26 May, 2015

Mustashaar Ahmed Arwo:Talooyin Horumarinta Dhaqaaalaha- 6







Maanta waxa aynu diiradda saari doonaa cashuuraha hadafka gaarka ah laga leeyahay. Waxaa ka mid ah cashuur dhaaf loo sameeyo maalgashiga shisheeye oo la siiyo muddo aanu cashuur bixin (Tax Holiday), waxa iyana jirta qaar lagu hormariyo goballo gaar ah oo leysku dheelitraayo horumarka dalka, iyadoo iyana muddo cidda maalgashanaysa laga dhaafo cashuuraha.

Waxa soo raaca kuwo la xidhiidha caafimaadka iyo fayo-dhowrka ( Environment) sida sigaarka, qaadka iyo baansiinka oo dunidu aad u saarto cashuuro khaas ah si isticmaalkooda loo yareeyo.



Waxa la mid ah qalabka warshadaha iyo gaadiidka bulshada iyo beeraha, ceelasha, baraakaha, iyo dhammaan waxii toos nolosha dadka daruuri u ah oo iyaga dhinac kale laga eego oo ah dhimis amba dhaafidba.



Dabcan cashuuruhu waxay yahay qaar ka turjumaaya duruufaha dalka iyo siyaasadda xukuumadda kolkaas dalka ka talisa , sidaas darteed waa inay ku salaysnaataa qorshaha qaranka mid dhow iyo mid fogba, iyadoo sawir dhab ah ka bixinaysaa stratejiyada xukuumadda oo muraayadda lag daawanayaa tahay miisaaniyadda. DAAWO TAFAASIIL



https://www.facebook.com/aharwo?ref=hl



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: