15 June, 2014

Soomaali dilal geystay oo lagu xakumay maxkamad ku taalo Dalka Scotland


Soomaali dilal geystay oo lagu xakumay maxkamad ku taalo Dalka Scotland

Maxkamad ku taalla caasimadda dalka Scotland ee Glasgow waxaa shalay la soo taagay Saddex nin oo Soomaali ah, kuwaasi oo loo haysto inay dileen Marxuum la oran jirey Mohamed Abdi.

Saddexda Eedeysane ee Maxkamadda la soo taagay ayaa lagu kala magacaabaa Caadil Xuseen oo 23-jir ah, Xuseen Cali oo

26-jir iyo nin magaciisa lagu soo koobay Maxamuud oo 30-jir ah.

Maxkamadda waxay saddexda Eedeysane ku xukuntay midkiiba 75-sanno oo Xabsi ah.

Aabaha dhalay Marxuumka la dilay ayaa soo dhaweeyey Xukunkaasi, wuxuuna sheegay inaysan Gacan-ku-dhiiglayaasha mar kale awoodi karin inay dad dhaawacaan ama dilaan.

Marxuumka la dilay oo ka mid ahaa ragga ka ganacsan jirey Daroogadda ayaa waxaa uu geeriyooday dhaawacyo soo gaaray , kadib, markii ay isaga iyo ragga la xukumay isku rasaaseeyeen Waddooyinka Willowbrate.

Raggaasi ayaa waxay ka wada tirsanaayeen burcad Soomaali ku nool Scotland, kuwaasi oo ka ganacsata Daroogadda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Burcadaasi isbuuciiba helaan macaash dhan 15,000 oo Geniga Ingiriiska, iyagoo iibiya noocyadda daroogooyinka khatarta ah sida Kookaa’iinka




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: