19 January, 2014

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Ka Hadlay Dib u dhaca shirweynahii Saddexaad Ee Xisbigooda

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Ka Hadlay Dib u dhaca shirweynahii Saddexaad Ee Xisbigooda

“Waxa la shubayey Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha is khilaafsan, waxaan idiin sheegaya inanaan is khilaafsanayn oo kalsoonidayadu 100% tahay”
“Waxaan ogahay in dacwado badan oo anniga la iga cabanaya Madaxweynaha u tagaan”Muuse
HARGEYSA (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa beeniyay jiritaanka war sheegayay in Hoggaanka sare ee xisbiga iyo Madaxweynuhu is khilaafsan yihiin. Waxaanu ku dooday in kalsoonida ay isku qabaan isaga iyo Madaxweyneynuhu ay tahay 100%.
Guddoomiyuhu waxa uu qiray inay jiraan rag badan oo xukuumadda ku jira oo isaga ka cababaya oo madaxweynaha dacwad gaadh siiyay, sidaasna waxa uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hargeysa.
Ugu horayn waxa gudoomiyuhu uu ka hadlay xilka iyo waajibaadka saaran KULMIYE iyo xukuumadiisa, waxaanu yidhi “Xisibga KULMIYE muddo saddex sanno ah buu xilka hayey, waxaana 2015 ku soo fool leh doorashadii. Xisbiga KULMIYE laba xil buu hayaa, waana inuu doorashada waqtigii doorashadu ahayd nabadgelyo ku gaadh siiyo, waayo isaga xukuumadda ah oo shuruucdeedii iyo wixii ka dhiman u diyaar garoobo, waa xil na saaran oo hawsheeda nalaga sugaayo, waxaana naloogu garaabi karo haddii wax naga awood badan nagu yimadaan.”
Qodobka labaad ee nalaga raba waa inaannu xisbi ahaan iyo xukuumad ahaan u diyaargarawno doorashadii, annaga waliba laba xil baa na saaran haddii aannu nahay KULMIYE Iyo xukuumaddisii, midi waa shicibkii na doortay iyo waxay noo doorteen ee aanu u ballan-qaadnay inay nalagu xisaabtamaan si aanu cod uga helno. Xisbi ahaana waxa nalaga rabaa inaannu shirkii qabano, gudahayagana isu diyaarino doorashada tartankeedii oo shirka jiitamay iyo hawlaha dhexdayada ka jira soo dhammadaan.
Ta hore ee ah in doorashada waqtigeeda la qabto waannu ka midaysanahay annaga iyo xisbiyada mucaaridku, hawshaana waannu ku jirna xukuumad iyo xisbiyaba, maantana shirkeedii waannu u fadhinaa gelinka dambe.”
“Waa dhab shirkayagu wuu daahay, mar hadduu shir weyne soo socdana in la isku buuqo oo khilaaf yimaado oo la murmo waa caadi, waliba Soomali baynu nahay oo cadiifada cirka marta oo budhku waa caadi, xisbi kasta oo shir qabsanayaana sida uu uga baxo hawshiisa ayey guushiisu ku jirta.”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.
Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlayay jiitanka ku yimid shirweynihii saddexaad waxa uu yidhi “Waxa soo noqnoqday laba qodob xisbiga KULMIYE dhawr jeer baa shirkiisa dib loo dhigay, sababta iminka loo dhigayna iyo markii hore waa hawl qaran, mar walba waxa soo dhacda Madaxweynaha oo ah odaygii xisbiga oo xisbigan doortay oo aan la’aantii shirka la furayn markii aanu diyaargarawnay 21 bisha ee aanu qabsanay shir aan hore noogu sii qorshaysnayn oo dan qaran ah ayey noqotay inaannu u hakino furitaanka shirka inta Madaxweynuhu soo noqonaayo, madaxweynaha arrintaa hore waannu uga wahadalnay, waxaanannu isla garanay in shirka la’aantii la furi karayn, marka aad soo noqoto adigoo jooga in la furo, iminkana halkii uun bay taagan tahay, inta madaxweynuhu maqan yahayna hawlahayaga waannu u diyaargaroobayna, taasaannu heshiis ku nahay.”
Muuse Biixi waxa uu beeniyay inay madaxweynaha is khilaafeen, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa soo noqnoqday KULMIYE wuu is khilaafsan yahay, toddobadkana waad dhaafiseeno waxaad tidhaahdeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyuhu way is khilaafsan yihiin oo xukuumaddii, xisbigii iyo madaxweynihiina way is haystaan, taageerayaal badan oo xisbiga KULMIYE lex-jeclo ka hayso ayaa in badan I canaanta, waxaana la igu yidhaa xisbigii baryahan maad hadal, xisbigii wuu shiikhay, dawladdii way burburisay, xisbigii baa lagala wareegay, maxaad ka qabanaysa wax qaado. Mawqifka xisbigu qaatay ee aan qaatay baan idiin sheegayaa waxaan qaatay oo xisbiga ku hoggaaminaya oo aan odaygiisa ku ahay in xisbiga KULMIYE kii cadhooday la ladqabeeyo, kii wax tabanayana la bogsiiyo, in madaxda xisbigu haddii laga gardarnaado ay dulqataan, in wixii ku yimaada ay dhulka dhigaan oo walaalo iyo maxaa innaga xun ku wadno, dabadeedna qof walba annagoo is qancinay oo wada socona halkeeda gaadhno, mawqifka aanu qadanaynaa waa kaa.”
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay jiraan dad badan oo isaga nka cabanaya,waxaanu yidhi “Ma diidayno khilaafka, waa jiraan rag badan oo madaxda xisbiga oo Golaha Dhexe leh oo fulinta leh oo cabanaya oo annaga guddoomiye ahaan iga cabanaya, cabasho badan baa Madaxweynaha loo geeyey, waxaanay u badan yihiin rag badan oao xukuumadda ku jira, waxaannu u cadaynaynaa inaanay wali jirin nin xisbigaas ka mid ah oo intuu aniga gaar iigu keenay dacwad amma dood aanu ka wada hadalnay oo aanu isku diidnay, waxaan u cadaynayaa in qof xisbiga ka mid ah oo heer kasta leh oo guddoomiyaha golaha dhexe cabasho u keenay oo aanu isku diidnay.”
Maalmahan waxa la shubayey Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha is khilaafsan, waxaan idiin sheegaya inanaan is khilaafsanayn oo kalsoonidayadu 100% tahay, markhaatigeedana waan idiin sheegaya, hadal dibloomaasi ah maaha, hadal ku qaboojinana maaha, kalsooni baan idin siinaya, xisbiga dhexdiisa mar kasta oo aan tartan siyaasiya galay, mar kasta madaxweynuhu gacantiisu ii taagay, waanu igu raacay oo igu dhisay, 2008 markii aan u cararayey tartanka guddoomiye-ku-xigeenka tartankii ka dhacay Ambassador madaxweynuhu gacantuu ii taagay.”
“Burco shirkii Golaha Dhexe in la igu wareejiyo xisbiga guddoonkiisa golaha dhexe markii gacanta loo tagaayey Madaxweynuhu gacantuu ii taagay, markuu xukuumadda qabtay, isagoo saddex bilood dawlada hayn buu xilka igu wareejiyey, iminka markii buuqii KULMIYE dhacay, madaxweynuhu wuu ka badheedhay oo wuxuu yidhi ha loo daayo guddoomiyaha, tartankana aynu yarayno, dadka maanta igu leh amma rumaysan inuu madaxweynuhu aniga ila dagaalamayo amma wax xumaynaayo markhaatiyadeedu waa kaas, aniguna intaas in leeg baan madaxweynaha u hayaa isaga iyo xilkiisaba, taasna waxaan ugu quus gooynaya khalkhalka soo galay xisbiga ee laga yaabo ilaa gacmo caalami ah in la doonaayo in KULMIYE la dumiyo ay usoo dhex marayaan waa wax aan jirin baan leeyahay iyo dacaayad la abuuray, waxaanan qiraya maalin walba oo hawl la qabanayo dhiba imaanaysa,”ayuu yidhi Gudoomiyuhu.
“Waxaan ogahay in dacwado badan oo anniga la iga cabanaya Madaxweynaha u tagaan, Madaxweynuhuna waa odayga xisbiga, waana odaygii qaranka oo odaynimo iyo taluu nagu leeyahay, waxaana Madaxweynaha loo geeyey in xubnaha dawlada dhexe ku jira aanu dhammaantood ka saarnay Golaha Dhexe, waannu iska aragnay, su’aal baannu waydiinay oo waxaannu isku nidhi yaa Golaha Dhexe ka saari kara, ninka ah Wakiillada Barlamaanka ee la soo doortay amma dawladaha hoose ee la soo doortay yaa ka saari kara, maxkamad goysa mooyaane, qofka golaha dhexe ee doorasho golaha dhexe ah ku yimi, shir weynaha uun baa lagaga saari kara,”ayuu yidhi Mr.Muuse Biixi.
Somaliland.Org/Hargeysa

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: