29 December, 2014

War-Gelin: Aaska Xoghayihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA)


Guddida Qabanqaabada Aaska Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax Caalin, waxay dhamaan ehelada, Qaraabada iyo dhammaan ummadda reers Somaliland ku wargelinayaan in maalinta Beri ah ee Salaasada 30/12/2014 abaaro 11: 20 dumhurnimo meydka Marxuum Maxamed-Rashiid la keeni doono Madaarka Hargeysa, isla markaana si toos ah Madaarka looga qaadi doono Xabaalaha Xeedho ee waqooyiga Magaalada Hargeysa oo lagu aasi doono.

Haddaba waxaa la ogeysiinayaan ehelada, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan ummadda reer Somaliland ee ka qayb-gelaysa Aaska Marxuum Maxamed-Rashiid, ay si toos ah u tagaan Xabaalaha Xeedho, halkaas oo meydka toos loo geyn doono, isla markaana duleedka Xabaalaha lagu oogi doono Salaatu-Jinaasadda.

Rabi Naxariistiisa Janno ha ugu deeqo Marxuumka Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax, Xogyihii SOLJA, isla markaanalabaatankii sannadood ee u dambeeyayba u soo halgamayey, door hoggaamineedna ka soo qaatay Madax banaanida Saxaafadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh

Cabdifataax Maxamuud Caydiid

Muuse Faarax Jaambiir

Aadan Cabdi Ciidle



No comments: