16 November, 2016

SOCDAALKII SAADAASHA WACAN...QAYBTII AFRAAD...MUSTASHAR AXMED CARWO

Qaybtii seddexaad waxaynu ku soo qaadanay socdaalkii Bristol qaybtii maalinnimo oo ahayd kulan haldoorka Jaliyadda iyo Kulmiye iyo kulankii Mayorka Bristol. Waxa xigtay xafladdii habeenimo iyo kulankii laamaha Kulmiye iyo wafdiga. Isla habeenkii maanu seexan ee waxaanu u gudubnay London oonu gaadhnay 3.30kii subaxnimo (3.30 am)

Subaxii balanku waa Golaha Barlamaanka London iyo meel aad nooga durugsan iyo xarunta Mayorka London ee Tower Hill. Saxmad xad dhaaf ah iyo Tower Bridge oo xidhnaa waxay naga qaadatay saacado siyaada ah oonaan ku talo gelin. Waayo waxa noo qorsheysan kulan iyo casuumad ballaadhan oo Jaaliyadda Burco Bari nagu sharaftay oon is lahayn u soo nasta.

Waxa na qaabilay xubin ka tirsan xildhibaanada barlamaanka London, ma aha kuwa degaanka ee waa London Assemble. Waxa albabka hore naga kexeeyey Unmesh Desai AM, iyo Abokor Ciise oo ah muwaadin aad u uga hawl gala arrimaha xisbiga iyo qarankaba oo isagu booqashadan noo diyaariyey. oo si kal xaadhan oo diiran noo qaabilay. Waxuu Mudane Desai nagu soo wareejiyey dhismayaasha xarunta iyo hoolalka shirarka oo kala mug iyo qaab duwan . Intaas dabadeed waxa noo bilaabantay shir muddo dheer qaatay oo Guddoomiyahu ka waramay arrimaha dalkeena, taariikh, dhaqaale iyo kaalinta ay kaga jirto la dagaalanka argagixisada iyo tahriibta iyo waxaa aanu ka rabno dunida ay ugu horeysa xaqqa qarannimo eenu shuruud kasta buuxinay. Mr. Desai waxuu noo caddeeyey kaalinta Jaaliyadda Somaliland kaga jirto doorashadiisa iyo dhismaha magaalada London iyo barlamaankeeda. Waxuuna sheegay inay qaadan doonaan oo uu hormood ka noqon doono in ictiraafka Soomaliland iyo qadyadeeda la hor geeyo Barlamaanka London iyada oon ognahay in goloyaal deegaan aqoonsadeen.

Guddoomiye Muuse biixi waxuu guddoonsiiyey shahaadad sharaf xisbiga Kulmiye uu ku sharfay kaalinta uu kaga jiro Mr. Desai qarannimada Soomaliland.

Waqtigii iyo saxmaddii oo aad u sii korodhay, waxaanu qaadanay inayna nasasho jirin, ee shirka caawa oo ka dhacaaya isla Bariga London aanaan Galbeedkii iyo Hotelkii ku noqon. Waxaanu ku sii nasanay madcam Turki ah. Deedna waxaanu u boqoolnay Bariga Fog ee London, waa casho sharaf ay nagu casuumayn Jaaliyadda Bariga Burco, WAxa joogay boqolaal muwaaadin oo Suldaan leh, oo Xildhibaan Guurti leh, oo Caaqil leh, oo xildhibaano degaan leh odayaal iyo haldoorkii bulshada.

Waxay dhammaan ka hadlayn doorka ay ku lahaayeen guushii xisbiga iyo kaalinta maanta ooy si cad ku balan qaadeen inay ka sii korodho mmoyaane inayna hoos u dhacayn. Guddoomaiyha ayaa dhankiisa u mahadnaqay bulshada Bariga Burco ee degaankoodu yahay afarta Gobal ee lixda Gobal ee hore ka tirsan, Caasimaddana maanta ku leh degaan muhiim ah. WAxuu Guddoomiye Muuse sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo taageerada bulsho weynta Burco Bari oo aanu marna ka shakiyin, meel ay joogaanbana ay u muujiyeen kalgacal, abaal iyo taageero buuxda.

Waxay ahyd habeen farxadeed oo guushii hore ee kulmiye lagu xidhiidhiyey guusha soo socota Insha Allah, loona arkay in tiirarkeedu ay ku qotomaan  xidid dheer oon baacooda dabaylo leexin karin. Bulsho xisbinimada aaminsan, oo mabda isu keenay iyo dhismaha qaranka iyadoo la sii xoojinaayo guulaha uu keenay Madaxweyne Axmed Maxamed iyo ambaqaadka siyaasadiisa midnimada iyo horumarku hagaayo.

Habeen kale iyo guure aanu la hoyanay farxad iyo reynreyn..

Guul iyo Midnimo

Mustashar Axmed Carwo

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: