30 April, 2014

Milicsiga Tafaasiisha Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo Ee Shirweynihii 3-aad Ee KULMIYE

Milicsiga Tafaasiisha Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo Ee Shirweynihii 3-aad Ee KULMIYE

MUUSE bIIXI28-kii Bishan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu khudbad dheer oo macno badan oo siyaasi ah xambaarsan ka hor-jeediyay 1162 ergay oo ka soo xaadiray shirweynaha saddexaad ee xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE oo uu ahaa aasaasihii iyo Guddoomiyihii u horeeyay ee toban sanadood iyo dheeraad hoggaaminayay xisbigaasi illaa dabo-yaaqadii Bishii June 2010-kii.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo Khudbadiisa waxa dhadhan iyo damcad gaar ah u sii sameeyay waxqabad la taaban karo oo ay xukuumaddiisu dalka ka hirgelisay afar sanadood ku dhawaad uu xukunka hayay madaxweynaha afraad ee Somaliland.
Mashaariicda waaweyn ee fulay ee ALLE ku il-haamiyay waxa ka mid ah Derajooyinka ciidammada qalabka sida lagu taxay illaa 10 kun oo askari oo garbaha loo sudhay min alifle illaa sareeye gaas.waxa kale oo qodobada ay shacbigu buugooda diiwaanka taariikhda ku sajaleen ka mid ah waxbarashada dugsiyadda Hoose/Dhexe ee lacag la’aanta laga dhigay, dhismaha waddooyinka oo xukuumaddu juhdi iyo dhaqaale aan qiyaas lahayn gelisay iyo miisaaniyad sanadeedka qaranka oo la afar laabay iyadoo shaqaalahana laba jeer mushaharka shaqaalaha loo kordhiyay.
Aqoonsi Raadinta iyo SiyaasadaArrimaha Dibedda:
Madaxweynaha Somaliland waxa uu khudbadiisii uu ku furay shirweynihii saddexaad ee xisbul-xaakimka ku sheegay in xaro-kaatka dawladiisu gelisay qadiyadda aqoonsi raadinta ay ugu weyn tahay inay abuurmeen saaxiibo badan oo Somaliland kala shaqaynaya sidii jabin lahaa xayndaabka beesha caalamka inoo dhaxeeya oo aqoonsi la’aanta aynu ku jirno muddo rubuc qarni ku dhow, waxaanu yidhi “Waxaanu xil iska saarnay xaqiijinta iyo taabo-gelinta madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah sidii ay uga mid noqon lahayd bulshada caalamka, una heli lahayd aqoonsi buuxa.”
Md. Axmed Siilaanyo waxa uu soo qaaday in dedaalkii ay galeen uu markhaati fur u yahay dhawaaqii ka soo yeedhay Golaha deegaanka Sheffield ee dalka Ingiriiska, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa hubaal ah in aanu arrintan ka soo hoynay guul aan qarsoonayn, innagoo maanka ku hayna muhimadda uu madax-banaanideenna u leedahay xidhiidhka fiican iyo saaxiibo inagala shaqeeya ictiraafka, waxaynu yeelanay saaxiibo badan oo ku hawlan inay inagala shaqeeyaan arrintan waxaana jira dedaalo badan oo ka socda wadamada jaarka iyo Europe kuwaas oo midhadhalkoodii ugu horeeyey aad maqasheen mooshinkii ka dhacay magaalada Sheffield, UK.”
Soomaaliya:
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu khudbadiisa tallooyin maan-gal ah oo wacyiga dhabta ah la xidhiidha u soo jeediyay dawladda Soomaaliya, waxaanu tilmaamay inay ummadda reer Somaliland aanay diyaar u ahayn in aanay masiirkooda mar kale ku ridin bohol madoow, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Dawlada Somalia, dadka Somaliland waa tashadeen, Waxay la soo noqdeen madax-banaanidoodii, diyaar uma aha midnimadii Soomaali-weyn idiin-mana soo socdaan. Walaalayaal haddii ay innaga xumaatay walaalo midoobaa, yaanay inaga xumaanin wallaalo is dhawrta, is-kaashada oo is-ixtiraama.”
Madaxweynaha Somaliland waxa uu intaas ku daray in taako ka mid ah soohdimaha dalku ay u yihiin qaar aan lagu soo xadgudbi Karin, inkasta oo Somaliland ay tahay dal nabadda jecel oo xeeriya, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu ku baaqaynaa nabad, waxaanu ku baaqaynaa jaarnimo-wanaagsan iyo iskaashi wallaalnimo ku-dhisan, dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho umana baahna mandaqadani maanta. Waxaan leeyahay xuduudaha Somaliland mugdi ka ma jiro, taako, dhudhun iyo tallaabo toona kama ogolin cidna gorgortan kala gelimayno, waxay ku dhisanyihiin sharci, hadiise nalagu soo xadgudbo waxaanu u leenahay awood aanu ku diffaacno.”
Dhaqaalaha:
Qodobadda kale ee dhumucda leh ee Madaxweynuhu soo qaaday waxa ka mid ahaa siday awooda u dul dhigeen inay kor u qaadaan miisaaniyad sanadeedka dawladda. Waxaanu is bar-bardhigay halkii dhaqaaluhu yuururay markii uu xilka la wareegay iyo maanta halka uu taagan yahay.
“Dhaqaaluhu waa laf dhabarta nolosha, waana dhidibada horumarka, annagoo ka duulayna ballantii xisbiga iyo masuuliyada naga saaran ummadii xilka noo igmatay, waxaanu dardar gelinay kobcintii dhaqaalaha, iyadoo miisaaniyadii aan xilka kula wareegay ahayd 2010= $44,000,000 US Dollar,
Ayaanu gaadhsiinay sanadkii 2011= $86,000,000 US Dollar,
Waxaanu gaadhsiinay sanadkii 2012= $106,000,000 US Dollar,
Waxaanu gaadhsiinay sanadkii 2013= $125,000,000 US Dollar,
Waxaanu gaadhsiinay sanadkii 2014= $152,000,000 US Dollar,Waxaad dareemi kartaan faraqa u dhexeeya maalintii aanu la wareegnay iyo maanta $44,000,000 — $152,000,000,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Caafimaadka:
Madaxweynuhu waxa uu sharaxay in himilada xukuumaddu uu yahay inaan mustaqbalka dhow adeeg caafimaad looga baahan dalka dibadiisa, waxaanu yidhi “Annaga oo ogsoon in caafimaadku uu muhiim u yahay nolosha Bani’aadamka, waxa Xukuumad ahaan aanu xil weyn iska saarnay sidii loo hagaajin lahaa Daryeelka Caafimaadka, loogana hor tagi lahaa cudurrada kala duwan, isla markaasna waxaanu ku dedaalnay in dadweynaheenu ay Dalka gudihiisa ka helaan adeegyo caafimaad oo dhamays tiran si ay uga raystaan inay dalka debadiisa ugu baxaan arrimo caafimaad.
Waxa ay Wasaaradda Caafimaadku diyaarisay qorshe Sannadeedka Shanta Sannadood oo la jaanqaadaya Qorshaha Horumarineed ee Qaranka iyo Xeerka Caafimaadka Qaranka oo loo gudbiyay Golaha Wakiilada Somaliland.”
“Haddii aan isdultaago kor u kaca adeegyada caafimaadka muddadii Dawladda Kulmiye dalka hogaaminaysay waa sidan soo socota:
• Sannadkii 2010 waxaanu la wareegnay 15 Cusbitaallada Gobollada, Sannadkan 2014 waxay marayaan 28 Cusbitaallada Gobolladu, waxay Dawladda Kulmiye soo kordhisay 13 Cusbitaallada Gobollada.
• Sannadkii 2010 waxaan la wareegnay 21 Cusbitaalada Degmooyinka, Sannadkan 2014 waxay marayaan 37 Cusbitaalada Degmooyinku, waxay Dawladda Kulmiye soo kordhisay 16 Cusbitaalada Degmooyinka.
• Sannadkii 2010 waxaan la wareegnay 126 Xaruma Caafimaad, Sanadkan 2014 waxay marayaan 136 Xaruma Caafimaad, waxay Dawladda Kulmiye soo kordhisay 10 Xaruma Caafimaad.
• Sannadkii 2010 waxaan la wareegnay 6 Ambulance, Sanadkan 2014 waxay marayaan 22 Ambulance, waxay Dawladii kulmiye soo kordhisay 16 Ambulance,”ayuu yidhi Madaxweynuhu. Ugu dambayn waxa madaxweynuhu uu ummadiisa u soo bandhigay in haddii shacbi iyo xukuumad-ba ay isu kaashadaan horumarinta dalka ay si fudud uga libkeeni karaan inay dalku isbedel iyo horumarka aynu ku taamayno ka midho dhalinno.
Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: