31 March, 2014

War-Weyn:Gudoomiyihii Gudida Wanaag-Farista Iyo Xumaan-Reebista S/Land Oo Xilkiisii Ku Waayey Meselo Khilaaf Dhalisay Oo Ku Saabsan Magta Ragga Iyo Dumarka!

War-Weyn:Gudoomiyihii Gudida Wanaag-Farista Iyo Xumaan-Reebista S/Land Oo Xilkiisii Ku Waayey Meselo Khilaaf Dhalisay Oo Ku Saabsan Magta Ragga Iyo Dumarka!

Gudoomiyihii Gudida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista S/land oo xilkiisii ku waayey Meselo khilaaf dhalisay oo ku saabsan Magta Ragga iyo Dumarka!



Hargeisa-Gudida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland ayaa xilkii ka xayuubiyey gudoomiyahoodii ka dib markii uu horseed ka noqday meselo diimeed ku saabsan magta Ragga iyo Dumarka oo muran ka dhashay.

Sh.Maxamed X.Maxamuud Xiiray oo ahaa gudoomiyaha Gudida wanaag-farista iyo xumaan-reebista Somaliland ayaa dhawaan War uu siiyey qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ku sheegay inaan lahayn daliil (Aayad iyo Ax-diis) si waadix ah u tilmaamaysa in la kala saraysiiyo Magta Ragga iyo Dumarka.

Gudiga wanaag-farista oo qadiyadan Gudoomiyahoodu ka dhawaajiyey fadhi iyo kulamo ka yeeshay ayaa shaaciyey inay xilkii ka qaadeen Gudoomiyahooda maadabuu jebiyey shuruucdoodii, islamarkaana xilkiisii uu si ku meelgaadh ah u sii hayn doono Gudoomiye ku xigeenka Gudidu.Ku darsoo waxay Gudidu cod dheer ku sheegeen inaaney la qabin, kuna raacsayn hadalkaas ka soo yeedhay Gudoomiyahooda Sh.Maxamed X.Maxamuud Xiiray.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: