29 October, 2013

Xoggo Ku Saabsan Shirweynaha Talo- Qaran Ee Axsaabta Mucaaradku Ku Baaqeen + Qodobo Mihiima Oo La Kala Saxeexday!.


Xoggo Ku Saabsan Shirweynaha Talo- Qaran Ee Axsaabta Mucaaradku Ku Baaqeen + Qodobo Mihiima Oo La Kala Saxeexday!.


Xoggo ku saabsan Shirweynaha Talo- qaran ee Axsaabta Mucaaradku ku baaqeen + Qodobo Mihiima oo la kala saxeexday!.



Hargeisa-(Qaran-news)-Siday ilo wareedyo rasmi ahi u xaqiijiyeen Qarannews Gudi farsamo oo ka kooban 11 Xubnood oo dhawaan Axsaabta mucaaradka (Waddani iyo Ucid),Madasha wadatashiga iyo Toosinta Qaranka ,Golaha Aqoonyahanka iyo Xildhibaanada xorta ahi (Free MPs) si wadajira ugu xuleen soo diyaarinta iyo isku dubaridka Ajeendaha shirweynaha Talo- qaran ee ay ku baaqeen ayaa ka faraxashay,isla shalayna hordhigay Hogaanka qeybaha aan kor ku sheegnay ,dood dheer ka dibna si buuxda laysagu racay, loona ansaxiyey.

Ajeendaha shirkan oo sida xoggahaasi sheegeen ah mid aad iyo si cilmiyeysan looga soo baarandegay isha iyo saxarkana laga soo hurgufay ayey isla shalayba si buuxda isagu raaceen, qalinkana ugu dugeen (u saxeexeen) Axsaabta mucaaradka,madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranka,Golaha Aqoonyahanka iyo Xildhibaanada xorta oo markii horeba si wadajira u soo xulay gudigaa farsamo ee ka hawl galay diyaarinta Ajeendaha shirka,halka lagu qabanayo iyo goorta la qabanayaba.

Geesta kale waxay xogguhu intaas raaciyeen in labada Xisbi mucaarad (Waddani iyo Ucid) la wareegeen Ajeendaha shirweynaha,una saari doonaan Guddi wadajira ,kuwaas oo la filaayo inay qabtaan shir jaraa’id oo ay ku soo bandhigi doonaan Goorta iyo Goobta lagu qaban doono shirweynaha talo qaran iyo weliba qeybaha bulshada ee lagu martiqaadi doono ka soo qeybgalkiisa.

Labada xisbi mucaarad ayaa xogguhu tibaaxeen in doorkoodu ama kaalintoodu tahay iskudubaridka,fududeynta iyo daadihinta habsami u socodka shirka ,waxayna si wadajira u xuli doonaan ama u magacaabi doonaan gudigii hagi lahaa (Steering Committee) shirka. Ku darsoo xoggaha kale ee Qarannews heshay waxay intaas ku dareen in shirweynaha Talo-qaran lagu martiqaadi doono ama ay ka soo qeybi geli doonan Golayaasha Qaranka (Wakiilada iyo Guurtida) ,Aqoonyahanka,Culima’udiinka,Madax-dhaqameedka,Haweenka,Xukumada Dhalinyarada ,Ururada Bulshada (Civil Society ) iyo qeybaha kale ee Bulsho-weyntaba.

Isku soo wada duuboo shirkan ayaa sida xogaha Qarannews heshay sheegayaan waxyaabaha ama qodobada laga doodi doono ama lagu lafa guri doona waxaa ugu mudan xaalada guud ee dalku maanta galay iyo weliba sidii loo toosin lahaa wixii khaldamay ama qaloocday Dawlada.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: