27 June, 2017

XUSKA MAALINTA XORRIYADDA SOMALILAND 26 Juun 2017: Ahmed Arwo




XUSKA MAALINTA  XORRIYADDA SOMALILAND 26 Juun 2017: Ahmed Arwo

Dharaartaan waxyeeladii dhaqdhaqnay, sow ma soo dhicin

26kii Juun 1960, waa dharaartii aynu gobanimada helnay, waa ayaantii aynu noqonay dal xor ah oo ka mid ah dalalka adduun weynaha, waa maalintii ay ina aqoonsadeen dalal ka badan 30. Waa ayaantii abwaan iyo hoobal tooni aanu wax la hadhin. Waa dharaartii Alle ha u naxariistee Cabdillahi Suldaan Timacadde iyo Cabdi Iidaan tiriyeen gabayada taariikhiga ah een doogoobin. 26kii Juun 1960, waxay ahayd maalin in badan la saadaalinaayey. Waxay ahayd maalin rag iyo dumar, ciroole iyo caruur loo ciyaaray, loo soo jeeday, loo xaragooday.

Maanta 26ka Juun 2017, waa xuskii 57naad ee maalintii xorriyadda, maalintii gumeysigu ka huleelay dalkeen ka dib qarni uu talo xumo iyo wax qabad la'aan inagu maamulay, inagu kala qaybiyey oo uu nidaam qabiilaysan oon ka bxi lanay inoo dhigay. Waa ayaan xus iyo qaiimeyn mudan, ayaan weyn oo taariikh dahab ah leh, ayaan faan faan iyo farxadi umadeyna mideysay yar iyo weyn rag iyo dumar
Waxa inaga dhigay Soomaliland een Soomalida kala kaga duwannay waa maalintan inteena ku abtirsata Somaliland isukeyn keyntay, inoo yeeshay dhul xadidan, dawladnimo iyo dhaqan dhaqaale inoo gaar ah. Iyadaa inaga dhigtay ummad taariikh gooni ah iyo dabecado u gaar ah leh. Iyadaa inaga dhigaty inaynu ku dhaadano magaca Soomaliland. Iyadaa u sal ah oo dhashay halgamadii ina soo maray ee ay ka midka ahaayeen halgankii Daraawiishta, kacdoonkii Farah Oomaar iyo halgankii xisbiyada SNC, NUF iyo USP, iyo kii ugu dambeeyey ee SNM. Ahaana kii ugu khasaaraha badnaa dad iyo duunaba. Guusha halgamadaasi waxay ku soo biyo shubteen dhismaha jamhuuriyaddii labaad kolkaynu dib ula soo noqonay qaranimadeenii.

Maanta oo kale waxay ahayd maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah la taagay. Farxadiisuna ayna ku eekeyn Soomaliland bal se dhammaan Waxay ahayd maalin wiil iyo gabadhii dhalatay lagu tilmaamay cawo dhalad. Waxay ahayd maalin xisbiyada qaran, mucaarad iyo muxaafid ay gacmaha is qabsadeen. Maalin hadal macaan iyo weji furan leysku salaamay. Maalin miskiinka taakulintiisa la kala boobay. Maalin Soomaali madax kor u qaaday. Maalin kii shalay ku gumeysanaayey uu magan kuu noqday.

Haddaba waxa dadka qaar isku qaldaan maalintan qaayaha leh ee la odhan karo waa tan ugu mudan ummadda Soomaaliyeed, iyo dhibaatadii, burburkii iyo dilkii ka dambeeyey ee dhaliyey inay burburto hilowgii iyo himiladii weyneed ee midnimada shanta Soomaaliyeed. Halgamayaashii ay horseedka u ahaayeen xisbiyadii NUF, USP iyo SNL, waxay ahaayeen qaar niyad wanaagii ay u hayeen midnimada Soomaaliyeed si shuruud la,aan ah oo weliba qayb xuma ah ula mataanooba Konfurta. Lagama helin dhankooda xaqsoor wacan iyo maamul rumeyn kara hadafkii weynaa ee israaca. Waxay noqdeen laba shuraakoobay oon si cadaalad ah dheefta ay wadajirka ku heleen u sinayn. Waa cadaalad darada lagala kulmay Koonfur tan ay ka dhalatay taariikhda madow ee israaca inaga soo gaadhay ee ma aha mid loo nisbayn karo 26ka Juun iyo maalinta gobannimada Somaliland.

Waxba kaga noqonmaayo dhibtii, dilkii, dulmigii inaga soo gaadhay is-raaca, waayo weynu ka bogsanay oo manta waxaynu nahay dal xor ah oo midaysan, nabad ah oo dimuquraadi ah.

Aan ku laabto astaamaha maalintan.26ka Juun waa maalin rajo wanaag iyo saadaal suuban la kowsatay ee waa in la mariyaa maamuuska ay leedahay oon hoos loo dhigin. Waa inay noqotaa mid qalin dahab ah lagu qoro, lana soo ban dhigo qiimaha xoriyaddu leedahay. Tani wax xidhiidha lama laha dhibaatooyinkii ka dhashay is-raaca oy sababteedu ahayd arrin inagaga timid meel aan la filayn.Yaan leysku xidhin gumeysi erigii iyo khasaarihii lagala kulmay israaca.

Waa in la xusaa ragii u soo halgamay xoriyadda abwaano, siyaasiin, odayaal iyo culumaba. Sidoo kale waa in la xusaa xisbiyadii jiray iyo giraanta taariikhda oo lagu xidhiidhiyo halgankii SNM, iyo dhammaan halgamadii ka horeeyey ee sida dastuurku sheegay ka bilaabmaayo kii Daraawiishta, iyadoo la maamuusaayo ciddii ku dhimmatay,ku-dhawacantay, kuwa ku agoonoobay iyo inta nool oo la qadariyo. Waa in ubadka loo qoraa taariikhda. Ogow cidda aan aqoon waxay shallayto ahayd ma garan karto waxay noqon berito.

Waxaan la iloobayn kaalinta ay ka qaateen abwaanada Timacadde, Cabdi Iidaan, Barkhad Cas, Cabdillahi Qarshe, Guduudo, Cali Sugule iyo dhammaan Walaalo Hargeysa. Sidoo kale siyaasiinta iyo odayada ay ka midka ahaayeen Suldan Cabdillahi, Suldaan Cabdirahmaan, Garad Ali , Goodaad, Cigaal, Axmed Xasan, Michael Mariono iyo dhammaan intii halganka dheer u soo martay xoriyadda dalkeena hooyo.

GUJI HOOS OO DHEGEYSO0 ABWAAN TIMOCADDE AHUN IYO GABAYGII CAANKA AH EE 28KA JUUN

http://www.youtube.com/watch?v=Fo0bE5t2gdg

Aan xusno oon siino qiimaha ay leedahay.

Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynaha
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: