18 March, 2015

Waa Taxanihii Talo, Tilmaan, Tusaale iyo Toosin- 14



Marka laguu marag furo maragaa ha jiro ayaa la yidhaahdaa. Waxa wiigan la ansixiyey ajandihii kalfadhiga Golaha wakiilada ooy kow ka yihiin laba qodob oo toos ula xidhiidha doorashooyinka si gaar ah kan Golaha wakiilada. Dahowr qaybood oo taxanahan ka mid ah ayaan idiinku sheegay inaan sharcigii doorashada wakiiladu aanu jirin. Haddaba muwaadin ma kuu cadaatay sababta ugu weyn ee dib u dhacu inay tahay sharciga oon dhisnayn. Maanta aynu dhammaan ka hawlgalno oo ha la baahiyo sharciga yaan inta la qarsado kolka la ansixiyo laga hadlin, xiliga laga doodaa waa imika, cid hadal haysaana ma jirto.awoowgay Faarax Nuur ayaa laga hayaa Arab sidaan ka wado weynahaan wax ugu sheegaa, ana ummaddeena waxaan wax ugu sheegaa sidaan keli waalid u ahay. Ma shaqaynayso ee aarimahani ma kala leh muxaafid iyo mucaarid ee badka ha la soo dhigo oo aan ka doodno, si waafaqsan dastuurka dalka iyo xuquuqda muwaadinks. Waa sharcigaan tobanka sano sugaynay ee aan saxno oon ka dhigno mid dhaxal gal ah oo dhammaan ina anfaca

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: