07 May, 2016

DHAMBAAL TACSI AH OO UU U DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO REER AXMED DAAD" GEERIDA HABARYARTAY MARXUUMAD HIBO ABDI AHMED DAAD.


Mustashar Axmed Xasan Carwo La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha iyo Maalgashiga,  isaga

oo ku hadlaaya afka reer Cabdi Carwo iyo reer Gaaxnuug Cabdillaahi, waxa uu tacsi  u dirayaa qoyska,  tafiirta, qaraabada, ehelka iyo gaar ahaan REER Ahmed Daad iyo Reer Cali Gaas geerida ku timi hooyo Marxuumad Hibo Abdi Ahmed Daad  oo magaalada Cardiff ee U.K maanta 07/05/2016, ku geeriyootay. Waxaannu Mustashaarku si gaar tacsidaasi ugu dirayaa Ilma YUUSUF Cali Gaas, iyo tafiirtooda iyo reer Abtigay reer Axmed Daad iyo tafiirtooda.


Hibo waxay ahyd qoyskii ugu horeeyey ee Somali ah degana Cardiff iyada oo gurigeedu hooy u ahaa cid kasta oo safar ku timaado muddo dheer. Waxay ahyd wakiil aan daalin oon manfac iyo magac midna ka rabin hawsha ay bulshada u haysay.  Ruux cibaado badan; Ehel jecel oo naxriis badan.
Mudane Axmed Carwo waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo labada reer ee ay ka  baxdayna
waafajiyo samir iyo duco. Aamiin.

Mustashar Axmed Carwo
07535447230.

No comments: