15 April, 2014

War Deg Deg Ah Ciidamda Somaliland Ee Gobolka Sool Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Gacan Ku Haynta Degmada Taleex

War Deg Deg Ah Ciidamda Somaliland Ee Gobolka Sool Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Gacan Ku Haynta Degmada Taleex
 Durdur Desk on April 15, 2014


Taleex(DNS)-Degmada Taleex ee gobolka Sool,waxaa saakay la wareegay ciidamo ka tirsan Somaliland,kuwaaso fariisimo ka sameystay hareeraha magaalada,sida waxaa sheegay dadka deegaanka.oo la soo xidhidhay shabakada durdurmedia group

Waxaa la sheegay inuusan jirin wax iska hor imaad ah,xilligaana si buuxda ay degmada ugu gacan gashay Ciidamada qaranka Soomaaliland.



Degmada Taleex,waxaa ay fariisin u ahaayd falaagada Khaatumo, iyadoona ku taalla gobollada ay ku muransanyihiin Puntland iyo Soomaaliland.



Ma jirto war inta dheer oo wali laga hayo xaaladda degmada Taleex ee taarikhiga ah.

Dhinaca kale waxaa xilligaan magaalada Garoowe shir jaraa’id ku qabtay madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiim Cumar Camey,waxaana ku waheliya shirka golayaasha dowladda.



Wali ma uusan soo dhammaan shirka jaraa’id ee ay dowladda uga hadlayso xaaladda Taleex,waxaana wararka an helayno ay sheegayan in heegan buuxa la galiyey ciidamada Puntland.



waxaana xusid mudan in xilli hore madaxweynaha Soomaaliland uu booqosho ku tagay magaalada Laasqoray.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: