xusaayo halgankii lagu soo dhiciyey gobanimadii luntay.Haddab bal
muwaadinow is weydii ee maxaa xus ah ee loo sameeyey.Maanta oo weli
ayna xidideysan qaranimada ay u soo dhinteen intii shahiiday, kuna
xoolo waayeen inta badan ee shacab weynaha Somaliland, haddii sidan
loo gartay, maxay noqon taariikhda ay dhaxli karaan jiilalka soo
socdaa.
Ninka aan garan waxa maanta jooga, ma garto waxa soo socda, ninka
waxii tegay aan xusuusanina ma garta waxa maanta jooga.Taariikhdu waa
waayo-aragnimo qofka u korodha,waa tacliin kuu ifisa toobiyaha toosan,
kaa duwda dariiqa qaloocan. Waa mid ku siisa khibrad la'aanteed qaali
kugu joogi doonta.Taariikhdu waxay qadarisaa qiimaha wadaniga naftiisa
u huray si dabadii loo hurdo,loo dhergo,loo tamariyo,loo dhalo oo loo
dhaqdo, iyadoon laga baqan caddaalad daro, eex iyo duudsi.Waxuu u
dhintay in af Soomaaliga laga waayo...Xunyow xunku dhalay.
Maanta waxay ahayd, maalin meel kasta laga xusi lahaa, loona faataxeen
lahaa intii inaga giiriyootay, maalin madaxa loo salaaxo agoonta,
maalin la abaal mariyo ehelkii ay ka tegeen geesiyadii SNM, maalin la
maamuuso mujaahidiinta inta ka nool. Ragga hogaaminaayey halgankii
SNM, waxaa la gudboon inay qoraan taariikhda ma hadhada ah. Waa in la
soo uruuriyaa magacyada dhammaan ciddi ku nafweyday halganka mid
dagaal iyo mid taliskii Siyaad gurigooda ku dilayba. Waa in
dhacdooyinkii dagaalka laga sheekeeyaa. Waa in falalkii faqashta la
qaawiyaa, waa in tabahii dagaal ee SNM la qeexaa.
Nin walba waa in loo qoraa qaybta uu ku lahaa halganka. Ma aha in la
qabyaaladeeyo la goboleeyo,lana xisbiyeeyo, waa in sida ay ahayd loo
qoraa, oo inkastoo raggu maanta rayi iyo xisbi u kala baxeen, waa inay
isla gartaan qoraal ka turjumaaya dhabtii taariikhda SNM. Haddaan taas
leysla garan waa inay ogaadaan, in cidina xusuusan doonin iyaga, magac
la'aanta ummadda haysatana ay iyagu ka masuul yihiin. Si kasta ha loo
kala batee, degmooyinka Somaliland Saylac. Laascanood ilaa Ceerigaabo
waa laga qayb qaatay halganka. Waana in sidaas loo aqoonsadaa.
Ayaan darrada dhacday, waxa loogu abaal guday in farta lagu fiiqo oo
magacyo loo baxsho halyeeyadii SNM, xilligii dirirta waxay ahaayeen
Shiish iyo Khaakh, kolkii la xorroobay waxa la yidhi waa
day-day...Waxa la meel mariyey hadal hayn meel laga yidhi iyo cid
tidhi midna la sugin, danna laga lahaa in kalsonida dadweynaha laga
xayuubiyo SNM... waxa shacbiga afka loogu riday...Kaadidaydaan u soo
cabay. Waa sheeko ay shaanbadeeyeen intii ka soo horjeeday halganku si
ay ceeb keli ku ahayd lala wadaago, deedna dheeshu ku dhammaato barbar
dhac.Waana mid ay si heer sare ah ugu guuleysteen.Taasi mey dhacdeen
hadday taariikhdu tahay mid qalin qoray.
Nin walba waxa laga heli lahaa bogga taariikhda oo rag kala saari
lahaa.Waxa dadweyne garan lahaa cidda himmiladiisa uu ku halayn
karo.Waa waajib saaran xisbiyada iyo aqoonyahanadu inay u guntadaan si
ayna u lumin taariikhda Somaliland ee qaaliga ah.Xuska sannadkan waxa
baaq soo saaray xisbiga Kulmiye oo keliya, haddaba waxa la gudboon in
xisbiyada kale arrintan ka dabo tagaan,oo jadwalka xuska geliyaan si
ayna u dhicin in mar kale la iloobo. Dawladda waxa la gudboon inay
rasmi ka dhigto xus joogta ah oo lagu qadariyo maalintan magaca dheer
ku leh dadweynaha agtiisa.
Is-qabadkii SNM waa kan ka dhigay halgamayaashi in badankoodu ka
maqnaadaan saaxadda siyaasadda Somaliland.Waxa tan xigi doonta mar
magaca SNM cid taqaan la waayo, haddayna dabo qaban,oyna wadajir
qalanka ku sixin taariikhdooda.
Waxaan xusuustay sheeko uu mariyey saaxiibkay Cabdillahi Dheer oo ku
caan baxay inuu mariyo maahmaahyo magaaladan Cardiff looga yaqaan
Galbeedi. Cabdillahi isagoo ka hadlaaya qado sharaf lagu soo dhoweeyey
Madaxa Xisbiga Kulmiya, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxuu yidhi: waxa
jiray suldaan lagu caleemo saaraayey galbeedka, iyadoo dadkii caleemo
saaraayey maqan yihiin,isna madasha gursigii loo dhigay fadhiya,ayaa
waxaa soo hor martay gabadh aad u qurxoon. Suldaankii ayaa ka dabo
dhaqaaqay, isagoo is leh, kolka lagu boqro,gabadhan gacanteeda doon.
Waxa yimid dadkii caleemo saari lahaa, waxayna arkeen kursigii oo nin
kale oo(...........) fadhiyo isla reerkana ah, kolkaas ayaa la yidhi
dee kanba aynu caleemo saarno. Murtida sheekadu waa mid aan faahfaahin
u baahnayn.
Waxaan hadalka ku soo gunaanadayaa iyadoo bishii Ramadaan fooda inagu
soo hayso, in ciddi sako ku waajibtay la ogaadaan agoonta ku aabo
weyday halgankii xoriyaddeena. Toddobaadada soo socda waxaan soo qori
doonaa sida islaamku u arko maamulka dawladda anigoo soo qaadan doona
sida ragga mayalka u hayey ummaddu u dhaqmi jireen.
Wa salaamo calaykum waa raxmatullah.
Ahmed Arwo
No comments:
Post a Comment