19 February, 2015

Mowqifka Xisbiga Kulmiye ee Doorashooyinka

GUDDOOMIYAHA KULMIYE:          19/02/2015

Shirkii todobaadlaha ahaa ee Golaha wasiirada Xukuumada Somaliland ee maalinta khamiista ah lagu qaban jiray qasriga madaxtooyada Somaliland, oo ay maanta kala qaybgaleen hogaanka Xisbiga talada haye ee Kulmiye, ayaa halkaasi ka soo jeediyey Mawqifka Xisbiga Kulmiye ee la xidhiidha Doorashooyinka.
Waxaana shirka sidii caadadu ahayd gudoominaayey oo furay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo,  oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan CabdilaahI isMAACIIL Saylici, waxaana ku xigay Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Waxaanu u dhignaa nuxurka qoraalkaasi uu gudoomiyuhu akhriyey Sidan:-

Mudane madaxweyne

Waxa inoo  farxada inaan maanta halkan ku kulano oo cidwalba u cadayno mowqifka xisbigeena ee doorashooyinka.

Dimuraadiyadu waji gaar ah ayey u leedahay dal kasta iyo dadkiisa , sababta oo ah waxa ay ka soo dhexbaxdaa habka dhaqan-dhaqaale, diimeed, taariikheed iyo isdhexgalka bulsho ee ummad waliba leedahay.

Kulmiye wuxuu ku dadaalayaa in uu ku dhaqmo tiirarka dimuqraadiyada ee faa iidada inno leh. Laba kamida tiirarkaasi waa:-

1. In golayaasha qaranka iyo Dawladaha hoose ku yimaadaan xafiiska doorasho xor ah, isla markaana u hogaansanaadaan rabitaanka codbixiyeyaasha

2. In la helo doorashooyin hufan oo ku qabsooma wakhtigoodii

Hadaba xisbiga iyo xukuumadu, gaar ahaan madaxweynuhu isaga oo arrimahaa ka duulaya waxa wakhtigoodii ku fuliyey hawlihii kaga aadanaa doorashooyinka, kuwaasi oo ahaa sadex qodob.
1. Dhamaystir sharci
2. Magacaabida GDQ
3. Dhaqaale

Intaa waxaa dheer in madaxweynuhu u qoray daneeyayaasha doorashooyinka warqad uu ku muujinayo u diyaargarowga doorashooyinka (latter of commitment) 17/11/2013.

Waxaa hubaal ah in madaxweynaha ka gudbeen qodabadaasi wakhtigoodii, waxaana la ogyahay in ay ku xanibmeen xafiiska gudoomiyaha wakiilada oo isagu qayb wayn ku lahaa fulinta sadexda qodob.

Mawqifka kulmiye

1.  In komishanku leeyahay awooda wakhtiga doorashada la qabanayo
2. In kulmiye uu diyaar u yahay doorashada, galaayana marka komishanku iclaamiyo
3. Hadii doorashadu dib u dhacdo xisbiyada qaranka laba arrimood oo keliya ayaa la gudboon, kuwaasi oo kala ah.  

maxaa innaga khaldamay? iyo sidee ugu fiican ee doorashada u qabsanaa, labadaana waxaa loo raacayaa sharciga, midna waa biyo kama dhibcaan ee ha la ogaado, cidkasta oo dood qabtaa waa in aanay ka bixin xayndaabka  sharciga

Hadiii doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomiwaydo hawlaha qaranku, waxa ay u soconayaan sidoodii, iyada oo la raacayo sharciga dalka u degen.

Xisbiga kulmiye caad kama saarna in fikradaha iska hor imanaya iyo  baanisuhu yihiin dabeecadaha hannaanka xisbiyada badan, hase ahaatee waxa iyana ka mid ah dhaqanka dimuqraadiyadda in isu caqli celin iyo isqancin lagu gaadho talo la isla qaato.

waa taa bisaylka siyaasadeed ee danta guud ku jirtaa, waa aragtida kulmiye ka duulayo ee ku maaraynayo hawlaha qarankan naf iyo maalba loo soo huray .

    Muj. Muuse Biixi Cabdi
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: