20 March, 2007

Naqdiga Miisaaniyadda Somaliland ee 2007

Naqdiga Miisaaniyadda Somaliland ee 2007

20 Mar, 2007 -
amarshal
San Jose, California - Ku talagalka Miisaaniyada 2007 waxay hoos u dhacday (62%) marka la garab dhigo dakhliga 2005 ee uu Hantidhawrku soo hubiyay ( sida uu ku andacoonaayo) sida ku qayaxan warbixinta Hantidhawraha Guud Qaranka ee xisaab xidhkii miisaniyadda Dawladda ee sannadka 2005.

Taasi waxay ka hor imaneysaa warbixinta wasiirka maaliyada oo ku andacooday inay miisaaniyada 2007 kor u kacday in ka badan (15%). Hoose ka daalaco dakhliga 2005 iyo ku talagalga 2007. Tafaasiil inta ka badanna waxa aad kala socota naqdiga xisaab-xidhkii 2005 oo aan soo bandhigi doona dhawaan.

Kii wax gashaday iyo kii is yidhaahda wax qaboba waa loo hanjabayaa. Duqa (Mayor) Boorama oo isku deyay inuu wadada u dhaxeysa Dila/Boorama carra tuul ku sameeyo waxa loogu hanjabay ina wixii cunaha la marin lahaa uu ciid geliyay taasinaay ka soo horjeedo himilada xukuumada Riyaale sida la soo weriyay. Hantida uugu weyn ee qof qudhihi waddanka gashaday waxa ka mid ah Hoteelka Ambaasador. Sannadkii hore Wasiirka Maaliyado waxa uu ku hanjabay haddii aan miisaaniyada dhakhso loo ansixin inuu Askarta ku soo deyn doono suuqa si ay u boobaan hoteelka Ambaasador. Maantana waxa uu ku hanjabay inuu xildhibaanada tujaarta ah ee uu ka mid yahay Khadar Adan, mulkiilaha Hoteel Ambaasador inuu cashuurta ku baaqatay ka daba tegi. Khadar xoolihiisii waxay yaalaan Somaliland halka hantida Wasiirka Maaliyaduna ka taalo Kenya, Switzerland iyo South Africa sida la soo weriyay? Iyada oo ay sidaa tahay ayaa haddana uu Khadar cashuur bixiyaa halka aanu weli shilin cashuur ah wasiirku ka bixin. Wasiirka iya khadar haddii ay mid ku baaqatay cashuuri waxay ku baaqatay wasiirka ee halaga dabo tago

Haddii la tixraaco qawaaniinta maal-gashiga waddanka (Investment code) waxa aan filayaa inaan Khadar iyo kuwa la midka ah ee xoolaha inta leeg waddanka geliyay inaan ugu yaraan shanta-sanno ee soo socda aan cashuur lagu yeelanayn. Hantidii loo baahnaa ee geed sare iyo mid hoosaba loo fuulay ayuu Khadar waddanka gashaday boqolaal qofna waa ka shaqeeysiiya haddii uu meelkale hantidiisa gashan lahaa waa loo abaal gudi lahaa ee looma hanjabeen. Ethiopia waxay leedahay nin maal qabeen ah oo la yidhaahdo Camuudi oo waddanka aaminay xoolihiisiina gashaday taasina waxay soo jiidatay maal qabeenno kale oo waddanka wax gashada ilaa uu waddankii camirmay. Marka halkaa uu Camuudi ugu jiro Ethiopia ayuu Khadarna ugu jiraa Somaliland. Hanjabaadaha caynkaasi ihi waa kuwa ka didinaaya dadkii hantida waddanka gashan lahaa iyo kuwii wax u qaban lahaaba waxaanu wasiirku qiray ina xukuumada Riyaale ay la dagaalamaayso ciddii waddanka AAMINTA amba wax u qabaneysaba

Siddii kuwii horeba dhalliilo badan oo lafa jebis ah ayaa ka muuqda miisaaniyada 2007. Waxaana uu dawgu yahay inay gudida dhaqaaluhu toosiyaan waayo sida ku cad Distoorka Qaranka Miisaaniyada xilkeedo waxa uu saaran yahay Golaha Wakiilada. Iyaga ayaa xaq u leh inay waxna ku daraan waxna ka saaraan hadday gartaana mid ay iyago soo diyaariyeen oo ku saleysan dakhliga ansixiyaan wasiirkana ay ku amraan inuu taas ku shaqeeyo.

Hoos U Dhaca Miisaaniyadda 2007

Sida ku cad warbixiintaa uu Hantidhawrku (Axmed Xasan Farax) qoraal ahaan u soo bandigay Golaha Wakiilda bishii February 2007 dakhliga uu soo hubiyay ee soo xarooday 2005 waxa uu dhan yahay (313,799,970,129). Kaas oo kala ha sedan:

Dakhliga Caadiga ah 2005 (bogga 3) = 164,417,175,803
Dakhliga ka baxsan Miisaaniyada (bogga 10) 2005 = 149,382,794,326

Halkaa waxa ka cad marka aad garab dhigto kutalagalka miisaniyada 2007 oo dhan (194,759,848,704) in miisaaniyada 2007 ay hoosu dhacday in ku dhaw (62%) ee anay kor u kicin sida uu wasiirka maaliyaddu ku andacoonaayo.


Wasiirka Maaliyada iyo Golaha Wakiilada

Wasiirku isaga oo aan la fileyn oo aanu golaha Wakiiladu u diyaar garoobin ayuu iska yimid shir gudoonkuna wuu ku qaldanaa inay ka yeelaan. Si kastaba ha noqote ee maalintii dhaweyd ee uu Wasiirka Maaliyadu hor yimid Golaha wakiilada waxa uu ku andacooday inaanay waddannada Afrikaanka ihi cayimin halka ay ku kala baxayso kharashka loogu talagalay Madaxweynaha! Talow waa-kuwee? Sababta dhabta ah ee uu wasiirku u diidayaa waxa weeye waxa uu afka soo marin kari la'yahay inta ay tahay mushaharka Riyaale? Waxa kale oo uu wasiirku ku adkeystay ina kharashka doorashada D/Hoose loogu talagalay uu miisaaniyada ku jiro haddana farta wuu ku fiiqi kari waayay halka uu ku jiro iyo inta uu leeg yahayna wuu sheegi kari waayay. Wasiirku waxa kale oo uu ku hanjabay haddii uu Riyaale shandadiisa qaato inuu dagaal sokeeye dhici doono!!! Wasiirku hore waxa uu ku muusanaabay inuu dawlada ugu jiro inuu aar goosto. Dagaal sokeeye inuu waddanka ka dhaco oo ay sida XAMAR ku denbeysana waa sida uu wasiirku geed sare iyo mid hoosaba u fuulay. Hase yeeshee reer Somaliland wax ay ogyihiin in maalinta uu wasiirku ogaado inay xukuumada Riyaale dhacayso inuu waddanka ka bixi doono isaga oo dhuumanaaya.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay inay xukumado gasho kharash kale oo aan miisaaniyada ku jirin oo deyn ah oo ay keenaan arrimaha lama filaanka ah sida kharashka ay ku bixisay shaqaaqadii daroor oo dhan 280 MILYAN iyo kii ay ku bixisay Biyo-Guure oo dhan 92 MILYAN. Marka uugu horeysa xukkumadu deyn aanu ansixin Wakiilado ma geli karto. Marlabaadka wasiirku waxa uu u dhigayaa sidii oo miisaaniyada aanu ku jirin kharash loogu talagalay arrimaha lama filaanka ah. Miisaaniyadii 2006 kharashka loogu talagalay arrimaha lama filaan ka ah iyo nabadeyntu waxa uu ku dhaw yahay SHAN BILYAN (4,755,989,758). Kuwaasi oo kala ah Madaxtooyada (3,680,389,758); Guurtida (200,000,000) iyo W/Arrimaha gudaha (875,600,000).

Sannadkana miisaaniyada loogu talagalay hawlaha lama filaanka ah iyo Nabadeyntu waa la sii kordhiyay waxaanay dhan tahay (4,964,352,817). Kuwaasi oo kala ah Madaxtooyada (3,837,725,937), Guurtida (400,000,000) iyo W/Arimaha Gudaha (726,626,880). Kharashkaa ku dhaw SHANTA BILYAN (5) ka goo 372 Milyaan ee uu Wasiirku sheegay inay ku baxeen hawlaha lama filaanka ah!!!!!

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in safarada Madaxweynuhu aanay ku jirin miisaniyada waxa se uu ilaabay in Madaxtooyada ay laanta socdaalka miisaaniyad 2006 uugu jirtay kharash dhan (3,680,389,758). Maantana 2007 ay uugu jirtu (2,371,532,200). Xataa haddii ay jirto inay kharash soo amaahdeen waa inay tafaasil keenaan cidda ay ka amaahdeen, inta ay soo amaahdeen iyo sida ay u bixinayaan. Lacag baanu soo amaahanay oo aan qadarkeedii lasheegayn iyo miisaaniyadu way is dabooshay dee isma laha!!

Mala-Awaalkii Miisaaniyadii 2006 oo Wax laga Bedelay

Haddii aan dib u yara jaleeco miisaaniyadii 2006, waxa xusid mudan inaan farta ku fiiqay miisaanyada Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo isu-geynteeda ku jiray khalad dhan (77,461,000). Taasi hadda sida ka muuqata miisaaaniyada 2007 wasaaradu way saxday mala awaalkii ciidanka Xeebaha ee 2006. Waxa se ay bedeleen miisaaniyadii mala awaalka ahaa ee 2006 ee Maxkamadda Sare oo kal hore ahayd (624,746,000) oo imika ay ka dhigeen (694,946,000) iyo tii Madaxtooyada oo kal hore ahayd (12,568,119,958) oo imika ay ka dhigeen (12,420,458,958) si aanay isu beddelin isugeyntii guud ee 2006. Taasina waa qalad-qalad ku sax.


Naqdiga Miisaaniyada 2007

Haddii aan ku soo noqdo miisaaniyada 2007 waa Sannakii Afaraad (4) ee aan naqdiyo miisaaniyada Somaliland. Sannad walbana sannadka ka denbeeya ayuu hanti-lumiska, musuqmaasuqa iyo budhcadnimada xukuumada Riyaale ka sii kordhaysaa. Taasina dhaxalkeedii waxa uu noqday inuu dib u dhac ku yimmado waddanka xaga dhaqaalaha iyo siyaasadaba.

Miisaaniyada 2007 markii aan darsay waxa ii muuqday kharashyo badan oo xoola lumis ah oo lagu dabraday wasaarado amba Hay'ado oo u eeg inaan loo isticmaalayn waxay ku qoran yihiin. Sidaa awgeed dib ayaan isugu shaandhayay waxaana ka soo baxay kharash dhan (42,458,352,517). Kharashka inta leeg ee la lunsanaayay waxa aan u kala qeybiyay wasaaradaha wax-soo-saarka, kuwa bulshada, kuwa dhismaha wadooyinka qaabilsan (Road Authority) iyo doorashooyinka inagu soo fool-leh ee hoos ka daalaco tafaasiisha

Qaladka ku Jira Miisaaaniyada 2007

Dakhliga Miisaaniyada Sannakan 2007 sida ku qayaxan bogga labbaad (2) qadarkeedo waxa uu dhan yahay (212,945,019,599). Haddana bogga saddexaad waxa uu sheegayaa in Miisaanyada 2007 ay tahay (194,759,848,704). Markaasi halkaasi waxbaa qaldan ee ha la is waafajiyo lana cadeeyo ka saxda ah


Kharashka aan Lagu Talagelin ee Ka Maqan Miisaaniyada 2007

1. Fidinta Maamulka
2. Kharashka Doorashada Dawladaha Hoose
3. Barnaamijyada Diiniga ah iyo
4. Kharashkii Kala Xadeynta Xaduudaha iyo
5. Kharashka diiwaan gelinta cod bixiyaha (Voter Registration)
6. Kharashka sameynta wadooyinka waddanka isku xidha


Dakhliga Miisaaniyada Ka Maqan

Ugu horeyn Miisaaniyada waxa ka maqan dakhli badan oo ay ka mid yihiin:

1. Dakhliga Dekedda Berbera
2. Haamaha Shidaalka TOTAL
3. Hay'adaha Biyaha oo dhan sida ta Hargeysa
4. Haya'da Laydhka Hargeysa
5. Hay'ada Wadooyinka ( Roads Authority)
6. Lacagta ka soo hoyata xadiidka la iibiyo (Scrap)
7. Lacagaha laga qaado shirkadaha isku sheega inay maal gashanayaan waddanka
8. Lacagta sarrifka ka soo baxda ee ku xaroota Baanka-Dhexe

Dakhliga Dheeraadka ah ee Soo Baxay 2007

Dakhliga tobankii bilood (Jan/Oct) waddanka soo qalay 2006 sida ku qayaxan bogga labbaad (2) waxa uu dhan yahay (142,478,415,140) kaasi oo dakhli bileedka ka dhigaaya (14,247,841,514). Markaa haddii lagu tala galo in labada bilood ee hadhay (Nov/Dec) ay soo baxayaan (28,495,683,028) waxay isugu biya shubanaysaa in Sannadkii 2006 dakhliga soo xarooday (ma aha ku tala gal) uu yahay (170,974,098,168) halka uu mala awaalka miisaaniyadu ka ahaa (164,669,033,000) oo aanu ku jirin kaalmada ka timaada Dekedda Berbera. Halkaa waxa ka soo baxay dakhli dheeraaad ah (surplus) oo dhan (6,305,065,168). Waxa quman miisaaniyada 2007 inay ku saleysnaato dakhliga ka soo xarooday 2006 oo ah (170,974,098,168) laakiin waxay ka saleysantahay mala-awaalkii 2006.

Faraqa Dahkligii 2006 iyo Ku Talagalka 2007

Haddaba haddii laga duulaayo inta miisaniyadii 2006 ka soo xarootay oo dhan (170,974,098,168) ku talagalga miisaaniyada 2007 uu noqdo (194,759,848,704), faraqa u dhaxeeya oo dhan (23,785,750,536) xageebuu ka imanayaa waayo xukuumado waxay tidhi wax cashuur ah oo la kordhinaya ma jirto? Taasi ma cadda.


Xaddeynta Mushaharka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa

Waxa aan aad uuga xumahay taladii gudida dhaqaaluhu soo jeedisay ee ahayd in la xaddido mushaharka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa inuu shir gudoonku dib uugu celiyay Fulinta oo ay ka codsadeen inay Fulintu ka soo taliso. Inuu askariga Adhicadeeya saddexdii sannadood ee u denbeeyay ay darxumadu ku deleysay bishii loo qoondeeyo wax afartan $40 ka yar Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisuna ay ka mushahar bataan Madaxweynaha iyo ku-xigeenka dawlada Mareykanka waa DENBI QARAN. Xaq darrada inta leegna waxa ka masu'uul ah Golaha Wakiilada oo ku guul- dareystay inay u xaddidaan.

Waxa iyana nasiib darro ah ina dakhliga Hay'ada badan oo ay ka mid yihiin Kuwa Biyaha, laydhka, sarifka-baanka ay ka maqan yihiin miisaaniyada.

Taa waxa ka daran oo ah DENBI (criminal) in kharash dhan (12,762,557,856) oo ka badan miisaaniyada W/Waxbarashada (10,856,220,973) lagu qoro Naafada iyo Agoomaha miisaaniyada 2007 iyada oo aynu ognahay ina xataa Naafada ku jirta ciidanka laga reebay in mushaharka ciidanka intiisa kale loo kordhiyay. Waa mid lagu hafraayo Naafada iyo Agoomaha oo aan caqliga gelin in kharashka inta leeg Lagu daryeelaalo Agoomaha iyo Naafada. Sannadkii horena 2006 intaa in ku dhaw ayaa lagu qortay Agoomaha iyo Naafada!!!!!! Kharashka ka badan 12ka BILYAN Sooyaal oo ah urrurka Agoomaha iyo Naafada waxa ka soo gaadha (150,400,000)!

Waxa iyana cajiib ah ina kharashka loogu talagalay Ilaalada Madaxweynau uu ka badan yahay miisaaniyada W/Beeraha iyada oo aynu ognahay inay mushahar iyo gunnaba ka qaataan miisaaniyada ciidanka qaranka.

Sida ku cad miisaaniyada W/Gaashaandhiga ee uu horena u qayaxay Wasiirkii hore ee Gaashandiga (BOOS) ciidanka qaranka iyo miisaaniyadiisu midna ma hoos yimaado Wasiirka Gaashaandhiga. Ciidanka Qaranka miisaaniyadiisu waxay hoos timaada Madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidanka. Sidda awgeedna W/Gaashandhiga waa iska magac u yaal. Waxa iyana la mid ah Wasiirka Cadaalada oo miisaaniyada Maxkamada Sare, ta Maxkamada Hoose, iyo ta Xeer Ilaaliyahuba ka madaxbanan yihiin W/Caddaalada. Taasina waa ta uugu wacan inaanay Maxkamaduhu ka madaxbanaaneyn Madaxtooyada.

Waxa ka daran Wasaaradaha xukuumada oo ay Madaxtooyadu ugu horeyso oo aan Biyo iyo Nal toona bixin oo sanad walba miisaaniyada ku darsada kharash ah "isticmaalka Nalka iyo Biyaha", iibsiga qalabka Nalka iyo Biyaha iwm.

Kharashka Maashaariicda

Kharashka Xukuumadu tidhi waxay u qoondeysay Mashaariicda waxa uu dhan yahay (5,751,331,162). Hase yeeshee may caddeyn tirada mashaariicda iyo mid walba inta uu yahay. Kharashka ku jira miisaniyada ee lagu sheegi karo mashaariic waxa ka mid ah a) Laydhka Berbera (1,539,239,000) b) Kharashka Aburiin (208,212,162) c) Biriijka Burco/Hargeisa (650,000). Intaasi waxay isku noqoneysaa marka la isku daro (1,753,951,162). Markaa kharashka dhan (5,751,331,162) ee ku xusan bogga shanaad (5) waa inay xukuumada tafaasiil ka bixiso. Waxa xusid mudan in kharashka lagu bedelaayo Lacagta Gimbaarka ah ee Togdheer oo dhan (5,027,880,000) aan lagu sheegi karin Mashruuc la manaafacsado


Kharashka Ku Baxay Laydhka Berbera

Kharaska ilaa maanta ku baxay Balaadhinta iyo hirgelinta Laydhka Berbera waxa uu dhan yahay (5,716,315,000) ilaa maantana weli Berberi laydh ma laha. Haddii lagu sarifo sida xukuumado wax ku sarifto oo ah US$1=3,500 SLD waxay dhan tahay US$1,633,232. Taasi oo kala ah sidan:

Miisaaniyadii Sandkii 2005 2,000,000,000
Miisaaniyadii Sankii 2006 2,177,476,000
Miisaaniyada Sanadkan 2007 1,539,239,000


Wasaaradaha kharashka uugu badan laga dhimay qaar kood iyo mid walba intii laga dhimay oo hoos ku qayaxan:

1. Hawlaha Guud (2,012,113,400)
2. Golaha Wakiilada (374,655,600)
3. W/Kaluumaysiga ( 330,833,102)
4. W/Ganacsiga (273,956,852)
5. W/Xoolaha (249,356,800)
6. W/Beeraha (129,919,852)
7. Komishanka La dagaallanka AIDS-ka (64,995,283)
8. Guddiga Qandraasyada (48,600,000)
9. W/Arrimaha Dibadda (32,545,564)


Wasaaradaha kharshka uugu badan loo kordhiyay iyo mid walba inta loo kordhiyay:

1. Ciidanka Qaranka (7,957,596,053)
2. W/Maaliyada (6,403,724,628)
3. Ciidanka Booliska (5,199,346,974)
4. Ciidanka Asluubta (4,220,095,473)
5. W/Waxbarashada (2,126,886,973)
6. W/Gaashaandhiga (2,054,122,141)
7. Golaha Guurtida (1,979,642,000)
8. W/Warfaafinta (462,946,000)
9. W/Madaxtooyada (322,136,134)
10. W/arrimaha Gudaha (70,783,216)

Wax Yaalaha Aadka loola Yaabo ee Miisaaniyada Ku Jira Waxa Ka Mid ah

1. Dejinta Golayaaasha (1,216,200,000). Golayaaasha midna dhawr iyo toban sannadood ayuu dhisnaa midna laba sanno iyo in ka badan markaa ina maanta la yidhaahdo waxa loo qoondeeyay lacag lagu dejinaayo waa mid la yaab leh – (eeg miisaaniyada Golaha Guurtida)
2. Tababarka Warshadleeyda (9,682,400). Dadka warshedleyda ah sideebaa loogu kharash gareeyaa lacagta ummada iyaga ayaaba warshado lehe? ( eeg miisaaaniyada W/Ganacsiga)
3. Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibbada (74,480,000). Waxa jira dhawr iyo tobban wasiir ku xigeen hadana kan oo qudha ayaa miisaaniyad gooni ah loo sameeyaa (eeg miisaaniyada Khaarajiga).
4. Lacag Celinta Dakhliga Sannadaha hore (145,000,000). Tan ma fahmin, Maxaa loola jeedaa?. Ma kharashbaa, ma dakhlibaa...? ( eeg miisaaniyada Maaliyada)
5. Qareenka Saboolka/Garsoorayaasha Dadweynaha (63,459,200). ( eeg Maxkamada Sare iyo Maxkamadaha Hoose)
6. Hay'ad Samafal ah oo layidhaahdo Hay'adda dumarka (NOW) oo aan ahayn hay'ad ka madaxbanaan Madaxtooyada ayaa shilinkii shacbiga lagu kharash gareeyaa (108,000,000) iyada oo lagu naasnuujinaayo cid gaar ah (eeg miisaaniyada Arrimaha Gudaha)
7. Waxa iyana wax lala yaabo ah saddex lambar oo kala ah 1) 7,448,000 2) 22,344,000 iyo 3) 14,400,000 oo hadba soo noqonoqonaaya.. Lambarka (7,448,000) waxa uu soo noqonoqonayaa lix iyo afartan jeer (46 times) waxaanu u badanyahay kharashka yar yar, iibsiga qalabka nalka iyo biyaha, isticmaaalka nalka iyo biyaha, buugaagta, wacyigelinta & daabacaada iyo wax yaalo kale oo badan. Waxa haddaba cajiib ah in Wasaarada dibbada, ta Gudaha, Maxkamada Sare iyo qaar kale loo wada qoondeeyay kharash isku mid ah iyada oo aan loo eegin sida ay wasaaraduho u kala weyn yihiin iyo baahidooda midna
8. Kaalmada Rugta Ganacsiga (Chamber of Commerce) (40,000,000). Rugta Ganacsigu waxay u adeegtaa ganacsatada markaa ma aha in shilinka shacbiga lagu lumiyo.
9. Barnaamijyada Hawlaha Shaqada (2,866,093,197). Markii baahi walba la cayimay ee kharash loo qoondeeyay ayaa wax lagu sheego "Hawlaha Shaqada" oo aan sal lahayn lagu qoray lacagayow aan xad lahayn. Waxa taasi la mid ah kharashaka yar yar.
10. Barnaamijyada Hawlaha Shaqada waxa leh in ka-badan labatan (20) wasaradood oo ay ka mid yihiin Madaxtooyada, Maxkamada Sare, Ciidanka Asluubta, Gudida Qandraasyada iyo qaar kaleba
11. Habeen Dhixida Naafada (7,448,000) iyo Stashaneriga Naafaada iyo Agoomaha (7,448,000) (eeg W/Gaaashaandhiga)
12. Waxa wax lala yaabo ah iyada oo musharharka Madaxweynuhu yahay (2,600,419,200) oo Madaxtooyadana loo qoondeeyay (12,742,595,092) ayaa haddana ay miisaaniyada dheeraad ah oo dhan (400,000,000) uugu jirtaa miisaaniyada Hawlaha Guud oo lagu magacaabay "Daryeelka Qasriga Madaxtooyada"

Ciidanka Asluubta vs. Waxbarashada

Miisaaniyada ciidanka Asluubtu waxay dhantahay (10,942,418,449) waxaanay ka badan tahay:

1.

Miisaaniyada waxbarashada 10,856,220,973. Caqliga ma gashaa!!!!!!!
2. Waxa kale oo ay ka badantahay miisaaniyada wasaarada Arrimaha Gudha (8,460,239,216) iyo ta cadaalada (2,074,434,440) oo la isku daray oo isku noqonaya 10,534,673,656
3. Waxa kale oo ay ka badan tahay miisaaniyada todoba (7) wasaaradood oo la isku daray kuwaaasi oo kala ah 1) Caddaalada 2) Beeraha 3) Warshadaha 4) Reer Guuraaga 5) Kaluumeysiga 6) Boostada iyo Isgaadhsiinta iyo 7) Caafimaadka

Kharashka Ku Qoran Agoomaha iyo Naafada!!

Kharashka ay xukuumado sida ku qayaxan Miisaaniyada ay u qoondeysay daryeelka Naafada iyo Agoomuhu waxa uu dhan yahay (12,762,557,856) kaasi oo kala ah sidan:

* Mushaharka - Wasaarada Gaashandhiga 8,207,409,600
* Mushaharka – Wasaarada Daakhiliga 2,428,171,200
* Shidaalka- Wasaarada Gaashandhiga 27,349,056
* Stationeriga - Gaashandhiga 7,448,000
* Raashinka - Waxbarashada 260,000,000
* Raashinka - Gaashandhiga 1,824,732,000
* Habeen Dhixida Naafada - Gudaha 7,448,000

Kharashka loogu talagalay in Agoomaha iyo Naafada lagu daryeelo oo dhan (12,762,557,856) waxa uu ka badan yahay:

1. Miisaanyada Wasaarada waxbarashada oo ah (10,856,220,973) iyo ta Hawlaha guud (1,279,505,200) oo la isku daray iskuna noqanaaya (12,135,726,173 )
2. Waxa kale oo ay ka badan tahay miisaaniyada afar iyo toban (14) wasaaradood oo la isku daray (12,569,513,467) kuwaasi oo kala ah
3. Beeraha 1,094,563,148
4. Reer Miyiga 1,155,430,496
5. Kaluumeysiga 928,499,698
6. Xoolaha 1,088,147,200
7. Macdanta iyo Biyaha 842,807,593
8. Boostada iyo Isgadhsiinta 674,958,175
9. Diinta iyo Awqaafta 607,840,880
10. Dalxiiska 755,777,360
11. Dib-U-Dejinta 508,136,720
12. Dh. Iyo Ciyaaraha 775,848,560
13. Xeer Ilaalinta 653,074,000
14. Qorshaynta 991,278,797
15. W/Khaarajiga 2,074,434,440
16. Qoyska 418,716,400

Ilaalada Qasriga Madaxweynaha


Kharashka loo qoondeeyay Ilalada Qasriga Madaxweynaha waxay dhan tahay (2,152,855,12) waxaanay ka badan tahay:

1. Miisaaniyada wasaarada khaarajiga iy Ictiraaf raadiska oo ah (2,074,434,440)
2. Waxa kale oo ay ka badan tahay wasaarada Beeraha (1,094,563,148)
3. Waxa kale oo ay ka badan tahay miisaaniyada caddalada (514,069,600), miisaanyada Maxkamada Sare (772,236,800) iyo ta Xeer Ilaaliyaha Guud (653,074,000) oo la isku daray oo isku noqonaaya (1,939,380,400)

Mushaharka Madaxweynaha, Ku-xigeenkiisa iyo Madaxtooyada

Miisaaniyada loo qoondeeyay Mushaharka Madaxweynaha (2,600,419,200), ta Madaxweyne-Ku-xigeenka (1,151,200,000) iyo ta wasaarada Madaxtooyada (12,742,595,092) oo isku dhan (16,494,214,292) ahna (8.47% ) waxa la odhan karaa way is leegyihiin kuwan hoos ku qayaxan:

1. Miisaaniyada Waxbarashada iyo tan Caafimaadka oo isku dhan (16,846,022,333)
2. Waxa kale oo la odhan karaa waxay is leegyihiin miisaniyada labada gole (11,563,390,400), ta Maxkamada Sare (772,236,000), ta Xeer Ilaliyaha ( 653,074,000), ta caddaalada (514,069,600) iyo ta Maxakamada Hoose (3,103,662,000) oo la isku daray oo isku noqonaya (16,606,432,800)

Mushaharka Madaxweynaha oo dhan (2,600,419,200) waxa uu ka badan yahay:

1. Miisaaniyada Arrimaha Dibadda (2,074,434,440) iyo ta cadaaladda (514,069,600) oo la isku daray oo isku noqonaya (2,588,504,040)
2. Waxa kale oo uu ka badan yahay miisaaniyada Beeraha (1,094,563,148), ta xannaanada xoolaha (1,088,147,200) iyo ta Hay'ada Nerad (Aafada dabiiciga ah) oo la isku daray oo isku noqonaaya (2,588,504,040)
3. Waxa kale oo uu ku daw yahay afar laab (4) kharshka tacliinta sare oo isku dhan (660,000,000)
4. Waxa kale oo ay ka badantahay miisaaaniyada afar (4) wasaaradood oo la isku daray kuwaasi oo kala ah:
1. Cadaaladda 514,069,600
2. Diinta iyo awqaafta 607,840,880
3. Dib-U-Dejinta 508,136,720
4. Ciyaaraha 775,848,560

Mushaharka Madaxweynaha oo dhan (2,600,419,200) iyo miisaaaniyada oo uu Madaxweynuhu kelidii maamulo ayaa hadana kharash-kasta oo ku baxa Qasriga Madaxtooyada laga bixiya Wasarada Hawlaha Guud


Kharashka Nabad Sugida iyo Sirdoonka

Kharashka nabad sugida loo qoondeeyay waxa uu dhan yahay (102,938,757,441) waxaanu yahay boqolkiiba 53% miisaaaniyada oo dhan. Waxaanu kala yahay sidan:

1. Ciidanka 49,782,027,671
2. Ciidanka Asluubta 10,942,418,449
3. Booliska 21,338,712,846
4. Ilaalada Xeebaha 1,849,155,118
5. W/Gudaha 8,460,239,216
6. Gaashaandhiga 10,566,204,141

Marka kharaska Nabad sugida lagu daro Kharashka Madaxtooyada, Mushaharka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigenka oo iyaguna dhan (8.47%) waxay isku noqonayaan (61.47%). Halka waxa ku cad ina baahidii kale oo dhan loo qoondeeyay (38.53%)

Martiqaadka

Kharashka loogu tala galay Martiqaaadka oo dhan (679,669,576) waxa uu ka badan yahay miisaaniyada taacliinta Sare oo dhan (660,000,000):

* Jaamicadda Hargeisa 130,000,000
* Jaamicadda Amuud 130,000,000
* Jaamicadda Burco 130,000,000
* Berbera Fishery College 70,000,000
* Jaamicadda Golis 100,000,000
* Machadka Tababarka macaliimiinta 100,000,000

Kharashka loogu tala galay Martiqaadku waxa uu ka badan yahay miisaaniyada wasaarada badan oo ay kamid yihiin:

1. Boostada iyo Isgaadhsiinta 674,958,175
2. Xeer Ilaaliyaha Guud 653,074,000
3. Cadaladda iyo qaar kalaba 514,069,600

Kharashka Idaacadaha Iyo TVga

Kharashka loo qoondeeyay dacaayada (Propaganda) waxa uu dhan yahay (2,769,744,368). Waxaanu ka badan yahay Miisaaniyada W/Caddaalada iyo ta Maxkamada Sare oo la isku daray oo isku dhan (1,286,306,400)

Kharashka Yar Yar

Kharashka yar yar (jarjarka) waxa uu dhan yahay (345,278,624) waxaanu ka badan yahay kharashka hay'adahan:

* Miina Saarka 279,514,000
* NDC. 313,202,194
* Gudida Qandaraasyada 274,504,000
* Gudida HIV/AIDS 283,464,717

Wasaaradaha Wax Soo Saarka Iyo Daryeelka Bulshada

Wasaaradaha wax soo saarka iyo daryeelka bulshada waxa loo qoondeeyay (22,500,355,668) kuwaasi oo kala ah:

* Beeraha 1,094,563,148
* Warshadaha 544,885,200
* Reer Miyiga 1,155,430,496
* Kaluumeysiga 928,499,698
* Xannaanada Xoolaha 1,088,147,200
* Macdanta iyo Biyaha 842,807,593
* Waxbarashada 10,856,220,973
* Caafimaadka 5,989,801,360

Kharashka Sirdoonka iyo Ciidamada loo qoondeeyay oo isku dhan (102,938,757,441) waxa aad garab dhigtaa ka loo qoondeeyay wasaradaha wax soo saarka iyo daryeelka bulshada oo isku dhan (22,500,355,668)

Mushaharka Qofka Shaqaalaha ah

Marka la isku celceliyo mushaharka joogtada ah ee qofka shaqaalaha ihi uu qaataa waxa uu dhan yahay wax ka yar $40 bishii marka lagu saleeyo mushaharka joogta ah oo dhan (76,723,384,200) iyo shaqaalaha dawlada oo uu ciidanku ku jiro (kuma jiro mushaharka labada gole iyo fulinto) oo dhan in ku dhaw todobiyo labatan kun (27,000) sida ku cad bugga sideedaad (8) ee miisaaniyada

Dhaameelka Cabdi Xasan Buuni

Wasiirka Golayaaasha xidhiidhiya Cabdi Xasan Buni dhaameelka loogu daray miisaaniyada wasaradiisa marka la isku daro kharashka yar yar iyo martiqaadku waxa uu isku noqonaayo boqolkiiba (22.34%)

TALO SOO JEEDIN

Si Miisaaniyada ummada u cuntanta loo helo miisaniyada middi ayaan u qaaday xaydhii dheeraadka ahayd ee ila fashaqa ahaydna waan ka jaray dabeetana waxa ii soo baxay hanti dhan (42,458,352,517) amba savings oo kuwa weeyda ah aan ku kabay. Sidii aan wax uuga jarayna waa sidan:

Xaddeynta Mushaharka Madaxeynaha iyo Ku-xigenkiisa

Mushaharka Madaxweynaha waxa aan ka jaray boqolkiiba sideetan (80%) waxaana u soo hadhay kharash dhan ( 520,008,380) oo u dhigma US$86,680. Madaxweyna ku xigeenkana waxa aan ka jaray boqolkiiba (60%) waxaana u soo hadhay (460,480,000) oo u dhiganta $76,746. Labadooda marka la isku daro waxa aan ka-jaray xaydh isku dhan (2,771,055,360) taasi oo u dhiganta $461,842

Kharashka aan Ka Jaray Wasaaradaha amba Hay'adaha Kale

Wasaaaradaha amba Hay'adaha amba kharashka meelaha qaarkood loo qoondeeyay ee aan miisaaniyadaba ka wada saaray waa kuwan hoos ku qayaxan waxaanay isku noqdeen (39,687,297,157) iyaga oo kalaah

1. Miisaaniyada Guurtida oo dhan (5,947,460,000) waan ka saaray waayo bilaa sharci ayaay ku fadhiyaan
2. Kharashka Isticmaalka Nalka iyo Biyaha waxa aan ka jaray boqolkiiba (60%) waayo ma jirto wasaarad Laydh iyo Biyo lacag ka bixisaa haba yaraatee xataa Madaxtooyadu ma bixiso haddana way u qorontahay.
3. Kharashka Rugta Ganacsiga oo ah (40,000,000)
4. Kharashka Qareenka Saboolka iyo qareenka dadweynaha oo dhan waxa aan ka dhimay boqolkiiba (50%) waayo weli ma dhicin ina dawladu cid saaboolah qareen ka bixiso
5. Kharashka loo qoondeeyay Tababarka Warshadleeyda oo dhan (9,682,400)
6. Kharashka loo qoondeeyay Wasiiru Dawlaha Khaarajiga oo dhan (74,480,000). Toboneeya Wasiira Dawla ayaa jira ee maxaa isaga oo qudha miisaniyad u gaar ah loogu sameeyay
7. Kharashka Martiqaadka wasaaradaha oo dhan waxa aan ka jaray (60%)
8. Kharashka Dejinta Wakiilada
9. Kharashka loogu tala galay "Barnaamijyada Hawlaha Shaqada"waxa aan ka jaray boqolkiiba (60%)
10. W/Madaxtooyada, Maaliyada, Ciidanka Asluubta, W/Arrimaha Gudaha, W/Warfaafinta, Tvga qaranka mid walba waxa aan ka jaray boqolkiiba (50%)


Meelaha aan Ku Kabay Xaydha Dheeraadka ah

Haddaba xaydha dheeraadka ah ee aan ka jar jaray meelaha aan u baahneyn oo isku dhan (42,458,352,517) sida aan u qaybiyay ee aan uugu kala kabay meelaha looga baahan yahay waa sidan:

1. Waxa aan ku daray Hay'ada Somaliland Roads Authority oo aan miisaniyada markii hore ku jirin oo aan hadda u qoondeeyay (8,615,557,056) si loogu dhiso waddooyinka waddanka isku xidha kuwa ugu liita ee ay ka mid yihiin Togdheer/Sanaag, Hargeisa/Odweyne iyo Gabiilay/Dila
2. W/Waxbarashada waxa aan u kordhiyay 12 Bilyan (12,000,000,000) si miisaaniyada wax barashadu u noqoto (18,807,064,174) halka ay ka ahayd (10,856,220,973) intii aan laga jarin xaydha
3. W/Caafimmadka waxa aan u kordhiyay (5,842,795,461) si ay u noqoto (15,839,329,269) halka ay ka ahayd (5,989,801,360) intii aan xaydha laga jarin
4. Doorashda Madaxweynaha waxa aan u qoondeeyay 4 BILYAN (4,000,000,000) halka imika aan waxba loo qoondeyn
5. Doorashada D/hoose waxa an u qoondeeyay 3 BILYAN (3,000,000,000) halka imika aan waxba xukuumada u qoondeyn
6. Diiwaan gelinta Codbixiyaha ( Voter Registration) waxa an u qoondeeyay iyana 3 BILYAN (3,000,000,000)
7. W/Beeraha waxaan u kordhiyay 2 Bilyan (2,000,000,000) si ay u noqoto (3,070,729,548) halka ay ka ahayd (1,094,563,148) intii aan xaydha laga jarin
8. W/Mcdanta iyo Biyaha waxa aan u kordhiyay hal Bilyan (1,000,000,000) si ay u noqoto (1,804,524,873) halka ay ka ahayd (842,807,593) intii aan laga jarin xaydha
9. W/Kaluumeysiga waxa an u kordhiyay hal Bilyan (1,000,000,000) si ay u noqoto (1,900,367,538) halka ay ka ahayd ( 928,499,968) intii aan xaydha laga jarin
10. W/Xoolaha Nool waxa aan u kordhiyay hal Bilyan si ay u noqoto (1,972,911,200) halka ay ka ahayd (1,088,147,200) intii aan laga jarin xaydha
11. W/Reer-Miyiga waxa aan u kordhiyay hal Bilyan si aaay u noqoto (2,056,699,808) halka ay ka ahayd (1,155,430,496) intii aan laga jarin xaydha


GEBOGEBO

Miisaaniyadan Hoos ku qayaxan ayaan soo diyaariyay si looga tala qaato
MIISAANIYADA 2007
Description 2007

Mushaharka Madaxweynaha 520,083,840
Mushaharka M/Ku-xigeenka 460,480,000
Hay'ada Aids/HIV 257,829,199
Golaha Guurtida -
Golaha Wakiilada 4,909,730,400
Maxkamada Sare 709,524,640
Xeer Ilaaalinta Guud 646,370,800
Hay'ada Shaqaalaha 577,417,322
Hanti-dhowrka Guud 1,247,627,760
W/Madaxtooyada 6,371,297,546
Guddida Qandarasyada 266,609,120
NERAD 324,435,360
W/Arimaha Dibada 1,988,037,640
W/Caddalada 495,747,520
Ciidanka Asluubta 5,471,209,225
Maxkamada Hoose 3,062,994,800
Arrimaha Guddaha 4,230,119,608
Ciidanka Booliska 21,049,227,580
Ciidanka Ilaalada Xeebta 1,845,580,078
Warfaafinta 1,064,812,000
National TV 320,060,184
Gaashandige 4,765,661,923
Ciidanka Qaranka 49,630,624,727
Qorshaynta 845,173,197
W/Maaliyada 7,978,634,714
W/Ganacsiga 742,007,668
W/Macdanta iyu Biyaha 1,804,524,873
W/Kaluumiysikga 1,900,367,538
W/Beeraha 3,070,729,548
W/Xannanada Xoolaha 1,972,911,200
W/Boosaha & Isgaagsiinta 647,102,655
W/Waxbarashada 18,807,064,174
W/Caafimaadka 15,839,329,269
Ag. Guud ee Shaqaaalaha 359,628,512
W/Diinta iyu Awqaafta 431,174,320
W/Dalxiiska 737,157,360
W/Hawlaha Guud 3,664,893,840
W/Duulista & Gaadidka Cirka 1,621,731,146
W/Horumarinta reer Miyiga 2,056,699,808
W/Dib-u-dejinta 505,008,560
Hay'da N.D.C 303,598,274
Hay'ada Miina Saarka 272,066,800
W/Xidhiidka Golayaasha 119,937,520
W/Qoyska 381,774,320
W/Dhallinyarard & Ciyaaraha 751,717,040
Guddiga Doorashooyinka 10,577,247,080
W/Warshadaha 538,330,960
Somaliland Road Authority 8,615,557,056
Isugeyn 194,759,848,704

Ali Gulaid, San Jose, CA
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: