25 February, 2014

“Mudane Siilaanyo Ma Doonayo In La Yidhaahdo Madaxweynihii Afaraad Ee Somaliland Laakiin Wuxuu Doonayaa.” Wasiir Ku Xigeenka Shaqadda


“Mudane Siilaanyo Ma Doonayo In La Yidhaahdo Madaxweynihii Afaraad Ee Somaliland Laakiin Wuxuu Doonayaa.” Wasiir Ku Xigeenka Shaqadda
“Mudane Siilaanyo Ma Doonayo In La Yidhaahdo Madaxweynihii Afaraad Ee Somaliland Laakiin Wuxuu Doonayaa.” Wasiir Ku Xigeenka Shaqadda



Hargeysa, Somaliland, 18, 2014, (Saxafi) - Wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Shukri Xariir Ismaaciil ayaa ugu baaqday shacabka in aanay dhag u dhigin wax ay ugu yeedhay dacaayadaha ay xukuumadda ka fidiyaan mucaaridku.

Shukri Xariir Ismaaciil ayaa waxa ay sidan ku sheegtay xaflad shahaado sharaf lagu guddoonsiinayay xildhibaan Nacnac, waxaanay sheegtay in madaxweyne Siilaanyo ay ka go’an tahay inuu dalka waxqabad muuqda ka muujiyo oo uu taariikhda ku galo, waxaanay tilmaantay in xukuumaddu fulisay waxqabad iyo horumar balaadhan.

Shukri Xariir Ismaaciil oo arrimahaasi ka hadlaysa waxa ay tidhi, “Dawlada maanta jirta ee talada dalka haysa waa dawlad dalka u soo jeeda inay wax ka qabato, dawladan barobagaandadeedu way yar tahay, laakiin waxqabadkeeda ayaa tiro badan markaa dadweynow waxaan idin leeyahay ha arkin barobagaandada ee waxaad aragtaan waxqabadka iyo horumarka la taaban karo ee dalku gaadhay, waxa la arkayaa siyaasadda arrimaha dibada tallaabooyinka adag ee dawladdu qaaday, waxa la arkayaa siyaasada arrimaha gudaha talaabooyinka culus ee ay dawladu qaaday, waxa la arkayaa dhinaca dhiirigelinta bulshada iyo shaqaalaha dawlada ciidamada, waxay la lahaayeen maalintii darajooyinka lagu taloyay ciidanka waxay lahaayeen dhab ma noqon doonto, waa lagu dhiiraday madaxweynaha maanta jiraa waxa uu jabiyay gidaar adag oo hor yaalay dawladihii hore ee Somaliland soo maray.”

Shukri Xariir Ismaaciil waxay tilmaantay in Madaxweyne Siilaanyo hamigiisu yahay inuu taariikhda ku galo waxqabadka uu muujiyay, waxaanay tidhi, “Madaxweynuhu waa nin mujaahid ah oo garanaya in uu u mahadceliyo inta hadhay ee SNM. Waa nin garanaya inuu u mahadceliyo ciidanka qaranka ee difaaca ku jira, ma doonayo madaxweyne Siilaanyo oo ah guddoomiyihii SNM ugu mudada dheeraa, ma doonayo in la yidhaahdo madaxweynihii afaraad ee Somaliland ayuu noqday wuxuu doonayaa in la yidhaahdo waa madaxweynihii ugu waxqabadka badnaa ugu horumarka badnaa ee ummaddiisa wax u qabtay taariikhdana way galaysaa.”







http://samotalis.blogspot.com/

No comments: