12 June, 2014

Guddoomiyaha shirkadda Jubba Express Oo Ka Hawlgal Ay Ciidammadda RRU-da

Guddoomiyaha shirkadda Jubba Express Oo Ka Hawlgal Ay Ciidammadda RRU-da Ka Fuleyeen Xaruntooda Xawaaladda Ee Hargeysa

 

"Waxaan u sheegayaa bulshadda iyo macaamiisha shirkadda in ay sideedii cadiga ahayd u shaqaynayso, shirkadda Juppa Express cidna ma haysato, dawladda Somalilandna ma haysato…

 

"Intii ay ciidamadda RRU-du ay joogeen xarunta shirkadda lacagtii iyo fureyaashii ayuun bay noo kala wareejiyeen, ee wax baadhitaan ah iyo dhibaato ah oo ay nagu sameeyeen ma  jirin

 

 

Hargaysa():  Masuuliyiinta shirkadda xawilaadda lacagta ee Juppa Express ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgal ay shalay xarunta dhexe ee shirkadaasi ee magaaladda Hargeysa ay ka fuliyeen ciidamadda loo yaqanao RRU-da, kuwaasi oo muddo saacado ah ku jiray gudaha xarunta iyo hareeraheeda.

 

Guddoomiyaha Shirkadda Xawaaladda lacagta ee Juppa Express qaybteeda Somaliland Md. Muuse Daahir Yuusuf oo xalay warbaahinta ugu waramay xarunta dhexe ee shirkadda Juppa Express ee Hargeysa. Waxa uu sheegay Muuse Daahir Yuusuf, in hawlgalkaasi ay ciidamadda RRU-da ka fuliyeen xarunta ee shirkadda Juppa Express ee Hargeysa uu ka danbeeyay ka dib markii nin ka tirsan shaqaalaha shirkadda ay habeen hore ciidamadda RRU-du gurigiisa ka soo xidheen, kaasi oo lagu xidhay xarunta CID-da magaaladda Hargeysa.

 

Guddoomiye Muuse, waxa uu tilmaamay in markii ay ka war heleen in ninkaasi uu ku xidhan yahay cid ay ka doonteen fureyaasha khasnadda xarunta shirkadda oo uu hayay isla markaana ay masuuliyiinta shirkadda iyo madaxda CID isla garteen in ninkaasi laga shakiyay laga wareejiyo fureyaasha iyo wixii xisaabaad ah ee uu hayay, lana keenay xarunta shirkadda.

 

Muuse Daahir Yuusuf oo ka waramayay sida ay wax u dhaceen, waxa uu yidhi  "Waxyaabaha ay warbaahinta gaar ahaana website-yadu ay qoreen iyo waxa halkan xarunta ka dhacay way kala duwan yihiin, nin ka mid ah shaqaalaha shirkadda ayay dawladu ka shakiday, ka dibna xalay (habeen hore) ayaa gurigiisa loogu dhacay waana laga soo xidhay ka dibna xarunta CID-da ayaana lagu xidhay, anaguna markii uu manta (shalay) soo shaqo tegi waayay ee uu iman wsaayay xafiiskii  aanu raadinay ka dibna waxaa uu naga hayay furihii khasnadda, markaa waxaanu raadsanay sidii aanu furaha uga soo qaadan lahayn, waxaanu isla afgaranay madaxda CID-da iyo masuuliyiinta ciidamadda RRU-da ka dibna waanu soo kaxaynay oo halkan xarunta shirkadda ayaa la keenay si aanu furahayaga uga qaadanay  oo aanu hantida uu noo hayay ugala wareegno, dawladuna sidaas ayay noo baadhay, oo ay xarunta dhexe ee shirkada noogu keeneen ninkii ay ka shakiyeen ee maxbuuska ahaa, oo shaqaalahayaga ka mid ahaa".

 

Guddoomiyaha shirkadda xawaaladda lacagta ee Juppa express, waxa uu sheegay in aanay ciidamadda RRU wax baadhitaan ah ka samaynin xarunta dhexe ee shirkadda."Intii ay ciidamadda RRU-du ay joogeen xarunta shirkadda lacagtii iyo fureyaashii ayuun bay noo kala wareejiyeen, ee wax baadhitaan ah iyo dhibaato ah oo ay nagu sameeyeen ma  jirin, meeshuna waa shirkad, oo waa meel ganacsi, kolay way ka duwan tahay meelaha kale ee danbi baadhis lagu sameeyo".

 

Waxa kale oo uu tilmaamay Muuse Daahir Yuusuf, in aanu jirin wax shaki ah oo ay ka qabaan sababta loo xidhay ninkaasi ka tirsanaa shaqaalahooda, "Wax aliyaala waxaan ku arkay oo aan ku sheegi karo oo aan is odhan koro ninkaasi waad ku tuhmi kartaa ma  jirto, waana nin muwaadin ah oo reer Somaliland ah, waana nin in badan nala shaqaynayay, markaa wax aan kaga shakiyi karo oo aan idiin sheegi karaa ma jiro, laakiin kolay waxaa la yidhaa dawladu iyada ayaa indho qudhaanjo leh, markaa laga yaabaa in ay iyadu wax aragtay".

 

Guddoomiyaha Juppa Express ee xarunta Hargeysa waxa uu sheegay in mudadii ay ciidamada RRU-du ku sugnaayeen xarunta shirkadda ay si wanaagsan ula macaamileen, isla markaana aanay wax dhibaato ah ka gaysan "si fiican ayay noola macaamileen, aad iyo aad, rag waaweyn oo wada mudakar ah, oo reer Hargeysa ah oo aanu is-wada garanayno ayay ahaayeen, oo meesha noogu yimid,  si fiicana way noola dhaqmeen, niman masuuliyiin ah ayaanay ahaayeen wax alla wax khaakhuul ah oo ay nagu sameeyeena ma jiro, inkasta oo ay baabuur badan iyo askar badani ay yimaadeen meesha, oo dadkii suuqa joogay ay isugu yimaadeen meesha oo ay aragti xun ka qaateen, laakiin intii gudaha noogu soo gashay niman masuuliyiin ah ayay ahaayeen, si wanagsan ayaanay noola dhaqmeen, si fiicana waanu isku afgaranay.

 

Sidoo kale Muuse Daahir Yuusuf, waxa uu beeniyay warar ay qaar ka mid ah shebekadaha wararku qoreen, oo sheegayay in la xidhay qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda, waxaanu sheegay in aanay jirin, arrintaasi "dad macaamiishayada ka mid ah oo la xidhay ma ogin, dad kale oo shaqaale ah oo lanaga xidhayna ma jiraan, laakiin inankaasi oo laga shakiyay oo xalay habeen hore gurigiisa loogu dhacay mooyaane cid kale ma jirto, inanka la xidhay waxaa magaciisa la yidhaahdaa C/laahi Sheekh C/raxmaan Sheekh Ibraahin ayaa la yidhaahdaa, waxaanu ahaa khasnajigii shirkadda ee qaybta Somaliland. ilaa hadda wax lagu haysto ninkaasi CID-du nooma sheegin anaguna weli uma aanu waraysi tegin, markii horena waxaanu is-lahayn shirkadu sidii ay u shaqayn lahayd iyo khasnadii iyo lacagtii marka hore raadiya, markaa ilaa beri ayaanu hawshiisa gali doonaa."

 

Md. Muuse Daahir Yuusuf, ayaa ugu danbayntii sheegay in aanay dawladu haysanin ama cid kale oo haystaa jirin shirkadda Juppa Express, isla markaana ay sideedii caadiga ahayd u shaqaynayso adeegyadeediina ay dhamaanba sidii hore yihiin. "Waxaan u sheegayaa bulshadda iyo macaamiisha shirkadda in ay sideedii cadiga ahayd u shaqaynayso, shirkadda Juppa Express cidna ma haysato, dawladda Somalilandna ma haysato, sideedii ayay u shaqaynaysaa, dadka ayaanay u adeegtaa, baadhitaan ku wuu iman karaa, haddii ay dawladu ka shakido."

 

 /Hargeysa


No comments: