22 February, 2014

Suldaan Nadiif Saydh Jibriil Oo Ka Sheekeeyey Xukun Maxkamadaha Gobolka Awdal Ka Soo Saareen Wiil Loo Diiday Gabadh Uu Jeclaaday Oo Magaalada Boorama Isku Gubay

Suldaan Nadiif Saydh Jibriil Oo Ka Sheekeeyey Xukun Maxkamadaha Gobolka Awdal Ka Soo Saareen Wiil Loo Diiday Gabadh Uu Jeclaaday Oo Magaalada Boorama Isku Gubay
kadib markii qoyskoodu u diideen inuu guursado gabadh Gabooye ah oo uu jecayl dhexmaray

Hargeysa (GNA)- Suldaan Nadiif Saydh Jibriil oo ka mid ah salaadiinta Beelaha Gabooye ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bahda caddaaladda ee Gobolka Awdal ku eedeeyey inay xukun caddaaladda ka fog ku rideen laba wiil oo ka soo jeeda beeshiisa oo ku eedaysan inay ka dambeeyey nin reer Awdal ah oo isku gubay magaalada Boorama. 
Suldaan Nadiif oo Jamhuuriya soo gaadhsiiyey qoraal cabasho ah, waxa uu sheegay in sannado ka hor uu magaalada Boorama isku gubay wiil dhallinyaro ah oo ka soo jeeda Gobolka Awdal (Samaroon), kadib markii qoyskoodu u diideen inuu guursado gabadh Gabooye ah oo uu jecayl dhexmaray, isagoo xusay in dhimashada wiilkaas is gubay lagu eedeeyey qoyska gabadhu ka soo jeedo, xabsigana la dhigay dhallinyar beelaha Gabooye ah oo markii dambe xukun caddaallad-darro ah lagu riday. 
“Waxa Gobolka Awdal nagaga yimi arrin aanan ka filayn inay maxkamadaha Gobolka Awdal ka soo baxdo oo caddaalad-darro ah, kuwaasoo xukun caddaaladda ka fog ku riday laba wiil oo la kala yidhaah Mustafe Haybe Jaamac iyo Badal Cabdi Aadan, iyadoo Maxkamadda Gobolka Awdal iyo Maxkamadda Racfaanka gobolkuba isku kaashadeen xukunkaas caddaallad-darrada ah.” 

Waxa uu Suldaanku sheegay in wiil ka soo jeeda degaannada Gobolka Awdal (Samaroon) uu jeclaaday gabadh ka dhallatay beelaha Gabooye oo ku nool magaalada Boorama, isagoo xusay in qoyska wiilkaasi ku amreen inuu faraha ka qaado, isla markaana ka hadho jacaylka uu u qabo gabadhaas oo hayb ahaan lagu quudhsaday, balse nasiib-darro sida Suldaanku sheegay wiilkaas ayaa u geeriyooday dab uu naftiisa qabadsiiyey, kadib markii sida uu sheegay laga horjoogsaday inuu guursado gabadha jacaylku dhexmaray ee Gabooye. 

“Markii wiilkaasi Ilaahay ha u naxariistee uu naftiisa gubay, waxa sifo sharci-darro ah loo xidhay labada wiil ee xukunka lagu riday oo ay hayb ahaan wadaagaan inanta la jeclaaday, kuwaasoo lagu eedeeyey, isla markaana qoyska marxuumku ku doodeen in labadaas nin gubeen wiilkooda, arrintaasoo aanay wax shaqo iyo shuqul ah ku lahayn. 
Sidaas darteed, markii falkaasi dhacay waxaannu bahda caddaallada ka filaynayn inay arrintaas iyo xadhiga labada wiil ku soo dabaali doonaan hannaanka caddaallada, balse markii labadaas wiil iyo ilaa 9 qof oo kale oo beelaha Gabooye ka soo jeeda la xidhxidhay, waxa la horgeeyey Maxkamadda Gobolka Awdal, taasoo dadkii kale sii daysay, laakiin labada wiil ee kala ah Mustafe Haybe Jaamac iyo Badal Cabdi Aadan ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo aan loo eegin wax cadaymo iyo markhaatiyo ah oo muujinaya in labadaas wiil ka dambeeyey ninka u dhintay dabka uu isku gubay. 
Kadib waxa dhacday in odayaasha Gobooye ku qanci waayeen xukunkaas caddaalad-darrada ah, kana dalbadeen qoyska wiilka dhintay inay ugu dhaartaan in labada inan ee xidhan ka dambeeyey dilka inankooda, balse way diideen inay dhaartaan. Markii aannu ku nidhi haddaba annagaa idiin dhaaranayna way diideen, kadibna waxa dhacday in kiiskaas loo gudbiyey Maxkamadda Racfaanka Gobolka Awdal, taasoo markii ay aragtay in aan wax caddaymo ah loo cuskan xukunka dilka ah ee lagu riday labada wiil. Waxay kiiskii dilka ahaa ka jabisay labadaas inan, markii arrintu halkaas marayso ee ay ahayd in la sii daayo wiilasha xidhan, waxa dhacday in aabaha dhallay wiilka dhintay ku hanjabay inuu wax dilli doono halkii uu xukunkaas racfaan uga qaadan lahaa Maxkamadda Sare,” ayuu yidhi Suldaan Nadiif Saydh Jibriil. 
Sidoo kale, waxa uu xusay in markale Maxkamadda Racfaanku soo saartay go’aan uu ku sifeeyey caddaallad-darro, waxaannu yidhi; “Waxa dhacday in markii dambe qoyska wiilka dhintay ku dhaarteen in inankooda gubeen labada nin ee xidhan ee ka soo jeeda beelaha Gabooye, waxaanay Maxkamadda Racfaanku soo saartay saddex sanno oo labada wiil lagu xukumay iyo in beesha Gabooye bixiso magta wiilka dhintay oo ah 100 halaad oo loo qaybiyey si sharciga baalmarsan, kuwaasoo loo kala qaybiyey si aann ku xusnayn shareecada islaamka iyo dhaqanka Soomaalidaba. 
Waxa la yidhi 100 halaad ha noqdaan 40 halaad oo dhalaya, 30 qaalmood oo midkiiba shan jir tahay, 30 halaad oo mid kasta da’deedu tahay 4 jir. Waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanku noo sheegay in aanan xukunkaas racfaan ka qaadan karin, haddii aannu hadalnana waxa uu amray in nala xidho muddo lix bilood ah, taasina way noo cuntami wayday, mana qaadan karno dulmigaas aan geedna loogu soo gabban.” 

Dhinaca kale, Suldaan Nadiif waxa uu baaq u diray Madaxweynaha Somaliland, Guddida Caddaaladda oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, salaadiinta, culimaa’diinka, odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshada Somaliland, isagoo ka codsaday inay wax kala qabtaan xukunnada ka soo baxay Maxkamadaha Gobolka Awdal iyo dulmi uu sheegay in lagula kacay dhallinyarada xidhan ee ka soo jeeda beelaha Gabooye. 
Xigasho: jamhuuriya

No comments: