16 December, 2015

MAXAA SABABAY MAXAA SE LAGU DAWEEN KARAA SICIR-BARABKA....AXMED CARWO, LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA

Waxa beryahanba dalka ka taagnaa sicir barar kolba kolka ka dambeysa sii
kordhayey. Waana mid aynu wax la wadaagno adduunka, wax badanina ay inaga inagu khaas tahay. Waa mid lagaga bixi karo xanuunkiisa inta badan iskaashi shacbi iyo xukuumad ka yimaada, bal se ay tahay inay aanu dawlad ahaan si wadajir ah uga hawl galno, shukaantana ay  u qabato xukuumaddu. Halkaas su' aal ayaa ku jirta oo ummaddeenu xukuumad iyo dawlad isagu si ayey u adeegsadaan. Aan qayaxo, ee xukuumaddu waa Golaha Fulinta, Dawladduna waa seddexda Gole ee Fulinta, Sharci-dejinta iyo Garsoorka iyo laamahooda oo dhan.

Mawduucan oo ah mid aad u baxad weyn, una qoto dheer aan kor xaadis ahaan af sahlan oo suuq joogu fahmo aynu ku bayaamino waxa looga jeedo sicir barar. Waxa ay tahay sicirka alaabta iyo mushqaayadda adeegyada oo kor u kaca muddo cayimin. Waxa lagu cabiraa alaabooyin isagu jira cunto dhar, iyo qalab kale oo loo arko daruuri ayna ku jiraan shidaalku oo dal waliba ku bilaabo qiime malintaas uu joogo, deedna bil walba la eego inta celcelis ahaan boqolkiiba kor  amba hoos u dhacday. Waxa la helaa tusaale loo yaqaan CPI (Consumer Price Index) oo ah ascaarta alaabadaas iyo adeegyadaas isku celceliska ah boqolkiiba inta uu ka joogo. Ayaan darro dalkeena weli taas lagama hirgelin. Inaynu nidhaahno sicir barar ayaa jiree mooyee, inta uu leeg yahay iyo kicidiisa boqolkiiba inta sanadka kacday amba bisha korodhay cilmiyan ma sheegi karno.
Waxan xusuustaa in Wasaaradda Qorsheyntu hawshaas laba sano ka hor gashay lama se joogteyn.

Cilmiga dhaqaalaha sicir-barabka waxa jiray hab loola tacaalo, dhawaanahan. waxa soo kordhay noocyo magacyo kale ku soo kordhiyey ooy ka mid yihiin  stagflation oo ah sicir-barar (inflation) ay barbar socoto Deflation ( Sicir hoos u dhac)..matalan sicir bararku badiyaa waxa la socda shaqaalaha oo badan, oo suuqa shaqada leysku eryo, mushaharku kor u kaco, sanadadan danbe iyadoo sicir-barar jiro ayey wehelisaa shaqo la' aan baaxad weyni. Taas oo ka dhigta daaweynte mid kiniino badan oo is burinaaya lagu dabiibo. Waayo daaweynta sicir bararka waxa badiyaa ka dhasha shaqo yareyn. 

Yaanan idinla gelin badweynta dhaqaalaha ee aan dib u fadhiisto oon keena u soo noqono.
Badiyaa sicir bararka waxa keena laguna dabiibaa aan ku soo uruuriyo laba siyaasadeed oo mid waliba leedahy qaybo xoog ah oo u baahan in iskood loo eego:
1- Lacag badan oo suuqa qasha, iyadoon ayna kordhin badeecaddii iyo adeegii suuqa yaalay.Waxaa saameyn ku leh siyaasadda lacagta (Monetary Policy) oo ay (ka mid tahay siyaasadda Bankiga Dhexe ee dulsaarka amaahda (Interest) iyo kaydka Baananka (Bank Reserves) iyo sarifka lacagaha qalaad.
2- Siyaasadda Cashuuraha (Fiscal Policy). Cashuurta dadban ee badeecadda oo kor loo qaado, waxay kicisaa ascaarta. Cashuurta tooska ah ee mushaharka iyo macaash macaashka laga qaadaa waxa lagu sifeeyaa lacag dhaqaalaha bulshada u qaybisa oo waa qaniga ka qaad oo faqiirka wax ugu qabo amba sii..iyadu sida kale ayey u shaqaysaa oo kolka la kordhiyo sicir bararku wuu yaraadaa. Waayo waxay toos u taabata jeebka muwaadinka cashuur bixiyaha ah. Waayo shilin kasta oo cashuur ahaan loo qaaday ma galo jeeb muwaadin kale.
Afeeftaas dabadeed aan bayaamiyo tan goonida inoo ah ee dalkeena curyaamisay:
1- Waa lacagta doolarka oo noqotay lacagtii dalka teynina noqotay lacag ajnibi ah. Waxa ayaan darro weyn ah in xukuumad iyo shacbiba ayna kalsoonidii lacagteena aynaan siinin. Wax walba waxa lagu iibiyaa waa doolar. Haddaad doolarka haynin waxa loo bedelayaa shilin sida uu shilinku yahay tii ajnabiga ahayd.
  • Waxa cashuuraheena, leysamada, ganaaxyada iwm dhammaan lagu sheegaa doolar, taasi waa  tan xukuumad iyo barlamaanba meel mariyeen.
  • Qandaraasyada iyo iibka xukuumaddu waxuu yahay mid doolar ah, sidoo kale afka miisaaniyadda lagu sheegaa waxaa u asal ah doolar. 
2- Waxa soo raacday lacagta ZAADka oo u dhaqanta sida Credit Card oo ah lacag suuqa si xooli ah u gashay. Ogow in lacagtaasi tahay mid aan meel fadhiyin ee ay tahay mid wareegeysa. Haddii lacagtaas mar qudha la wado doono, waa sida Baananka oo lama heli karo. Kolka isticmaalkeedu kordhaba waa lacag cusub oo suuqa gashay.
  • Lacgtan wax kayd ah oo Bankiga dhexe ka qaaday ma jirto, si uu u xakameeyo sicir bararka waxa Bankiyada dhexe ay maamulaan kayd marna ay kordhiyaan marna ay dhimaan ooy ka qaadaan Bankiyada iyo Hayadaha la shaqada ah.
TALOOYIN IYO DAAWEYN.

Arrimahan la xidhiidha dalkeenu, waa iyada oo shaqo la'aan jirto ayey haddana ina hayaa sicir barar, daaweynteeduna waa laba iska hor yimaada , hase yeeshee waxaan u arkaa keyna mid macmal ah oo la farsameyn karo, walow waqti iyo juhdi u baahan yahay. Sicir bararkeenu waa mid aynu si sahlan gacmaheena ugu sameynay.

1- Sharci aan lagu dhaqmeyn waa inaan la sameyn. Waayo waxa ka abuurma sharciga oon laga baqan iyo isagoo ilka beela oo sahayda shuruucda oon la ixtiraamin. Waa in laga fiirsadaa oo lagu sar jaraa awoodeena aqooneed, kartideena, iyo fahamka bulshada iwm
2- Waa inaynu hirgelinaa isticmaalka shilinka ooy hormood ka ahaataa xukuumaddu. Waa in cashuuraha, leysamada, ganaaxyada, fiiyada jaamacadaha, iskuulada, tigidhada dayuuradaha iwm dhammaan lagu sar jaraa shilinka lagu bixiyaa shilinka, lagu qaadaa shilinka bes, aan marna afka la soo marin lacag kale. Taas waxa xigi doona in ganacsatada iyo bulshada laga mamnuuco dukaameysiga aan ahyn shilinka.
  • Waxaan u soo taagnaa lacagta baabur wareejinta oo leygu yidhi doolar ku bixi. Sidoo kale ayaa leysanka baabuurta iyo cashuurta wado-marinta ay ku salaysantay doolar. Waxaas oo dhan waa in lagu bedelaa shilin oon lacag ajnabi la ag dhigin.
  • Wakaaladda Biyaha oon moodaayey in shilinka keliya wax lagu qaado. Waxa ka dhex furan shaqaalihii oo qaar noqdeen sariflayaal, ciddi doolar la tagta ka qabata.
Ogow kolka dhaqaalaheenu kordhaba in baahida doolarku kordheyso illeyn iyadaa wax lagu iibiyaayey. Taas oo ka dhigeysa in dalabka doolarku mar walba kordhaayo, oo sababaysa qiimo dhaca shilinka. Ma jirto dunida dal labaad oo dhaqankani ka socdaa.

3- Sarifka doolarka waxa sar gooya tiro yar oo jumladley ah ee ma aha suuq xor ah oo sariflayaasha debedda fadhiyaa qaarna kuwaas ayey u shaqeeyaan qaar habeenkii ayey dib uga iibiyaan jumladyaasha. Kaalintaasi waa tii Bankiga dhexe.
  • Waa in la xoojiya Bankiga Dhexe si uu u qaato waajibaadka dhaqaalaha ka saaran. Waa inuu helaa awood uu suuqa sarifka ku maamuli karo ( Open Market) sidoo kale waa in sharci laga sameeyaa ZAADka oo u dhaqmaaya sida Credit Cardka amba kaadhka amaahda, iyo awood uu ku hanto in Baananku ku soo xareeyaan Bank Reserve..kaydka baananka oo uu isagu kolba uu ku sar jaro la-dagaalanka sicir bararka iyo qiimaha lacagta.
  • Wasaaradaha, Wakaladaha, Dawladaha Hoose, iyo Hay'adaha xukuumaddu iyo Golayaasha Barlamaanka dhammaan waa inay xisaabtooda bankigu ahaataa Shilin bes ooy ka furnaantaa Bankiga Dhexe oo keliya.
  • Xisaabaaadka Bankiyada Ganacsig ee loo yaqaan Current Accounts dhammaan waa inay ahaadeen Shilin. Waa inaanu jirin jeeg aan ahyn Circular Cheque Baananku bixiyaan oo lacag ajnabi ahi. 
4- Waa inaynu helnaa lacag waraaqo ah oo jeebka lagu qaadan karo. Taas waxa weeyaan inaynu daabacno waraaqo 10.000, 20kun ilaa 100kun ah. Ogow dalal badan ayaa waraaqahoodu sidan yihiin sida Biljigii hore, Jabaanka iyo Chineska.
  • Taas bedelkeedu waa tii aynu hore u samaynay ee ahayd inaynu 100 shilin hal shilin ka dhignay. Taasi wa lacagta oo dhammaan la bedelo waana mid khrash badan oo hawl badan. Waxa ka habboon inaynu daabacno waraaqo lacageed ilaa 100kun ah oo ah tan kor ku xusan.
  • Waxa loo baahan yahay in la dhiirigeliyo isticmaalka Bankiyada oo weliba la abuuro Baan Ganacsi oo Dawladdu leedahay amba Baan saamiley ah oo bulsho dhan u furan oo saamiga laga dhigo ilaa 10 doolar, kuwa hadda jirana laga dhigo Baanan saamiley ah oo bulshada dhammaan u furan.
5-Lacagta qurbojoogu soo diro iyo lacagta dheeriga ah ee muwaadinku haysto waa in loo helaa hab dhiirigeliyaa inay qayb ka qaataan kaydka dhaqaale iyo maalgashiga. Dadkeenu maanta wax yar ooy meel dhigtaan ma leh, waayo meel ay dhigtaan ayaan jirin. Waa in la helaa hab loo fududeeyo abuurista shirkadaha saamileyda ah oo qof waliba ilaa 10 doolar gashan karo iyo wax ka yarba.
  • Waxa aynu ognay in maalgashiga ugu badan ee qurbojoogu yahay dhulka oo sicirkiisu ka qaalisan yahay magaalooyinka dunida ugu qaalisan. Waayo ma hayaan meel kale ooy wax ku duwadaan. Lacagtaasi dheeriga ah ee meel la dhigto la la' yahay qayb weyn ayey ka tahay sicir bararka.
  • Waa in la sameeyaa sharci dhammeystiran oo la xidhiidha dhismaha shirkadaha iyo kormeerkeeda, iyo hay'addii ilaalin lahayd.
6- Qorshaha dhow, dhexe iyo fogba waa in diirada la saaraa sida loo dhimi lahaa kaalinta ay cashuuraha dadbani (Indirect Tax) kaga jiraan dakhliga xukuumadda. Taas bedelkeed waa in kor loo qaado soo uruurinta caashuuraha tooska ah ( Income Tax) si loo helo nidaam cashuureed oo ku dhisan cadlaalad bulsho (Social Justice), isla markaasna kow ka noqonaaya la dagaalanka sicir bararka iyo maamulka iyo maareynta lacagta.
  • Tani waxay u baahantay tayayeynta shaqaalaha cashuuraha iyo hanti-dhowrka. Waa in la helaa shaqaale aqoon xisaabeed leh oo qiimeyn kara dakhliga gancasatada, iyo muwaadiniinta haysta mehnadaha xorta ah.
  • Sidoo kale waa in la helaa sharciyo tafatiran oo la xidhiidha cashuuraha nooc kastaba, kuwaas oo toos u sheegaaya ciqaabta ay leedahay cashuur bixin la'aantu. 
  • Waa in la helaa hantidhowr iyo xisaabiyaale licence leh oo sanad walba lagu waajibiyo in ganacsatadu soo diyaariyaan xisaab xidh ay ka soo ansixiyeen hantidhowrka madax banaan. Taasna waxa loo baahan yahay in sharcigeeda laga hawl galo. Waxay shaqo u furi doontaa dhalinyarada badan ee mihnadan soo bartay.
7- Iyadoo ay badan yihiin arrimaha la xidhiidha sicir bararku, aan maanta idinku dhaafo qodobkan oo ah in la helo CPI (Consumer Price Index) oo ah tilmaame ka kooban ascaarta alaabta inoogu muhiimsan celcelis ahaan oo la boqoleeyey, si aynu dhab u ogaano sicir bararku kolba heerka uu joogo.

Mawduucan oo aad u ballaadhan waxaan ku eegay il-shimbireed ee waxaan ka tegey iyo waxaanan si wacan idiinku iftiimin, raaligelin ayaan ka bixiyey. Talooyinka faahfahintooda iyo qaar gaar ahba iyada waxaan u xidhay xukuumadda aan la-taliyaha u ahay. Waa iga baraarujin iyo xadiga hawsha inoo taal leeg-tahay iyo baahida loo qabo inaan arrintan la siyaasadeen ee xisbiyo, xukuumad iyo dadweynaba aynu wadajir uga hawl galno. 

Dabcan mas'uuliyadda kowaad waxa leh xukuumadda, hase yeeshee damqasho ayey leedahay daaweynteedu, taas hadday mucaaridku siyaasadeeyaan bulshadana war dusha ka malabeysan la siiyo, hoostana dacar ah, waa iinta dimuquraadiyada oo xukuumaddu ku dhiiranmeyso.

Sidaas iyo Wadajir
Guul iyo Gobannimo

Mustashaar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga.

eci.advisor@gmail.com


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: