi, oo ah Golaha Wakiillada uu fuliyey go'aankii khuseeyey oo ahaa u codeynta labadii xubnood ee ka dhinnaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Hase ahaatee, Hadraawi iyo Gaarriye ayaa sheegay inuusan Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ku dhaqaaqin go'aannadii isaga khuseeyey ee ahaa inuu miisaaniyadda sanadka 2007 u qaato sidii Golaha Wakiilladu u ansixiyeen, isla markaana uu sii daayo siyaasiyiinta ururka Qaran ee wali xirxiran.
Gaarriye ayaa madaxweyne Riyaale ku tilmaamay "nin wixii uu ballan qaaday aan fulin."
Banaanbaxa Burco
Dadweyne iyo gaadiid badan oo sitay halku-dhigyo ay kamid yihiin "Gardiid waa Alle diid," iyo "Shacabku ma ahan cadowga qaranka," iyo halku-dhigyo kale ayeey ku dhawaaqayeen mudaaharadayaashaasi.
Dadka oo mudaaharaadayey oo horsocdeen gawaari ay ku rakiban yihiin codbaahiyayaal ayaa ku soo wareegay jidadka magaalada Burco, kaddibna waxeey isugu soo uruureen barxadda xafiiska ururka Qaran, halkaasoo xubno ururkaas kamid ah ay dadka la hadleen.
Cabdi Ciid Xassan Nuur, oo ah afhayeenka ururka Qaran ee gobolka Togdheer, ayaa dadka ugu baaqay ineey nabadgalyada ilaaliyaan, isla markaana mudaaharaadkooda ku sheegay inuu yahay mid lagu cabbirayo dareenkooda ku beegan xarigga ay dowladdu xirtay siyaasiyiinta ururkooda.
Mudaaharaadkan oo socday muddo saacad ah, ahaana kii ugu cuslaan ee in muddo ah ka dhaca Burco, ayaa ku dhamaaday si nabad galyo ah.
Bannaanbaxan oo ay soo abaabuleen Ururka Qaran ayna aad uga muuqdeen Kulmiye waxuu Madaxweyne Riyaale ku tilmaamay qaar ay dhigeen " Madaxda Kulmiye iyo Xaasaskoodu" Sideed hadalkaas u dhandhansanaysaa, waxa hadalka Madaxweynahu ku beegnaa maalintii ugu horreysay ee bisha Ramadaan. Abwaanada laftooda waxuu ka bixiyey jawaab kulul oo uu weliba si gaar ah ula baxay Gaariye waa tan iyadoon soo naqilay:
- Madaxweynahu waxa uu yidhi."Waxaan aad uga xumay Nin Abwaan [Gaariye] ah oo keligii, dhowr jeerna ka hadlay BBC-da iyo VOA isaga ayey u gaar tahay oo gudidii kale lama qabaan, waana nasiibdaro"
Mar uu Madaxweyne Rayaale ka hadlayey Ergada Gudidii Dhex dhexaadintu waxa uu yidhi "Gudida Ergo inay noqdaan aniga ayaa ogolaaday, haday ciddi wax ka tanaasulayso aniga ayaa liqay ayaan aaminsanahay."
isla markaana waxa uu xusay inuu qaatay go'aamadii ay gudida Dhex dhexaadintu soo saartay oo uu ku dhaqmayo, inkasta oo ay gudidu cadeeyeen inuu Madaxweynuhu diiday go'aamadii inuu sidoodi u fuliyo.
Md. Rayaale waxa uu difaacay dhaartii Xubnihii Gudida Doorashooyinka ee uu keligii goob jooga u ahaa, isla markaana lagu dhaariyey Qasriga Madaxtoodaya, waxaanu yidhi. "Dastuurka ayaa I siinaya in hortayda lagu dhaariyo Masuuliyiinta Qaranka cidkasta oo ay yihiin, waan ogolay haday dhalaacayn aan lafta I jabinayn, anigu [Rayaal] waxaan diidaya ta lafta I jabinaysa"
Mar la weydiiyey Su'aal ahayd, Madaxweyne Waxaad sheegtay inaad wada tashi ogoshahay Golaha Wakiilladuna waxay sheegeen inaanad la tashan, sidoo kalena Gudidii dhex dhexaadintu labadii Abwaan [Gaariye iyo Hadraawi] ee shalay hadlay Waxay sheegeen inaanad talooyinkoodi qaadan mar cidan kula talisa ee aad aad ka qaadanaysa waa kuwee?
Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi " Kuwaasi way badan yihiin, laakin haddii laba nin [Hadraawi iyo Gaariye] iyo Cabdicasiis Samaale ay isku mid noqdeen, waxaan isleeyahay Xisbiga [Cabdicasiis] ayuunbay ka mid yihiin, maadaama aanay gudidii inteedi kale kula jirin"
Haddaba dadweynow keebaan is-maqal? Keebaa balanka aan fulin? Yaa gar diid ah? Gartan ayey ku jirtaa mustaqbalkaaga iyo kan ubadkaagu, ee si daacad ah u qaad. Go,aan qadashadaaduna ha ku dhammaato ciddaad dantaada ku aamin karto.
Ogow in g'oaankaaga xisaabi ka dambeyso, ogow inaan cidina aakhro lahayn qaareen, askari kuu eexda, iyo xaakim la laaluusho. Ogow inaan wiil iyo waalid wehel kuu noqonayn. Qabiil, beel, iyo qoys iyaga hadalkoodba daa. Maalinta naftaadu keli ku culaysin doonto u sahay qaado.
Mahad Alle iyo Ramadaan Kariim.
Ahmed Arwo
Cardiff
U.K
No comments:
Post a Comment