05 July, 2016

LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA AXMED CARWO OO HANBALYADA CIIDA FIDRIGA 1437 U DIRAAYA SHACBIGA SOMALILAND IYO DUNIDA ISLAAMKA

LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA OO HANBALYADA CIIDA U DIRAAYA SHACBIGA SOMALILAND IYO DUNIDA ISLAAMKA


Ciid Mubarak. Ciid wanaagsan oo wacan. Alle heyna siiyo barakada ciida, henaga yeelo kuwa cibaadada Ramadaanka aan ku eekeyn. Alle heyna garansiiyo inaynu adduunkana uga shaqaysano sidee aynaan dhimanayn, aakhirna sidaynu hadda dhimanayno. Alle heynoo adkeeyo nabadda iyo wadajirka. Alle waxaan ka baryayaa in barteena nabad iyo horumar inagu siiyo, dunida Islaamkana sidoo kale ayaan ugu ducaynayaa.

Ciid mubarak dhammaan reer Somaliland, yar iyo weyn, wiil iyo gabadh, xaakim iyo shacbi. Alle henagu sugo sanado badan iyo soo noqoshada Ciida inagoo nabad ah oo ku nool barxad kheyr iyo badhaadhe ceegaago. Amiin.

Ciida is cafiya oo is-booqda oo issa salaama. Wanaaga is fara, xumaantana iska reeba. Isu dul qaata, tilmaanta wacan iyo toosinta soo dhoweeya. Xukuumadda iyo shacbigu wadajir how galaan hawlaha qaranka. Arrinteenu ha noqoto ciid iyo camal wadajira.

Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

SAMOTALIS@GMAIL.COM


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: