Waa guul Somaliland gaadhay, maanta oo lagu dhawaaqay hordhacii doorashada oo ay ku guulaysteen xisbiyada mucaaradka ah oo helay 49 xildhibaan, halka xisbiga dawladdu ka helay 33 xildhibaan. Waana guul taariikhi ah, oo kow ka ah inta qaran Soomaaliyeed jiray, waxaaba la leeyahy Afrika waa ka kow.Waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadda Somaliland, si gaar ah tartamayaasha kuwa guulaysatay iyo kuwa dhacayba.
Waa mahad Illaahay hadday doorashidii nabad ku dhammaatay oo waxa la kariyaba laga gun-gaadhay dherigii lagu door soocay codadkii sida xorta ah shacbigu ku baxshay. Waa guul, waana mid ay mahadeeda leeyihiin shacbi weynaha Somaliland. Waxa dhacay farogelin xaraan ah oo meelo badan laga soo sheegaayo. Waxa laga faa'iidaystay awoodda dawladda, waxa sidoo kale laga faa,iiday nidaamka doorashooyinka oo jilicsan, aqoonta guud ee dadweynaha oo yar, baahida dhaqaale, gaadiid xumada. Taasoo dhan waxa isku fuuqsatay waa tirokoob la'aanta.
Waxa la arkay food aan qiyaas lahayn oo meelaha qaarkood laba laab, seddex laab kor u kaceen ilaa foodkii madaxweynaha. Waxa cadaatay in lacagtu wax jarayso, oo ragga soo baxay qaarkood ayna wax aan lacag ahayn meesha ku iman. Waxa la geliyey jaah wareer lagu suldaaro meeshii dawladdu u aragto inay ku cod yar tahay. Waxa la isticmaalay in sanaadiiqda lagu yareeyo, hawl qabadka la gaabiyo, oo arrinta cag jiid lagu wado, meelaha ay UDUB ku liidato. Dhinmaca kale waxa la badiyey kuraasta waxaana la dedejiyey hawsha socodsiinta foodka, meelaha ay xooga ku leedahay.Eedda komishanku waa leeyahay. Waxaa se dhab ah in dawlad sharciga jabinaysa aan komishan waxba ka qaban karayn.Waana hab looga bartay Afrika.Aan u dhigto qoraal dambe ka hadalka arrintan.
Isku soo wada duuboo, waxa la gaadhay guul.Waxa Somaliland xaqiijisay inay hormood u noqoto dimiquraadiyada Afrika, iyadoo xisbiyada mucaaridku helayn aqlibiyadda golaha. Waxaynu ku gaadheen waa mitidnimada shacbiga, oo inkastoo awoodda dawladda lagu daciifiyey guusha mucaaradka, haddana ay suurtagal u noqon weyday in aqlibiyadda laga faro maroojiyo.
Waxaan hanbalyo u dirayaa ragga iyo dumarka hawshan loo doortay, xisbi kasta ha ahaadeene. Waa inay ogaadaan in cidda ay matalayaan yihiin dad weynaha, kuwa u soo jeeday, u soo jar maaday, dantooda tuuray, mudo bil ah aan wax kale ka hadal. Kuwaas waxa deeqi karaa, ma aha barje iyo qado, ma aha hebel oo la shaqaaleeyo, waa sharciga dalka oo la saxo oo lagu dhaqmo.Waa musuqa oo lala dagaalamo, waa danta guud oo la dhowro. Waa dawladda oo lala xisaabtamo. Hawsha keliya eed meesha u joogtaan, waa la-xisaabtanka dawladda iyo sharci dejinta. Leydiima diran inaydun kuraasta ku ilaalisaan 60danka ku jira golaha wasiirada.
Waxa idinla xisaabtami doonaa waa shacbiga, oo leh dhego aan seexan iyo indho soo jeeda.Nin waliba waxa uu xilkiisa ka qabto ayuu berrito la hor iman doonaa.Kala garta hawshiina iyo tan dawladda (Golaha fulinta), oo sidii colkii idinka horreeyey ha odhanina "dawladdu waa inaga". Haysku milmina,ee hawsha la-xisaabtanka dawladdu waa mid muxaafid iyo mucaaridba idinku waajib ah, laydinku dhaarin doono, if iyo aakhirana laydin weydiin. Mas'uuliyaddana kaga baxsanmaysid waxaan ahay xisbiga dawladda oo UDUB ayaan ahay.Adiga iyo kan mucaaradka ahba isla xilbaa idin saaran. Shafeeco ay UDUB kuu qaadaysaa ma jirto. Waxaan bishan Ramadaan, Illaahay iddinka baryayaa inuu xilka idiin fududeeyo, idinku tuusiyo tubta toosan.
Dhinaca kale, waxaan leeyahay inta fursadan weyday. Tartanka ayaa sidan ah oo mar walba waxaa la filaayey in seddexdii qofba labo dhacdo.Waxa hubaal ah in badan oo idinka mid ihi inay heli lahayd kuraasta haddii doorashadu u dhacdo si sharciga waafaqsan.Haddana waa mid idiin sharaf ah inaydun u tartantaan hay'adda sharci dejinta. Waxa guul idiin ah inaydun noqateen dad ku qancay guud ahaan si aynu u dhisno gole horumar ah oo ambaqaada dhismaha dimuquraaddiyada. Qaladaadka dhacay waa qaar idinka, kuwa guulaystay, iyo shacbiga u taala. Waa inaynu ku dadaalnaa inayna dhicin tiro aan xad lahayn oo meel ay ka timid la aqoon.Doorashada madaxweynaha laga bilaabo, waa in la helaa diiwaangelin iyo tiro koob sax ah.Waxaa dalalkan galbeedka laga yidhaahdaa " Better to be a good looser than a bad winner" oo macneheedu yahay waxa fiican inaad noqotid qof fiican oo dhacay, intaad noqon lahay qof xun oo guulaystay.Waxa taas lagu sifeeyaa in shacbigu ogyahay qof waliba sida uu ku soo baxay, iyo sida uu ku dhacay. Kii la garbiyey wey ogyihiin, dulqaadkiisana wey arkaan, kaa boobayna wey la socdaan, taariikhduna wey qormaysa.Berritana waa ayaan kale.
Maqaalkani waa hor dhac. Waxa aan isku deyio doonaa inaan faalooyin kale wax ka idhaahdo qaladka dhacay, gaar ahaan nidaamka guud oo u muuqda mid jilicsan oon laga fiirsan, ahna qalad la wadaago oon cid qudhi ka masuul ahayn in kastoo la kala badsanaayo dhaliisha.
Haddaba inagoo ku jirna bisha barakaysan ee Ramadaan, waa in ley cafiyaa oo xummaddii doorashada laga maydhaa, oo adduunyo maalinba waa si ee yaan hardankii shalayto wax lagu qaban. Ma aha marna in nolasheena guud ay taabato xoriyadda qofku u leeyahay inuu cidda uu doono doorto.Xiliga doorashada waxaa banaan in la doodo, leys tuso xumaanta iyo waxtarka ay tartamayaasho leeyihiin, taas oo mararka qaarkood gaadha derejada cayda iyo hanjabaad. Waa se mid halkeeda ku dhammaata. Waa sida tartanka kubadda, oo xamaasadeedu ku eekaato garoonka.
Run ahaantii waa inoo guul iyo reynreyn, si gaar ah waa guul taariikhi ah oo Afrika u kow ah sida KULMIYE iyo UCID ay doorashadii u horreysay u hantiyeen aqlibiyadda golaha wakiilada.Waxaanan leeyahy hanbalyo labada xisbi si gaar ahna labada hogaamiye ee muujiyey kartida iyo xirfadda siyaasadeed. Guddmiye Siilaanyo iyo Faisal waxa looga fadhiyaa inay guushan ka midho dhaliyaan, ooy muujiyaan wada shaqayn lagu gaadhi karo danta guud, laguna hanan karo himmilada shacbiga u igmaday hawsha golaha wakiilada.
UGU DAMBAYN WAXAAN MAHAD GAAR AH U NAQYAA SHACBI WEYNAHA SOOMALILAND.
Ahmed Arwo
Cardiff, Wales U.K.
Oct,16,2005
No comments:
Post a Comment