Thursday, January 17, 2008 Abwaanka weyn ee Somaliyeed ee ka soo jeeda Jamhuuriyada Somaliland Xasan Ganay iyo Abwaan kale oo caan ah oo isna u dhashay Jamhuuriyada Somaliland dagana dalka Danmarka Abwaan Seenyo, ayaa baryahanba guubabinaayey qurba joogata carada Ingiriiska, si aad u qurxoon oo diiran farxadina ku dheehan tahay ayaa loogu soo dhaweeyey labada abwaan dalka Ingiriiska, soo dhawayntaas iyo hadaladii ay labada abwaan goobta ka jeediyeen ayaa dadkii qiiro iyo yididiilo geliyey.
Hadaba anigu waxaan nasiib u yeeshay inan lakulmo abwaanadaas mujahidiinta ah, waxayna aheyd markii iigu horeysay ee arko Xasan Ganay iyo Seenyo nolosheyda, anigoo qudha mahee dad badan ayey sidoo kale aheyd markii ugu horeysey, waayo hanala yaabine waxaanu ka tirsanahay dalkan dumay dadkiisi, habenkaasi wuxuu ahaa dhamaan dadkii kasoo qayb galay habeen aad iyo aad u xiiso badan, nimankaas macalimiinta ahina waxay nagu sii daayeen wuxuu Illaahey baray, dadkiina way ka qiiraysiiyen, runtii magaalo kasta oo ay soo maraan aad ayaa looga soo dhaweeyey, sida London, Bristol, Cardiff, Birmingham iyo dhamaan magaaloyinka carada Ingiriiska.
Abwaan Xasan Ganay si xoog ah ayuu ula hadlay qurba joogta isagoo aad iyo aad ula dardaarmaya wuxuu ka waramay dalkii iyadoo ay ahayd waxa noogu horeeyay ee aanu weydiinay madaxda noo timada dalkii khayr buu noogu sheegtaa, laakiin dadkiisi inay fasaq mayaan ayuu noo waramay oo wanaagi laga tagaayo wuxuu noo waramay in miyigeeni aan dad iyo duunyo ku hadhin qaad mooye, Xasan anagana aad iyo aad ayuu noocantay khaasatan raga, wuxuu arkay halkan nafteeda inay dadkii duul kale sii noqonayaan oo diinti aad iyo aad looga tagaayo, xasan wuxuu ka waramaray khayraadka dalka hooyo runtii waa wax aynu dhamaan iska wada ognahay, inaynu waddo xun sii hayno oo maanta dalkeni 10 nin iska ooten oo meel ay ri’ daaqdo aanay jirin, magaaloyinkenina bacaha ayaa sida ubaxa aynu ku sharaxnay wado kaste.
Madaxdeenuna wadooyinka Languruusaro ay shidaalka macnadaro ugu khasaaraynayaan ayay ku maraan oo dhulkaba ma oga, boodhkana ma arkaan, Xasan wuxuu ku soo gabagabeeyey in la tooso oo caruurta dhaqanka labaro iyo diinta in lagu dadaalo, in caruurta loo saaro fasaxyada mar hadii aan loo guureyn dalkii hooyo, in lagu dadaalo wada shaqeeynta dhamaan shacabka Somaliland oo dhan meel kaste ha kala joogane, in caruurta lagu beero xubu wadan ama jaceylka wadanka hooyo, in la sameeyo ururo kashaqeeya sidii qurba joogtu wax u tari laheyd dalkooda hooyo, bal ka warama hadii qofkaste oo reer Somaliland ahi bixiyo bishii $ 1 inta qurbo joogta ahi oo masaariif looga dhigo macalimiinta Somaliland, waxaan huba in Somaliland noqon laheyd meesha u waxbarashada badan Afrika, ilmo kastana uu tacliin heli lahaa.
Hadaba hay’adaha aad arkeysaan ee idiinyimaada ummada shacabka ayaa caawisa, nin waliba bisha ayuu siiya $1,2,3,4,5,10 qofkastaba karaan kiisa hadaba waa in dawlada, mucaridka, culimada, aqoon yahanada, odayaasha, dhamaan la wada hadlaa qurbo joogta reer Somaliland iyo kuwa gudaha ku noolba ee wax haysta, waa in qofkasta wax laga jaraa aan badneyn sida $1 bishii hadaba anigu waxaan hubaa shacabka reer Somaliland ee jooga yurub, Amerika iyo meelo kale waa diyaar ee waa in cid loo soo diraa dawlada iyo mucaaridka ka socda iyo waliba culimda sanduuqana loo dhiba dad aamin ah hadii kale miyo iyo magaalo iyo qurbe waynu ku baabane aan sidaa ku jirno Illaahey wanaaga hayna waa fajiyo.
Xasan wuxuu inoo tiriyay gabay cajiib ah oo uu Rabi inoogu baryaayo Rabi haka aqbalo wadankenana ha inoo hagajiyo.
Qoraalkan maha dhamaan hadalkii Xasan anigaa wax ku daray wixii fikradayda ahaa badh, markaas Xasan duudub ayuu u hadlay aniga yara kala saaray ummada sida canaanta madaxda iyo arrinta lacag ururinta, markaa Xasan kama masuul aha qoraalka qofkii wax ka diidaw aniga ii soo raac waayo anniga qoray .
Nasir xaaji ciise (ina geeljire) Cardiff uk
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment