01 May, 2015

Talooyin Horumarinta Dhaqaaalaha- 2







Waxaad jeceshay ood muddo ku dadaalaysay kolka la helo waa mahad Alle iyo guul. Muddo dheer ayaan ka talinaayey oon ka hawl galay in Zaadka iyo iibsiga suuqu noqdaan lacagta dalkeena. Hanbalyo ayaan leeyahay Wasiirka cusub ee Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe ee arrintan muddada taagnayd ku dhaqaaqay.

Waxay wax weyn ka tari doontaa la dagaalanka sicir bararka oo hore aan ugu jirin gacanta xukuumadda. Waxayna karaamadu u soo noqon doontaa lacagteena ajanabiga ku ahayd dalkeeda.

Waxa iyana u baahan wax qabad degdeg ah isku xidhka telefoonada oo lid ku ah suuqa xorta ah iyo ikhtiyaarka macaamiisha. Waana mid muddo dheer taagnayd una baahan dhaqaajin dhab ah. Khasaare weyn ayaa bulshada iyo xukuumaddaba arrintan ugu jira. Ha loo eego danta guud

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: