04 January, 2016

Qunsuliyadda Dawladda Turkey-ga u Joogta Somaliland oo hab cusub u dejisay nidaamkacodsiga fiisaha (New Online Visa Application Process):

Qunsuliyadda Dawladda Turkey-ga u Joogta Somaliland oo hab cusub u dejisay nidaamkacodsiga fiisaha (New Online Visa Application Process):

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dawladda Jamhuuriyadda Turkey-ga ayaa soo saartay hab cusub oo lagu dalban karo fiisaha lagu galo dalka Turkey-ga taasoo si rasmi ah u dhaqangalaysa 5-ta bisha January 2016 sannadkan cusub.

Qoraal Qunsuliyadda Turkey-ga u joogta Somaliland ay usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa lagu caddeeyay nidaamka cusub ee codsiga fiisaha Turkey-ga sidan hoos ku sheegan:-

1.
Dadka u baahan fiisaha Turkey-ga ee aan qaadan karin fiisaha elaktarooniga ah/E-visa waxa laga doonayaa inay marka hore ku codsadaan fiisaha (Fiisayaasha dhammaan ujeedooyinka socdaal) si Online-ah iyagoo ka codsanaya mareegtawww.visa.gov.tr. (Ciddii u qalmi karta  fiisaha elaktarooniga ah/E-visa faahfaahintiisa waxa  laga heli karaa www.evisa.gov.tr/en/);
2.
Kadib marka uu qofku sidan sare u codsado fiisaha, wuxu booqanaya xarunta Qunsuliyadda Turkey-ga ee Hargeysa sida ballanta loogu qabto;
3.
Mudada codsiga ballanta ee Qunsuliyadda, codsadayaashu waa inay soo buuxiyaan dhammaan wixii shuruudaha ah, soona gudbiyaan wixii dhukmentiyo ama caddaymo qoraal ah ee la xidhiidha codsigooda;
4.
Codsade kasta waa inuu si shakhsi ah u dalbado ballanta fiisaha;
5.
Araajida fiisaha marka la aqbalo ayaa la bixinayaa lacagta fiisaha; haddii la diido codsiga fiisaha, dib uma heli karo qofku lacagtii uu bixiyay ee fiisaha;
6.
Dhammaan dadka codsanaya fiisaha waxa sidoo kale laga doonayaa inay haystaan caymiscaafimaad socdaaleed shaqaynaya (Valid travel health insurance) oo ku siman mudada la filayo inay joogaan ama sii dhaafayaan Turkey-ga (Intended stay or transit);
7.
Codsadayaasha iska yimaada Qunsuliyadda iyagoo aan ballan hore loogu samayn nidaamka Online-ka ah, lama aqbali doono, loomana adeegi doono;
8.
Dhammaan Fiisayaasha dalku galka Turkey-ga waxa soo oggolaata Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkey-ga, sidaa darteed, dadka fiisaha codsanaya waxa laga rabaa inay codsiyadooda gudbiyaan ugu yaraan ka hor afar todobaad xilliga la fili karo in lagu socdaalo  si looga badbaado wixii dhibaato ah;

Ahmed Arwo
063 4096421
Sent from my iPhone 

No comments: