03 June, 2014

War-Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilanyo Oo Xilkii Si Kedisa Uga Qaadey Wasiir Ka Mida Golahiisa Wasiirada+Sababtuu U Cuskadey Xilka-Qaadistiisa

War-Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilanyo Oo Xilkii Si Kedisa Uga Qaadey Wasiir Ka Mida Golahiisa Wasiirada+Sababtuu U Cuskadey Xilka-Qaadistiisa
War-deg deg ah: Madaxweyne Siilanyo oo xilkii si kedisa uga qaadey wasiir ka mida Golahiisa wasiirada+sababtuu u cuskadey xilka-qaadistiisa



Hargeisa-- Madaxweyne Siilanyo ayaa wareegto uu soo saaray goor dhaweyd xilkii wasiirnimo ka qaadey Wasiirka Wasaarada xidhiidhka Golayaasha,cilmi-baadhista iyo Teknoololjiyada Adan Axmed warsame sababo uu wareegtada ku cadeeyay.Wareegtadii oo dhamaystiranina waxay u dhignayd sidatan:-

Ujeedo: Xil-ka Qaadis
Ku: Mudane, Aaden Axmed Warsame,

Mudane, Ka-dib dhibaatooyin iyo cabashooyin is daba jooga ah iyo hufnaan la’aanta shaqo ee aad ka muujisay xilka aan kuu magacaabay. Haddaba, xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.




ALLAA MAHAD LEH


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: