16 December, 2013

Maxkamadda Ciidamada Oo Ka Hadashay Kiiska Hubaal


Maxkamadda ciidammadaHargeysa(Somaliland.Org)-Guddoomiyaha maxkamadda ciidamadda Gaashaanle Sare Yuusuf Faarax Sharmaarke (Yuusuf Geerash), ayaa daboolka ka qaaday sii dayntii ay maxkamadda ciidamaddu sii daysay eedaysanihii wargeyska Hubaal loo hayay.

Garsoorahu waxa uu sheegay in sida uu qoraayo xeerka ciqaabta ee ciidamada qodabkiisa 34 in aanu eedaysanahu xidhnaan karin wax ka badan 180 maalmood, isla markaasna eedaysanahani uu ku mudo dhaafay xabsiga sideed casho, uuna ku sii daayay damaanad. Waxaanu ku eedeeyay masuuliyinta wargeyska Hubaal inay diideen inay maxkamadda ka soo qaybgalaan si ay u keenaan dhaawac muujinta iyo markhaatiyada si dacwada loogu oogo eedaysanahaas.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamadda Gaashaanle Sare Yuusuf Faarax Sharmaarke, waxa uu sidaas ku sheegay shir jaraa'id oo uu kula hadlay warbaahinta, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay Maalimtii dhacwada laysoo gudbiyay isla maalintii ku xigtay ayaan mudeeyay dhagaysiga dacwadaas,isla taariikhdaas ayaan saman u gudbiyay shaqaalahii iyo mulkiilhii wargeyskaas aan kaga codsanaayo inay ka soo qaybgalaan dacwadaas, si ay markhaadti uga furaan falkii ka dhacay halkaas ee loo soo xidhay askarigaas,waxaan u dhiibay samankaas saraakiil sare oo ka tirsan ciidamadda booliska, waxaany u geeyeen samankii shaqaalaha iyo mulkiilaha wargeyska Hubaal, waanay akhristeen samankaas, waxaanay diideen saxeexii ay soo saxeexi lahaayen markay akhristeen,iyaga oo ku jawaabay ninkan xidhan nin ayaa la socday ee inta aan isagiina la soo qaban oo aan la soo xidhin maxkamadda ka soo qaybgali mayno,halkaas oo ay inbadan isku hortaagnaayeen xeer ilaaliyaha ciidamadda oo ka codsanaayay in ay dhaawac muujintooda keenaan si eedaysanaha xidhan loogu oogo dacwada, waxaanay intaas ku muducayeen ilaa inanka maqan la keeno in aanay imanayn,dhaawac muujina keenayn, maxkamaddana ka soo qaybgalayn, inbadan jaraa'idka ayay ku qoreen."

Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwataa waxa uu yidhi"Waxay sheegeen in goor habeenimo ah laba nin oo madax duuban ay soo weerareen,waxay sheegeen inay nin qabteen nina baxsaday, markaas ninkaas iyaga ayaa ugu dhawaa cid aragta inay qabtaana way wanaagsanayd, laakiin waa uu ka baxsaday cid kale oo garanaysayna ma jirto,marka fal danbiyeed dhaco waxa laga yaabaa inay wada galaan eedaysanayaal in qaarna la qabto qaarna baxsadaan,eedaysanaha la garto ciidanka booliska raadkiisay ku dhacaan oo wakhtigay doonaan ha ku qaadatee sharcigay hor keenaan, ninka aan la aqoonsan ee aan la garanaynn wado loo maraa ma jirto. Qoladaas Hubaal markay xeer ilaaliyahii kala daaleen inay u keenaan dhaawac muujintii sida uu ii sheegay ayna u yimaadaan ninkii la soo xidhayna uu mudo dheer xidhnaa oo la soo xidhay 24/4/2013, maalin maalmaha ka mid ah aniga iyo xeer ilaaliyaha guud ee ciidanka ayaa is raacnay waxaan ugu tagnay xarunta madbacada qaranka horteeda guddoomiyaha wargeyska Hubaal,waxaanu waydiinay inuu dacwadaas ka soo qaybgalo dhaawac muujintiisiina keeno si ninkan xidhan sharciga loo mariyo,waxa uu noogu jawaabay miyaad haysaan ninkii la socday, waxanan ku nidhi miyaad garanaysaa, waxaanu yidhi nimanka madaxtoooyada ayaa laga soo diray,waxaanan ku nidhi waxii aad macluumaad haysaan maxkamadda la yimaada ayaanu ku nidhi oo keena, waxaanu yidhi dhaawac muujintii ayaan keenayaa,markii aan mudeeyay ee wakhtigeedii la gaadhay waxay labadii mijir igu soo celiyeen inay diideen yeedhiteenkii maxkamadda oo ay qabana waayeen,waxaanay igu soo celiyeen samankii oo ay ku soo xidheen warqadii ay ku miijinayeen inay diideen."

Ugu danbayntii guddoomiyahi waxa uu yidhi"Sida aad la soctaan dacwad aan markhaati lahayn maxkamadaha lagma oogo hadii markhaati la waayana eedaysanaha xidhan ayaa la sii daayaa,maxkamadda ciidamadu way ka sii xidh xidhantahay waxaanu dhigayaa in qofka la soo xidhaa uu xidhnaan karo 180 maalmood, sida uu qoraayo qodobka 34 ee xeerka ciqaabta ciidamadda xiliga nabada,181 maalinta ay gaadho waxa ay maxkamadda ciidanku awood u leedahay inay ninkaas siidayso oo uu noqdo qofkaasi mid dacwadii loo xidhay lagu soo oogi waayay,hadii markaas kadib wax cad lagu heli karana dib ayaa lagaga soo oogi karaa.Eedaysanaha loo soo xidhay falkaas Axmed Xasan Xaashi (Yaanyo),waxa uu xabsiga dhexe ee Maroodi-jeex ku xidhnaa 188 maalmood, oo ah lix bilood iyo sideed casho oo sideeda casho ay mudo dhaaf ahayd, waxaanu raajicinaynay oo aanu sugaynay oo aanu maslaxad iyo waan waan ku wadnay inay ka soo qabgalaan dadkii wargeyska Hubaal ka tirsanaa ee sheegay in habeenkaas la soo weeraray, oo mid ka mid ah dadkii soo weeraray sheegay inay qabteen,markay diideen inay yimaadaan. Intaasna wargeyska Hubaal waxa ku soo baxaayay canaan,cabasho iyo eedo. Markay halkaas marayso waajibkii qodabkaas 34 xeerka ciqaabta ciidamadda xiliga nabada ifarayo ayaan ku talaabsaday oo eedaysanii xidhnaa ayaan mudo dhaaf ku siidaayay,isaga oo xaq iigu lahaa inaana sii dayn buuxda siidaayo, maan samayn ee damaanad ayaan ku sii daayay,waayo haduu mudadaas ku dhinto xabsiga masuuliyada maxkamadda ayaa qaadaysa, waayo waa sharci daro in lagu sii hayo meesha."

Somaliland.Org/Hargeysaoo.gl/ShmGM

No comments: