20 May, 2014

Tacsi ka timid La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha Mudane Axmed Xasan Carwo

Tacsida: Marxum Maxamed Xaji Cali Guhaad 


La-taliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynha Mudane Axmed Xasan Carwo, waxa uu tacsi u dirayaa Reer Xaaji Cali Guhaad, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii iyo Asxabtii uu ka baxay Marxum Maxamed Xaji Cali Guhaad, (Sanyare) oo ku geeriyooday  Hargeysa 19.05.2014
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Odayasha ugu magaca weyn Hargeysa iyo Dalkaba waxaanu ka mid ahaa masuuliyintii Dalka xoogooda iyo Muruqoodaba u huray sidii u dalku u dhismilahaa ilaa xiligii isticmaarka, halgankii SNM iyo nabadeynti iyo dib u dhiskii Somaliland.

La-taliyahu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Reer Xaaji Cali Guhaad, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan iyo ducada marxuumka uu waafajiyo  

Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga, iyo Maalgashiga

Sent from my iPhone

No comments: