03 October, 2013

Wiil Dhalinyaro Ah Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Hargeysa

Wiil Dhalinyaro Ah Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Hargeysa

Oct 3,2013 Hargaysa(Cadceed) Wiil dhalinyaro ah oo magaciisa la odhan jiray Mustafe Cabdi Xaaxi ,kana mid ahaa dhalinyarada dhawaan ka qalin jebisay Jaamacadaha Hargeysa ayaa qudha laga jaray caawa agagaarka xaafada Sheedaha ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa isagoo sida la sheegay ay wehelinaysay qof dumara.
Wiilkan ayaa sida ilo xogogaal ahi u sheegeen Cadceednews waxaa weerar kedisa ku soo qaadey koox dhalinyara,waxayna markiiba gacanta ku dhigeen Mobilkii ama Telefoonkii Gacanta ee qofka dumarka ah ee la socotey wadatey,waxaaana halkaas dagaal ku dhexmary wiilka la dilay Mustafe cabdi Xaaxi iyo kooxdii soo weerartay.
Mustafe ayaa halkaas lagu dilay iyadoo xoggaha qaar sheegayaan in mindi lagu dilay halka warar kalena sheegayaan inuu nabar madaxa kaga dhacay u dhintay,nasiib-darrrose gacanta laguma dhigin kooxdii ka danbaysay dilkiisa oo la sheegay inay markiiba meesha ka yaaceen.
Maydka Mustafe ayaa la keenay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa,halkaas oo uu hadda yaallo.
Geesta kale ciidamada Booliiska Somaliland ayaa la sheegay inay gacanta ku soo dhigeen qofkii dumarka ahaa ee Marxuum Mustafe la socotey markii la dilay.
Dilalka noocyadan oo kale ah ayaa waxay beryahan danbe ku soo badanayaan Somaliland ,iyagoo iskaba caadi ka noqday gudaha magaalada Hargeysa.

Xigasho Cadceed.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: