03 March, 2015

Waa Taxanihii Talo, Tilmaan, Tusaale iyo Toosin- 11







Dad islaam ah ayeynu nahay risiqa iyo shaqada waxay ku yimaadaan qadarka Alle.Aqoonsiga arrintani waa rukun ka mid ah arkaanta iimaanka. Damac iyo dadaal ayeynu la nimaadnaa, iyo talada oon Alle u deynu. Laakiin waxii qadarka Alle amro ayuu qalinku qabtaa. Waa gef inaad qof ku nacdo waxaan Alle kuu qorin...... Qabyaaladu waa geed jirid keliya ayaa laamo badan leh laan walibana waxay leedahay caleemo ka sii badan, kolkaad badisaba inta baahan ayaa badanaysa oo cid kuma raaligelin kartid kuraas la kordhiyo, adoo jirid jirid u qaybiya oo soo yareeya ayaa ka hadal yar.



Waxaan qabaa cidda keliya ee ay ahyd in Wasiir la siiyaa inay ahayd beesha Gabooye. Waanan ka xumay in saaxiibkey La-taliye Barkhad is-casilo, waxay ahyd inuu gudaha nala joogo oo halganka uu gudaha ka wado, samir iyo dhabar-adeeg ayaa guusha dhaliya.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: