19 May, 2015

HANBALYO IYO BOGAADIN KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA IYO MAALGASHIGA MUDANE AXMED CARWO

Waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa shacab weynha Soomaliland yar iyo weyn, rag iyo dumar, qurbojoog iyo dal joog, miyi iyo magaalo, mucaarid iyo muxaafid gaar ahaan hoggaanka dalka ee u hormoodka u yahay Madaxweynha Axmed Maxamed iyo Kuxigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici iyo qoyskooda, Shir Guddoonka Labada Gole Guurtida iyoWakiilada iyo Hoggaanka Xisbiyada Qaranka, La-taliyaasha Madaxweynha, Golaha Xukuumadda , Ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha xukuumadda dhammaan. Waxaan leeyahay ku ciid caafimaad, nabad iyo horumar.

Damaashadka dadkeenu waa astaan muujinaysa dal jaceyl dhab ah iyo ummad u darban danta guud, ilaalinta qarannimo iyo difaaca dalka. Waxay u quus gooysay in badan oo kolka khilaaf dimuquraadi ihi ina dhex maro u qaadata in ay cadaawadooda inagu soo dhex tuuri karaan. Inta wanaaga inala jecel waxay ka goysay nabar ku taagnaa, qurbojoog badan oo jaceylka dalku nugleeyey, waxay ka daweysay walaac iyo werwer ay la seexan waayeen.

Dal ma burburo dadkiisu sidan u jecel yahay, cadow ma dhexgalo ummad u soo jeeda danta guud, khilaaf daawo looma waayo kolka dadku ka horeysiiyaan danta guud danta gaaban ee gaarka ah.

Sanadkan waxa yaraa wufuudii dalka ka iman jirtay, iyo xataa kuwii gudaha loo diri jiray, jaaliyad waliba iyadaa is maamushay, tuulo waliba iyadaa si meereysay, magaalo waliba iyadaa isku tashatay. Waxa muuqatay inay nidaam ahaan iyo tiro iyo tayaba ka fiican tahay kuwii hore kolkii dadka loo daayey tooda. Alleele waa tijaabo lagu guuleysatay.

18 May xukuumadi ma leh, gobal ma leh, kooxi ma leh, waa maalin qaran, waa malin midnimo, waa dharaar caruur iyo ciroole aynu muujinay dal jaceyl jaarkeena ku yar, lana odhan karo inagaa dunida ugu horeyna.

Nin aanu saaxib nahay ayaa email ii soo diray..waxu yidhi xaaskeygii ayaan fariin u diray waxaan ku idhi...waxaan kuu jeceley sida reer Soomaliland calankooda u jecel yihiin, waxaanan sacadaha aad iga maqantay u tirsadaa sida reer Soomaliland maalinta 18 May ay u tirsadaan...Waa dhab inaan dunida sida aynu calanka ugu labisano ayna cidi inagu gaadheen, iyo dabaaldegga maalinteena 18ka May.

Ha noolaato Soomaliland, faataxadana u mara oo u ducee intii u dhimmatay soo celinta xornimada iyo intii gumeysigii Yurub inaga xoreysay. Ducada u raaci in Alle Soomali mey ay joogtaba siiyo nabad iyo horumar, Islaamka guud ahaana ka bakhtiiyo colaadaha meel walba ka holcaaya.

Guul iyo gobannimo
  
Ahmed Hassan Arwo

https://www.facebook.com/aharwo

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: