12 April, 2014

War-Degdeg Ah:Xildhibaan Ka Mid Ah Barlamaanka Somaliland Oo Lagu Tooriyeey Badhtamaha Magaalada Burco




War-Degdeg Ah:Xildhibaan Ka Mid Ah Barlamaanka Somaliland Oo Lagu Tooriyeey Badhtamaha Magaalada Burco

Xildhibaan ka mid ah Barlamaanka Somaliland oo lagu tooriyeey badhtamaha magaalada Burco+xaaladiisa Caafimaad

Burco-(Qaran-news)-Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka mid ah Golaha barlaamanka Somaliland beryahan danbena ku sugnaa magaalada Burco oo ah Gobolka laga soo doortay ayaa maanta duhurkii nin ku tooriyey agaarka Hotel Badha-badha,Burco.


Xildhibaan Jaamac ayaa la sheegay in ninka weerar ku soo qaadey ku dhuftay dhawr Tooriyood ,Dhaawac halisana gaadhsiiyey balse xogguhu ma sheegin sababta ninkaasi weerarka ula beegsadey xildhibaanka.


Xildhibaan Jaamac ayaa la dhigay Cusbitaalka guud ee Burco halkaas oo lagu daaweynaayo.


Yeelkeede Ninkii dhawac u geystay Xildhibaan Jaamac ayaa la sheegay inuu baxsaday markii dhawr Tooriyood ku hubsadey Xildhibaanka.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: