31 December, 2013

Xeerka Bileyska Ee Golayaasha Baarlamaanku Ansixiyeen Oo Loo Gudbiyay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Qodobada Ciidankaasi Ka Xakamaynaya Rasaasta Ay U Adeegsadaan Shacbiga

Xeerka Bileyska Ee Golayaasha Baarlamaanku Ansixiyeen Oo Loo Gudbiyay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Qodobada Ciidankaasi Ka Xakamaynaya Rasaasta Ay U Adeegsadaan Shacbiga


Hargeysa, December 31, 2013 (Haatuf) – Xeerka ciidanka Bilayska Somaliland oo doraad si rasmiya ay u ansixiyeen golaha Wakiiladu ka dib markii ay golaha Guurtidu wax ka bedel iyo kaabid ku soo sameeyeen ayaa gebi ahaanba ciidanka Bileyska laga xaaraantimaynayaa inay Rasaas u adeegsadaan dadweynaha isku soo baxyada salmiga ah sameeya, kaas oo sidoo kalena xeerkani abuurayo guddi madaxbanaan oo baadhis ku samaysa cabashooyinka iyo falalka xad gudbiyada ah ee ay ku kacaan ciidanka Bileysku.
Xeerkan ciidanka Bileyska ee labada gole Baarlamaan ansixiyeen ayaa sidoo kale  meesha ka saaray in askariga Bileyska ah ee isagoo hawlgal ku jira dil ku kaca in beeshiisu bixiso magta qofka geeriyooday, balse xeerkan lagu cadeeyay in xukuumadu bixinayso magta qofka gacanta Bileyska ku geeriyooda.
Xeerkan ciidanka Bileyska ayaa waxa kale oo uu cadaynayaa in saraakiisha ka saraysa xiddigle madaxweynuhu magacaabista xilalkooda dikreeto ku soo saarayo, halka xubnaha darajadoodu ka hoosayso xiddigle awood loogu siiyay magacaabistooda taliyaha guud ee ciidanka Bileyska.
Sida ay Haatuf u xaqijiyeen ilo xogogaal ah oo ka mid ah golaha Wakiilada ayaa sheegay in Xeerka Bileyska shirgudoonka Wakiiladu ay shalay si rasmiya ugu gudbiyeen madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo sida sharcigu dhigayo dhaqangalka xeerkaasi uu noqonayo marka madaxweynuhu digreeto ku soo saaro dhaqan-galkiisa, isla markaana uu qalinka ku duugo saxeexiisa, kaas oo xilligan horyaala xeerkaasi madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Xeerkan Bileyska ayaa noqonaya markii ugu horaysay ee muddadii 23-ka sanadood ee Somaliland jirtay ciidanka Bileysku yeesho xeer uu ku shaqeeyo oo ka dhigaya in ciidanka Bileysku noqdo kuwo shuruuc dawladeed ku shaqeeya, isla markaana ka xaaraantimaynaya waxyaalaha xadgudubyada ah ee shuruucda dalka u taala baalmarsan.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: