25 March, 2015

La-taliyaha Dhaqaalaha, Gancacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Ciidamada Qaranka Somaliland.



La-taliyaha Dhaqaalaha, Gancacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Saddexda Ciidan qaran gaar ahaan ciidanka Booliska,  oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid ALLE ha u naxariistee taliyihii hore ee Ciidanka Booliska  Marxuum   Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) oo maanta 25/03/2015 ku geeriyooday Dalka Talyaaniga.

Sidoo kale waxuu  tacsi taa la mida u dirayaa, Madax-dhaqmeedka Awdal iyo Salal, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.
Marxuumka oo markii u danbaysay ahaa Suldaan ka mida sulaadiinta Somaliland, waxuu safka hore kaga jiray nabadeyntii beelaha Somaliland iyo dhismaha qaranka Soomaliland, isagoo kaalin muuqata mar walba kaga jiray dhismaha dalka marxalad kasta ooynu soo marnay.  

waxaanu La-taliyahu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland,  Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: