04 May, 2016

Mustashar Axmed Xasan Carwo, La-taliyaha Madaxweynha JSL ee Dhaqaalahu,waxuu dhambaal tacsi ah ka dirayaa geerida ju timid Marxuum Shide X Diiriye


Mustashar Axmed Xasan Carwo, La-taliyaha Madaxweynha JSL ee Dhaqaalaha, Ganacsiga, iyo
Maalgashigu, waxuu dhambaal tacsi ah u dirayaa  qoyska, tafiirta, qaraabada, ehelada xigto iyo xigaal iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland , geerida ku timi Marxuun Shide Xaaji Diiriye Faarax oo ku geeriyooday Hargeysa shalay taariikhdu tahay 03/05/2016.


Waxuu ahaa Ganacsade weyn iyo Sheekh tabliiqi ah. Waxaan xusuustaa yarantey sida uu ula shaqayn jiray Aabaha Alle ha u naxariistee. Waxuu ahaa nin shaqada ka caajisin, aamin ah oon isku hawlin waxaan dani ugu jirin. Waa nin if iyo aakhiraba u shaqaystay Alle ha ka abaal mariyo hana ugu naxariisto inta uu dan yarta ilaalin jiray. .

Mustashar Axmed Carwo waxa uu Alle uga baryayaa inuu Marxuumka ka waraabiyo jannadiisa Fardaws, ehel, tafiir, waalid iyo walaal iyo shacab weynha Somaliland gaar ahaana culumada diinta inuu waafajiyo samir iyo duco.. Aamiin….Aamiin….Aamiin.


Mustashar Axmed Xasan Carwo

samotalis@gmail.com
0044 7535447230


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: