24 May, 2015

WAR-SAXAAFADEED..MADAXTOOYADA SOMALILAND MAGACAABIS....

Date: - 24 /05 /2015
WAR-SAXAAFADEED


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3319/052015  uu ku magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:                     Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:                     Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:            Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;
Markuu Aqoonsaday:       Baahida weyn ee loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;
Markuu ku Qancay:                       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Isku Qanciyey:     In uu hanan karo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;
Wuxuu Go’aansaday
In Mudane, Aadan Xaaji Cali Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.




MAGACAABIDA WAKIILKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND U FADHIYA DALKA ITOOBYA

Madaxweynuhu:-


Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya.


ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL,
ahna ku simaha af-hayeenka Madaxtooyada JSL.



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: