19 October, 2013

Siilaanyo Iyo Maxamed Xaashi Kala Fogaan Maayaan, Anniga Iyo Xasan Ciise-na kala fogaan mayno...Muuse Biixi

Siilaanyo Iyo Maxamed Xaashi Kala Fogaan Maayaan, Anniga Iyo Xasan Ciise-na kala fogaan mayno...Muuse Biixi


Hargeysa, – Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka Ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inaanay Siyaasiyiinta Mucaaridka iyo Kuwa Muxaafidku ku kala fogaanaynin dhaliilaha, kaas oo tilmaamay inaanay kala fogaanaynin Hogaamiyayaashii ururkii dib u xoraynta dalka ee SNM oo imika siyaasiyadda Somaliland si wayn ugu kala aragti duwan. Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure u diray fariin uu kaga dalbanayo inay iska daayaan hadalada Xanafta leh ee ay Warbaahinta u mariyaan Xukuumadda marka ay dhaliilayaan, kaas oo ugu baaqay inay ka waantoobaan eedaha badan. Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi waxa uu sidaas ku sheegay mar uu Shalay ka hadlayey Munaasibad Hargeysa ka dhacday oo lagu xusayey 29 guurada ka soo Wareegtay maalinta loo asteeyey shuhadadii SNM oo sanad walba la xuso 17-ka bisha October. Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu si toos ah uga hadlay tabashooyinka Mujaahidiinta SNM qaarkood sheegtaan, waxaanu tilmaamay inay gal-daloolooyin badani jiraan, isla markaana aanay Mujaahidiintii dalku wada helin Abaalkoodii ay dalka gashadeen. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi isaga oo ugu horayn arimahaas ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Maanta waxaynu u ducaynaa Muhaajidiintii inagaga dhintay Halganka oo dhan, mudadaa dheer aynu soo jirnay ee aynu halganka ku soo jirnay ee dawladda ahayn wax badanna waynu qabsanay, dhaliilana way jireen, addunyadaa sidaas ah, noloshana waxa la yidhaahdaa waa tiro sagaalaad oo ma tobnowdo oo wax badan ayeynu qabsanay oo ILAAHAY mahadi haka gaadhee meel fiican ayaynu maraynaa, haddana meelo dhaliilan oo in la gufeeyaa maantana way jirayaan, noloshu way ku xidhan tahay marka dadku yoolkooda gartaan, wixii ka dhimana qabsadaan ee khaldama aanay isku haaraamin ee aanay isku canaanan, marka ay iyagu balaylahdooda isku canaantaan ma socon karaan” Mujaahid Muuse Biixi, waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu leenahay sidii aynu ku soo caano maalay ee ahayd isku dulqaadasho, is wadasho iyo wadajir ayaynu wixii aynu tabanayno iyo guusha ku gaadhi karnaa. waxa Xaqiiqo ah taariikhda adduunka oo dhan halgamayaashu waa Shamac oo way gubtaan, dadka kale ayaa ku iftiinsada oo ku intifaaca, qofku hadduu halkanka u galo aad ku intifaacdid ma dheereeyo, bal taariikhda dib u raac, ilaa asxaabtii halgamaagu dabka ayuu shidaa oo umadda ayaa ku diirsata, kama xumaado ee weliba wuu sii hagaajiyaa,
 taa Macnaheedu maaha in la duudsiyo dadkii soo halgamay, umaddu ma qariso xaqeeda, anniga shakhsiyan oo kale marka ilmo yari igu yidhaahdo adeer aan isla kaa Sawiro, markaa yaanu ciil qabin ninka Mujaahidka ahi marka dhibaato ku dhacdo ee dhaqaale xumo, xabadihii laga saari waayo, waar laguma hagran ee hawsheenaa badan, qabyadeenaa badan, haku calool xumaanin oo ku samir”. Guddoomiyaha Kulmiye, waxa kale oo uu ka hadlay tabashooyinka Mujaahidiinta dalka qaarkood “Ma ninbaa korkiisa biyo ka hagrada, ma nin Mujaahid ahbaa nin Mujaahid ah hagran kara, ma Siilaanyo, ma Anniga, ma Maxamed Kaahin, ayaa tilmaami karaa dhibaatada SNM ma annagaa ah qaar ilooba, waa kuma ka noo sheegayaa, waa kuma ka naga dagaal batay, ha soo baxo ka annaga na canaananayaa, xaq-bay u leeyihiin aasaasayaashii SNM in la ixtiraamo oo taalooyin loo dhiso. Maxamed Xaashi, Xasan Ciise, Cabdisalaan Yaasiin, karaamo iyo sharaf ayay mudan yihiin, cidna kama qaadi karto oo annaga ayaa ku garab taagan. 

Siilaanyo ayaa maanta Madaxwayne ah, waa ayo ninka u tilmaamaya dhibaatada uu SNM ka soo maray. Walayaalayaal marka nimanka Siyaasiyiinta ahi Makarafoonada iska canaananayaan wax weyn ha u qaadanina, Siilaanyo Iyo Maxamed Xaashi Kala Fogaan Maayaan, Anniga Iyo Xasan Ciise-na kala fogaan mayno, laakiin Xasan Guurow, markaad Madasha ka hadlaysaan waa inaad wax dhowrtaan, annagu wax dhowrno oo aydaan carruurta ka nixin oo aydaan hadal qadhaadh odhanin, laakiin aynu is canaanano”. Dhinaca kale Guddoomiyaha xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ayaan daro ku tilmaamay falalka Kufsiga ah ee ku soo badanaya Caasimadda Hargeysa, waxaanu sheegay inay yihiin falal majaro habaabinaya wixii SNM u soo dagaalantay isla-markaana ay ka cadhoodanayaan Mujaahidiintii dalkan u shahiiday. Isaga oo arrimahaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Maanta laba dhibaato ina haysta, mid waa Tahriibka, midna waa aafo cusub oo ILAAHAY ha innaga nabad galiyee aynaan hore u arag, waa dambiyada kufsigu ka mid yahay”. 

Mujaahid Muuse Biixi, waxa uu ayaan daro ku tilmaamay kufsiga Hargeysa ku soo badanaya “Waxa ayaan daro ah in Hargeysa laga soo sheego 300 kufsi, Waa masiibo cusub, waa aafo imika innagu cusub oo u baahan inaynu ka dagaal galo”. Guddoomiyaha Kulmiye, waxa uu sheegay in falalkani ay Majaro habaabinayaan wixii SNM soo dagaalantay “Waa wax wixii aynu u soo dagaalanay majaro habaabinaya, waa wax aanay SNM geyin” ayuu yidhi waxaanu intaasi sii raaciyey “Waa wax Mujaahidiintii dhintay ka cadhoonayaan in gabadhiii yarayd ee Mujaahidku dhalay markay is tidhaahdo tukaanka Gaas ka soo iibso guriga hortiisa lagu kufsado”.

Haatuf







http://samotalis.blogspot.com/

No comments: