06 November, 2013

Wasiirka Xanaanada Xoolaha “Axsaabta Mucaaridku Yaanay Siyaasadayn Xaqiiqda iyo Xoolaha”

Wasiirka Xanaanada Xoolaha “Axsaabta Mucaaridku Yaanay Siyaasadayn Xaqiiqda iyo Xoolaha”

Wasiirka xanaanadda xoolahaHargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland, Dr Cabdi Aw-Daahir Cali, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalka soo yeedhay masuuliyiinta xisbiga UCID, kaas oo ay ku sheegeen dhoofkii xoolaha sanadkan hoos u dhac ku yimid.
Wasiirku waxa uu sheegay in xoolaha loo dhoofiyay dalka Sacuudiga 90% ka dhoofeen marsadda Berbera ee Somaliland.
“Marka la eego xoolaha loo dhoofiyay dalka Sacuudiga 90% xoolahaasi waa kuwa ka dhoofay Somaliland ee ka dhoofay dekeda Berbera, waxaa wanaagsan axsaabta mucaaridku inaanay xaqiiqda inaanay siyaasadeyn oo aan xoolaheenna iyo iibkooda la dacaayadayn,”ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa.
Wasiir Cabdi Aw Daahir waxa uu sheegay in xoolaha Somaliland aanay jirin xili ay ka wanaagsan yihiin moosinkii xajka ee dhawaa, waxaanu yidhi “xooluhu si fiican ayay socdaan, 100% sanadkan mar uu ka wanaagsan yahay ma jirto naaxdintooduna mar ay ka wanaagsan tahay ma jirto neefku 12 bilood isagoon gaadhin ayuu ku iib galayaa dalkeena, dekedeenuna baratan ayay kula jirtaa kuwa dalalka jaarka”.
Somaliland.Org/Hargeysa

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: