13 January, 2016

La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha Mustashar Axmed Carwo oo Tacsi diraaya geeridda Mujaahid Maxamed Nuur Xandulle (Carab)

La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha Mustashar Axmed Carwo oo Tacsi diraaya geeridda Mujaahid Maxamed Nuur Xandulle (Carab)
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mustashar Axmed Xasan Carwo waxa uu dhambaal Tacsi ah u  dirayaa Qaranka Somaliland, Dawlad iyo Shacbi, si gaar ahna Tafiirtii, Eheladii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii, SNM iyo Xisbiga Kulmiye  oo uu ka tacsiyadaynaya Geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Mxamed Nuur Xandulle (Carab)  oo ku geeriyooday Hargeysa 12/01/2016,

Mustashar Axmed waxuu xusay kaalinta mugga weyn ee Mujaahid Carab Xandulle ku lahaa taariikhda halganka SNM iyo dhismihii qaranka  Somaliland, nabadeyntii beelaha, iyo dhismaha Xisbiyada iyo dimuquraadiyenta dawladda. Waxuu ku xusan yahay kicintii dadweynha Hargeysa, abuuristii UFFO, iyo mideyntii reer Hargeysa ee kacaanku rabay inuu kala qaybiyo.
Waxuu ahaa nin aanu iskuul iyo fasal wadaagnay, nin aanu waayo badan wadaagnay, nin aanu hadaf siyaasi ka mideysneyn. Mujaahid Carab waxuu ahaa xubin Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye ilaa bilowgii. Talada xisbiga iyo afkaarta soo martay marna kumaanu kala duwanaan. Nin mabda' adag, aaminsanaa ka midho dhalinta himmilooyinkii SNM, oo u ahayd halka uu ku go'aansado siyaasadiisa. Waxa kale oo uu ahaa Guddiga Dabagalka Xasuuqii Shacbiga Somaliland iyo Xubin ka mid ah Gudida Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuq Maasuqa.

Mustashar Axmed Carwo waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo, qabriga u waasiciyo una nuuro, Tafiirta, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii, SNM,  xisbiga Kulmiye, iyo Qaranka Somaliland, dawlad iyo shacbiba, inuu waafajiyo samir iyo duco. Aamiin yaa Al Raxmaan.

Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga
iyo Maalgashiga

eci.advisor@gmail.com

https://www.facebook.com/aharwo/

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: