29 January, 2017

DHAMBAAL TACSI AH UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO , GEERIDA MARXUUM SAED AXMED GUULEED


INAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN. Waxaan tacsi u dirayaa xaaskii, tafiirtii, ehelkii, qarabadii, xigtadii, xigaalkii, iyo guud ahaan qaranka Soomaliland xukuumad iyo shacbiba geerida Maxuum SAED AXMED GUULEED. Si gaar aha waxaan u tacsiyadeynayaa Danjire Cabdifataax Saed iyo reer Axmed Guuleed, Jaaliyadda Somaliland ee UK iyo Gobalka Maroodijeex ee uu ka soo jeeday.
 
Marxuum Saed Axmed Guuleed, waxuu ahaa nin aan ka daalin taakuleynta reer Soomaliland gudo iyo debedba, isagoo ahaa oday ka hawl gala isku-xidhka bulshada iyo ka odayeynta arrimaha jaaliyadda. Waxuu ahaa nin af gaaban, qunyar socod ah, oon cidna dhibin. Nin Alle ka cabsi badan oo masjidka ku xidhan.

Alle waxaan marxuumka uga baryayaa dambi dhaaf, iyo inuu qabriga u nuuro una waasiciyo, kuna manaysto jannatul fardaws, dhammaanna ina waafajiyo samir iyo duco.

INNAA LILLAAH WA INNA ILLEYHI RAAJACUUN.

Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha JSL ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga,
samotalis@gmail.com
00252 634242077

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: