04 November, 2013

War Deg Deg Ah. Hal Qof Oo Ku Geeriyooday Gaadhi Shirkadda Beder Leedahay Oo Miino La Kacday

War Deg Deg Ah. Hal Qof Oo Ku Geeriyooday Gaadhi Shirkadda Beder Leedahay Oo Miino La Kacday


Burco-(Qarannews.com)-Hal qof ayaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay Gaadhi ay Miino kula kacday Saaka Xaafadda Oktoobar ee bariga fog ee magaalada Burco Caasimadda Gobolka Togdheer.

Gaadhigan oo ay lahayd Shirkadda Laydhka ee (Beder Electricity) ayaa sida dad goob-joogayaal ahi u xaqiijiyeen Qarannews dul maray Miino lagu aasay dhulka hoostiisa ,taasi oo Qarax laxaad leh u gaysatay Gaadhigan.

Qaraxan ayaa waxa ku geeriyooday Alle haw naxariistii Marxuum Mustafe Yuusuf Mire wadihii gaadhigan isla markaana waxa burbur xoogani gaadhay Gaadhigan Shirkadani lahayd ,balse lama sheegin cid kale oo qaraxani wax ku noqotay.



Geesta lama shaacinin cida ka danbaysay falkan Miinadda ah ee Gaadhigan lala eegtay ,isla markaana waxa goobtaasi la geeyay Ciidamo badan oo boolis ah kuwaasi oo baadhis kala gadisan ku wada sababaha qaraxan dhaliyay iyo xaafadaha ku dhow dhow aagaasi…

Saraakiisha Booliska gobolka Togdheer oo aanu isku daynay in aanu Shilkan Miino wax ka waydiino ayaaney noo suurtoobin .

Waxa Xusid mudan Xaafadaha Burco qaybo ka mid ah ayaa waxa ku aasan Miinooyin ay kaga tagtay Xukuumadii Siyaad Bare oo had iyo jeer bulshadda dhibaatooyin kaadhsiiya kuwaasi oo ay Tahli-wayday Xukuumadda Siilaanyo in ay magaaladda ka Safayso ,waxaaney arimahaasi ka doorbiday Cayda Siyaasiyiinta iyo Cadaalad-daro.

Maaha markii u horeysay ee Qarax Miino sedan oo kale ka dhaco Xaafad ka mid ah xaafadaha Burco ,balse dhawr jeer ooh ore ayay sedan oo kale dhacday

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: