21 May, 2015

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dalacsiiyay saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada qaranka iyo ciidanka asluubta.




Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo
    ayaa dalacsiiyay saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada qaranka iyo ciidanka asluubta.
Ma jiro war saxaafadda loogu tallo galay oo lagu shaaciyay dalacsiinta saraakiishan, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiiyay in Madaxweynuhu uu shalay dalacsiiyay laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka qaranka iyo sarkaal ka tirsan ciidanka asluubta.
Sida ay xoguhu sheegeen saddexda sarkaal ayaa kala ah:
1. Gaashaanle sare Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo loo dalacsiiyay sareeye guuto. Sarkaalkani waa taliyaha hawlgelinta ciidanka qaranka Somaliland.
2. Gaashaanle sare Xasan Cali Cawad, waxa loo dalacsiiyay sareeye guuto, waana taliye-xigeenka ciidanka asluubta
3. Gaashaanle sare Cabdi Xirsi Ducaale, waxa loo dalacsiiyay sareeye guuto, waana abaanduulaha ciidanka qaranka Somaliland.
Sida uu warku sheegay Madaxweyne Siilaanyo ayaa darajaooyinkan dalacsiinta ah bixiyay ka bacdi dabaal-degii maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May.

No comments: