15 June, 2014

Muuse Biixi Oo Raaligelin Ka Siiyey Shirkada Dahabshiil Hadalo Xajiimaysan Oo Uu Ku Ganay Qurbajoog Ka Mid Ah Mus-Danbeedlka Kulmiye


Muuse Biixi Oo Raaligelin Ka Siiyey Shirkada Dahabshiil Hadalo Xajiimaysan Oo Uu Ku Ganay Qurbajoog Ka Mid Ah Mus-Danbeedlka Kulmiye


Muuse Biixi oo Raaligelin ka siiyey Shirkada Dahabshiil hadalo xajiimaysan oo uu ku ganay Qurbajoog ka mid ah Mus-danbeedlka Kulmiye


Hargeisa--Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa raaligelin buuxda ka bixiyey Weedho xajiimaysan oo uu shirkada Dahabshiil ku ganay oday ka mid ah Mus-danbeedka Muuse iyo weliba Odayaasha xisbiga Kulmiye.

Qoraalkaa raaligelinta ee Muuse Biixi warbaahinta siiyey ayaa u dhignaa sidatan:-

Ujeeddo; RAALIGALIN


Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Md, Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka raaligalinayaa shirkada Dahab-shiil hadal gaf ah oo ka soo yeedhay xubin ka tirsan xubnaha qurba jooga xisbiga kulmiye.

Dahabshiil wuxuu ka mid yahay shirkadaha safka hore kaga jira u adeegista bulshada, u samafalka shacabka iyo gurmadka hawlaha qaranka,

Sidaa daraadeed Dahabshiil iyo shirkadaha kalaba ma gayaan in lagu yidhaa waxaan qabanin.

Sida Dastuurkeenu qorayo waxaynu leenahay ganacsi xor ah, oo dalka oo dhan u adeega.

Mar kale waxaanu kaa raaligalinaynaa guud ahaan ganacsatada wixii duulduul ka soo gaadha hadalada siyaasada.

ALLAH MAHAD LEH

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Md. Muuse Biixi Cabdi
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: