14 March, 2015

Shaandheyntii labaad ee xukuumadda.


 

 

Date: - 14/03/2015

 

WAR-SAXAAFADEED

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3082/032015, uu ku magacaabay saddex wasiir, laba wasiiru-dawle, agaasime guud, Gudoomiyaha banka dhexe, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka hawd iyo Maareeye ku xigeenka Wakaalada Biyaha, isla markaasina xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday saddex masuul oo kale.

 

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagadaWasiirada Wasaaraddaha Warshadaha, Waxbarashada, Beeraha, iyo Wasiiru-dawlayaashaWasaaraddaha Macdanta iyo Tamarta, iyo Biyaha eeJamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

 

Markuu ku Qancay:In ay hanan karaan xilalkanloo magacaabay;

 

Wuxuu go'aansaday

 

 

1

In Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, (Bedel) hore wasiirkii Wasaaradda beeraha

2

In Mudane, Shucayb Maxamed Muuse, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

3

In Mudane, Maxamed Aw Daahir Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland

4

In Mudane, Maxamed Faarax Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland

5

In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

6

In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland

7

In Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland

8

In Mudane, Cismaan Cabdilaahi Hirad, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa

9

In Mudane, Warsame Faarax Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

Ujeedo:Xil ka-qaadis

 

Ku:Mudane, Cabdi Dirir Cabdi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe ee JSL

Ku:Mudane, Khadar Xasan Xirsi, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Hawd ee JSL

Ku:Dr. Cismaan Xuseen Warsame,  Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka.                

 

Mudaneyaal,

 

 

Waxaan aad idinku mahadinayaa muddadii aynu soowada shaqaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

 

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkaGuddoomiyaha Baanka Dhexe, Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Hawd iyo Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalkaasi aad hayseen Masuuliyiinta kor ku xusan ee aan xilalkaa iyaga ah u magacaabay.

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
  Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Ahmed Arwo
Sent from my iPhone 

No comments: