26 March, 2014

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA MUDANE AXMED XASAN CARWO

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA MUDANE AXMED XASAN CARWO


Waxaan tacsi u diraya Xaas iyo tafiir, ehel, asxaab,qaraabo xigto iyo xigaal geerida ku timid Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac,. Waxaan sidoo kale tacsidan u diraya reer Soomaliland gaar ahaan ururka SNM oo uu kaalin weyn ku lahaa iyo beesha Habarjeclo ee uu Guddoomiyaha u ahaa.

Marxuum Maxamuud oo shalay 24kii Marso lagu aasay Burco, waxuu ahaa nin kaalin mug leh ka qaatay xili kasta iyo goob kasta oo arrin bulsha ka taagantay, nin halgankii SNM ku suntanaa, aadna uga soo shaqeeyey dib u dhiskii qaranka Soomaliland iyo nabadeynti beelaha.

Waxaan Marxuumka Alle uga baryayaa inuu u naxariisto kana yeelo kuwa dhaxla janatul fardows, ehel, asxaab iyo qaraabana inaga yeelo kuwa laasima samir iyo duco. Aamiin.





Axmed Xasan Carwo
Lataliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalha


https://www.facebook.com/aharwo?ref=hl

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: