27 March, 2014

War-Degdeg Ah:Aano Iyo Dilal Dhexyaaley Laba Beelood Oo Reer Oodweyne Ah Oo Laan-Mulaaxo Lagu Soo Afjaray


War-Degdeg Ah:Aano Iyo Dilal Dhexyaaley Laba Beelood Oo Reer Oodweyne Ah Oo Laan-Mulaaxo Lagu Soo Afjaray


Laan-mulaaxo-sida warfidiyeenka Qarannews uga soo warama oodweyne Noo xaqiijiyey Dilal iyo Aanooyin u dhexeeyay laba beelood oo reer Oodweyne ah (Ba-dhulabahante & Cali Saciid) oo ilaa muddo 15 sanadood soo jiitamaysay ayaa saaka Laan-mulaaxo Xeerbeegti ka kooban Ardaayada beesha Habar-yoonis soo afjartay.

Beesha Cali Saciid ayaa lagu xukumay Magta Hal-marxuum oo ahaa nin Ganacsade ah oo oo Burco lagu dilay dhawr iyo Toban sanadood ka hor inay ka bixiyaan 120 Neef oo Geela iyo Lixdan malyuun (60.000.000 SL.Sh.)oo Somaliland Shilling ah.

Sidoo Kale Beesha Ba-dhulbahante ayaa lagu xukumay Magta Laba Marxuum oo Booliis ahaa oo Midna Oodweyne lagu dilay,Midna Laan-mulaaxo inay ka bixiyaan 240 Neef oo Geela iyo Boqol iyo Labatan malyuun (120.000.000 Sl.Sh) oo Somaliland shilling ah.

Ku darsoo waxaa Beesha Ba-dhulbahante Xeer-beegtidu ku xukuntay lacag ganaax ah oo dhan $30.000 (Sodon kun oo dollar).

Xeer-beegtidu waxay xukuntay in Geela dhogorta ah laysku keeno ama la bixiyo ugu danbayn Bisha Juun 2014-ka.

Sidoo kale lacagta kaashka ah ayaa labada beeloodba Xeer-beegtidii Garta dhexdhexaadinaysay u qabtay inay ku bixiyaan muddo 15 cisho gudahood ah ama Doolar ha ahaato ama Somaliland ha ahaatee.Yeelkeede Xoggaha warfidiyeenka Qarannews helay waxay intaas raaciyeen in labada beeloodba aqbaleen Heshiiskaa xeerbeegtida Habar-yoonis ku afjartay mashaqooyinkii iyo aanooyinkii taagnaa.

Isku soo wada duuboo Xubno ka mid ah Guurtidii hawsha soo afmeertay ayaa u sheegay warfidiyeenka Qarannews inaan xukumaddu wax taageero Maaliyadeed iyo dhiirigelin toona ku darsan hawshaas mudadii la waday oo bil iyo badh ah inkastoo halkaas la geeyay Askar ka tirsan ciidanka Booliiska




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: